Monday, June 26, 2017

MADAXDU WAA U ADEEGAYAASHA SHACABKOODA.

MADAXDU WAA U ADEEGAYAASHA SHACABKOODA.
Madaxdu waxay qiimo ku leedahay adduunka iyo barkulanka qaramada midoobey markii ay si xaq ah ay usoo doortaan shacabkoodu ayna daacad u yihiin u adeegida dadkooda iyo shacabkoodaba,kana weyn yihiin calooshooda iyo jeebkoodaba.
shacabku wuxuu qiimo ku leeyahay markii ay hor kacayaan madax u qalanta hogaanka jiritaankooda iyo aayaha masiirkoodaba madaxdoodana ay addeecaan.mideysan yihiina.
dal wuxuu qiimo ku yeeshaa markuu dadkiisu dhisto,aduunkana looga baahan yahay khayraadkiisa,dadkiisuna awoodaan iney ilaalshadaan lahaanshihiisa.
macquul ma aha in ummadda soomaaliyeed ay dhulkooda marti ku ahaadaan munaafaadsan waayaan kuna sugaan caawimo shisheeye asagoo dihin ummaddo kale farta dhexda uga qaniinayaan sidii ay mar uun u lahaan lahaayeen kheyraadkiisa.
waa muqadis inaan nabbadeena gacan bir ku ah ku raadino iskana hor leexino inta naga midka ah ee nalloo isticmaalayo in lana lahaado,dadkalena na hogaamiyaan
caddwoga ummadda soomaaliyeed waxaa hadba loo galiyaa shaati nooc si loo gaaro danta nalaka leeyahay.,
caddowga harka ah ee ummadda soomaaliyeed wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley gacan ku dhigida dalkeena iyo dadkeena asagoo kaarar badan isticmaaley haba ugu danbeyeene kaarar diimeed iyo mid kala qoqoba,si ay u wiiqanto awooda ummadda soomaaliyeed uuna u helo uummad aan mideysneyn lehna dhago badan oo wax kala duwan loo sheegi karo,
maanta waa muhiim inaan midowno hal ilna kuwad aragno caddowgeenana iska qabano si aanu ugu danbeyn u aragno caddwoga harka ah ee ummadda soomaaliyeed.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.

No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...