BARIIRE-SOOMAALIYA.
marka ugu horeysa ILLAHEY samir iyo iimaan haka siiyo ummadda soomaaliyeed shacabka ku dhintey layntii kaska aan aheyn ee bariire.
maanta dalku wuxuu ku jiraa dagaal waana mid laga yaabo inuu socdo wakhtiyada soo socda loona baahan yahay in loo wadda istaago si aanu ugu danbeyn u helno nabbad nolol iyo horumarba.waxaa hubaala in dagaalka ka socdaa yeelan dooono wajiyo kala dwuan sida hubaasha ah sifeynta urur diimeedka dulsaarka ku ah ummadda soomaaliyeed maalinkastana daadinaya dhiiga ummadda soomaaliyeed waa mid muqadis ah soo afjaristiisu waxaase nooagaga baxaya waa naf iyo maal si kastaba haku baxaane.
soomaaliya cirka kama soo dhicin waa dhaxalki awoowayaashayo sidaas darteed ummadda soomaaliyeed waxay soo martey dhibaatooyin badan dagaalo badan intaasna waxaa ummadda soomaaliyeed dhabarka saaraneysey waxkastana ka hormarineysey jiritaankeeda waxaana intaas ku daadanayey dhiig waxaa noogaga dhimanayey dad badan tan maanta ka dhacdeyna waa dhacdo ka mid ah ama khalad dhacey kana mid ah raadinta soomaaliyada aanu wadda rabno inaan wadda sameysano.
waxaa hubaala meel dagaal ka dhacey waxaa ka imaan kara dhimasho iyo khalad waxaase waxkasta ka weyn soomaalinamada iyo danta guud ee aanu wadda raadineyno iyo soo afjarista soomaalidiidnka doonaya dal iyo dad baaba'a,
arintan ka dhacdey bariire soomaaliya waxay la mid tahay dhacdooyinka lagala kulmey dagaalada ka socda ciraaq afganistaan iyi siiriayaba.
markasta waxay alshabaab u taagan tahay laynta shacabka soomaaliyeed, soomaaliyana kumada noolaan karaan soomaalidiid iyo soomaalidoon waxaana ummadda soomaaliyeed wadda raacdey jidkii soomaalidoonka iyo dal nabbad ah barwaaqana ah sidaas darteed jidka aanu wadda goosaney inaan raacno waa mid ku saleysan kuna jiro jiritaankayaga waana mid aanu dhib iyo dhimashaba kala kulmeyno use baahan dhabar adeyg. waayo waxaa dhow guusheenii gaaristeedii.
ummadda soomaaliyeed waxaa soo rafaadiyey dagaal gaajo dowlad la'aan maantase waa isku duuban tahay ummadda soomaaliyeed waxa na horyaalana waa gun ka gaaristeedii iyo iney ku ekaato taariikh laga sheekeeyo oo kaliya.
waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa midnimo walaalnimo is cafin run ah wadda raadinta danta guud ee ummadda soomaaliyeed iyo jiritaan mid ah.waxaan kaloo dowlada hada xukunka haysa ugu baaqayaa in markasta la ilaaliyo jiritaanka iyo nolosha shacabka soomaaliyeed meelkasta dal iyo dibadba.ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa iney isku tashadaan iskuna kalsoonaadaan,mideysnaadaana.
- shacabkii ku dhintey bariire waa in raali galin laga bixiyaa dowlad soomaaliyeed ahaan iyo dalkii dalkii dagaalka wax kala caawineyeyba ciidanka xooga soomaaliyeed.- waa in la bixiyaa magtii shacabkii soomaaliyeed ee ku dhintey bariire ee kamaga ahaa.wakhtigan laga bilaabo waa in dowlada hada xukunka haysaa leedahay awooda ugu danbeeysa ee duqeynta iyo fasaxa ogolaanshaha goobaha dagaalka lagu qaadayo maadama ay ayadu hada xukunka u hayso.waana in awooda dagaal fasax la hoos keenaa dowlada hada xukunka hysa ee ma aha in dalkastaa ciidamo keeno soomaaliya halkaasna ka bilaabo cabad ridid.waxaa lagu dhex dagaalamayaa waa shacab soomaaliyeed waana kan iska leh dowlada hada xukunka haysa ee soomaaliyeed.mana aha in la daadiyo dhiigooda waxa dagaalkubua u sicdaa waa in la badbaadiyo dhiiga ummadda soomaaliyeed lagana dhiciyo caddow diimeedka meelaha kale lagu rati kacsanayo dadyow kalena danno ku wataan.
shacabka soomaaliyeed waxaan leeyahay la shaqeeya dowlada aad sameysateen,waana in aanu uwada dulqaadanaa dhibta iyo dhimashada aanu u mareyno inaan helno nabbad waarta.
AMIN MUSSE-Afhayeenka ummadda soomaaliyeed-musharaxa madaxweynaha.

No comments:
Post a Comment