Monday, August 21, 2017

Ummadda soomaaliyeed waxay leedahay caddow qarsoon iyo mid muuqda - caddow soo jireena iyo mid cusub - caddow naga fog iyo mid nagu dhex jira.


sida aanu aragney taariikhda jiritaankayagana ku xusan waxaa waligeed nagu taagnaa caddow mid na ag dagan iyo mid adduunka noogaga yimid, markii aanu ka adkaaney kii adduunka noogaga yimid wuxuu caddownimadiisii ku wareejiyey kuna xawileydanahiisii si ay meesha ugaga sii socdaan caddowgii na ag daganaa mana aha mid haraya .
caddowga ummadda soomaaliyeed waa mid dhul boob ah doonayana inuu gayiga iyo dhulka soomaaliyeed ka tirtiro ummadda soomaaliyeed dhaxal ahaan u qaato dhulka soomaaliyeed,
caddowga kale ee ummadda soomaaliyeed leedahay waa mid kheydraad doon ah geed dheer iyo mid gaaban ba u fuuley ilaahadana wadda dagaal qarsoon soona adeegsanaya wax magarato soomaaliyeed oo ay qanciso xaanshiyo jeebka loogu guro ama tiro lacageed oo akkoon loogugu qoro,
caddowga qarsoon waa caddow ku dhex jira ummadda soomaaliyeed kana mid ah nagase jira caddowgaas waxaa qalbiga loo galiyaa balanqaad go'itaan -madaxnimo-deeq lacageed iyo darrajo fool xun waana iskula saxan yihiin halaaga ay mulaaqayaan iyo daadinta dhiiga ummadda soomaaliyeed iyo dabinka khatarta ah ee ay lugta ku leeyihiin ummadda soomaaliyeed dhexdeeda.waana qof baadi kula doon doonaya rabase inaadan helin baadidii aad goobeysey.
waa waajib na saaran saarana qofkasta oo soomaali ah inuu iska celiyo la dagaalamo ilaa qofkaugu danbeeya ee soomaaliyeed.
waxaa jirta in caddwoga soomaaliyeed waligiis isticmaalayey tabo adag asagoo u dadaal dheer u galey kala qayb qaybinta ummadda soomaaliyeed wuxuuna beelkasta ama qaybtuu gooni ula leexdaba wuxuu ka dhaadhicinayey inuu ka caawinayo danta ay doonayaan iney gaaran halka dantiisa qarsoon uu waligiis ku haynayo khaanadii ay ugu jirtey ilaa uu ayaga ula imaanayo dantiisa qarsoon iyo inuu gabi ahaanba lahadaao ayaga iyo dhulkoodaba.
qaybkasta ama beelkasta ama NGO diimeedkasta sida alshabaab iyo kuwa ka baxa diinta ee ummadda soomaaliyeed wadda haysato ummadda soomaaliyeed na laga gees faquuqayo waxaa danno ku wata caddow qarsoon waxaase u hilaacaya hiigsi been ah oo madaxa loogaga qorey iyo rajo wirwir ah meelna aan gaareyn.
hadaba soomaali kastoow u istaag hiigsiga jiritaankaaga kana soo bax waajibaadka dalkaaga iyo dadkaaga iyo kan naftaadaba inta cid samada noogaga timaado noo fulin mayaan waxaan dooneyno.una wadda istaaga midnimadeena-nabbaddeena iyo soo saarista kheyraadka dhulkeena aanu ka gaajooneyno kana af xiranahay.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.

No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...