dagaal wiil ayaa ku dhinta wiilse kuma dhasho.waxaan halkan baaq nabbeed uga soo jeedineynaa dagaalka ka socda magaalada buuhoodle ee soomaaliyeed.
waxaa runtu tahay qof soomaaliyeed doonayana inuu haysto calankiisii buluuga ahaa waa xaaraan maqdac ah in dagaal loogulua yimaado tuur oo qaado mid kale,waxa maanta iyo mudooyinkii danbe ka socdey sool sanaag iyo cayn waa wax ummadda soomaaliyeed indhaha kuwada haysey iyo waliba dadyowga adduunka kuwa dantu kaga jirto soomaaliya iyo inetysan kaga jirin ba waana dulmi cad in qayb beel ummadda soomaaliyeed ka mid ah inta lacag la soo siiyo lagu yiraahdo kuwaasna keena ama maquuniya aanu wadda noqonee soomaalidiid.
nin hunguri qaadey waa nin seef qaadey wax kasta waxaa ka weyn soomaalinimada qofkii ula yimaadana ummadda soomaaliyeed soomaalidiidnimo qof ka mid ah-beel ka mid ah - iyo ummadda soomaaliyeed waa xaq in loo huro nafta iska celintiisa iska qabashadiisa waana in layska dhiciyo.waayo waa wax ku lid ah jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo qofka soomaaliyeedba.
waa muqadis in sool sanaad iyo cayn loo gadaal fariisto hogaanka shacabka xalaasha ah ee soolmaalidoonka ah madaxda cusub ee xalaasha ah ee ay ku kalsoon yihiin waana kuwii badaley xukuumadii fadhiidka aheyd ee cali galeyr isna iibisey ugu danbeyntii.
waxaa ummadda soomaaliyeed taqaanaa tageersan tahayna isku mabdana yihiin waa hogaanka cusub ee khaatumo waana maamulka cusub ee khaatumo soomaaliya kana midka ah dowlada federaalka soomaaliya.
waxaan mar labaad ku baaqayaa in nabbad lawada ilaashado laakiin aan marnaba la ogalaan soomaalidiidnimo iyo dabadhilif uu soo direy soomaalidiid uu adeeganayo caddowga ummadda soomaaliyeed kuna rati kacsanayo caddowgaas soo jirieenka ah ee ummadda soomaaliyeed waligiisna ku qarwayey aargoosigii dagaaladii ummaddii soomaaliyeed ugaga adkaatey WAAYIHII HORE maantana ay wali waddaan AARGOOSI faracii haraadigii caddowgaas soo jireenka ah ee ummadda soomaaliyeed.
Amin Musse.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.

No comments:
Post a Comment