Friday, September 1, 2017

DAGAAL DIIMEEDKA WATA DHUL BALAARSIGA ITOOBIYA WAA MID KHATAR KU AH JIRITAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED GUUD AHAAN.

marna ma aqbaleyso inaan aqbalno danta itoobiya ee soo jireenka ah,hadii maanta dad soomaaliyeed u arkaan itoobiya dal daris ah kuna magacaabaan dalka aan walaalaha nahay,waxaan leeyahay waxaad kasoo horjeedaab jiritaanka ummadda soomaaliyeed waxaadna raali katihiin in calanka soomaaliya lagu dado kan itoobiya.waxaadna tihiin khaa'imiin caddow kalkaal ah.

itoobiya uummadda soomaaliyeed oo war la ah ayay tagtey miiskii lagu qaybsanayey afrika qarniyo ka hor waxayna wakhtigaas raadineysey tirtirista magaca soomaaliya,diinta ummadda soomaaliyeed,iyo iney u taliso ummadda soomaaliyeed waxayna jawaabeysey dagaalkii naga dhexeeyay ee soo jirey qarniyada.


itoobiya waxay waligeed god mugdi ah la raadineysey iney galiso jiritaanka ummadda soomaaliyeed,hada warkii hore war soo dhaaf waayo waxay itoobiya fursad u hesheyiney iney ku lifaadqo dagaalka adduunka loogaga soo hor jeedo aragagixisada dagaalkeeda qarsoon ee ku saleysan dhulboobka,


waxaan macquul aheyn in dal ummadda soomaaliyeed ka humeysanaya dad kana haysta dhul kuna andacoonaya anagaa iska leh iney maanta afka ka yiraahdaan waxaan wax ka raadineynaa nabbadda soomaaliya,
ummadda soomaaliyeed raali kama aha ciidamada itoobiya ee jooga ciida soomaaliyeed waayo waa caddow,ciidamada itoobiya waxay ummadda soomaaliyeed ku xasuuqayaan dhulka soomaaliyeed ee soomaali galbeed,waxay itoobiya soomaali galbeed ka wadaa dil, xarig, kufsi,jirdil,cunno qabateyn jiritaan,


tirirista dhaqanka ummadda soomaaliyeed,ayadoo ku khasbeysa in ummadda soomaaliyeed ee dagan soomaali galbeed ineysan afkaba ka oran waxaan nahay soomaali.
waxaan dowlada federaalka soomaaliya ee hadda xukunka haysa ugu baaqayaa ineysan dhinac marin hiigsiga ummadda soomaaliyeed u wadda istaagtey ee ay ku sugeyso jiritaankeeda,kana saarto ciidamada itoobiya soomaaliya,kuna badasho ciidamo soomaaliyeed dardarna galiso dhisida ciidanka xoogga soomaaliyeed,


ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa midnimo,walaalnimo,iyo ineysan u kala tagin jiritaankooda waayo caddowga qof soomaaliyeed waa caddowga ummadda soomaaliyeed caddowga ummadda soomaaliyeed na waa caddowga qofka soomaaliyeed.sidaas darteed waa ineysan ummadda soomaaliyeed indhaha iyo gacmaha ka laaban godka lala doonayo in la galiyo jiilalka soo socda jiritaankooda ayadoo anaga hadda nool naloo soo marayo.anagana nala kala bakhti afuufayo nala kala soko marsanayo lana kala gadanayo lana kala laaluushayo nala kala bajinayo laysku kaaya dirayo.danta nala ka leeyahay waa inaan ogalaano waxa itoobiya rabto waana anagoo nala hoos geeyo itoobiya si tartartiib ah waayo dagaalka hadda itoobiya ku waddo ummadda soomaaliyeed waa mid maskaxiyin ah,iyo mid ay adduunka u tuseyso ka qayb qaadashada dagaalka argagixisada geeska afrika halka ay ayadu lafteeda tahay ragagixiso.


itoobiya waxay adduunka la wareegtaa koonbo kaalmeysi ah si ay u gaarto danteeda ah xalaaleysiga dhulka dadka iyo badda ummadda soomaaliyeedba.
waa in loo wadda istagaa soo celinta dhulka iyo dadka naga maqan ee ku jira gacanta gumeystaha,waa innaan ogaanaa soomaalikasta inuu xaq iyo xaquuq u leeyahay inuu amaan ku helo dhulkiisa hooyo,waa inaan ogaanaa in soomaali soomaali kale ka xigin ciidiisa hooyo,


dowlada federaalka soomaaliyeed ee hada xukunka haysa waxaan leeyahay waan baahanahay bakhtiga loo cuno alshabaab ayaan la dagaalameynaa ee itoobiyaay naga caawinya ma soconeyso waayo waxaa alshabaab soo afjari karaa waa ciidanka xooga soomaaliyeed,waayo ninna loogama fiicna ilaalinta nabbad galyada ilmihiisa ilaalinteeda.ciidanka xooga soomaaliyeed waa ilaaliyaha jiritaanka ummadda soomaalikyeed.waana kuwa laga doonayo iney kor usidaan toosha ummadda soomaaliyeed ku mareyso mugdiga.
tariikhdii dheereyd ee ay soo martey ummadda soomaaliyeed laguma dadi karo wadaad waashey galeyna kaymaha iyo dhalinyaro ay maskaxda ka badaleen kana dhiganayaan qoryo dagaal lagu shido iyo qalaalso macno darro ah.


ummadda soomaaliyeed waxaa hadba lagu soo dhextuuraa qalaalse kala geyn ah in ay u socoto danta itoobiya kasoo marba noqda jawiga uu ku fuli karo mid beel iska hor keen mid isku diris maamulada dalka ka jira ah mid u baneyn alshabaab goobo cusub ah,iyo mid waliba ah kan ugu khatarsan ee ku saleysan indho ku haynta dowlada federaalka soomaaliyeed horgalayaashooda,maadama dagaalka aragagixisada geeska afrika ay qayb ka tahay magac ahaan waxaa gacanta u gala itoobiya sirta ummadda soomaaliyeed oo dhan waana mida itoobiya oo ahaan jirtey jiir maanta isugu maleyso libaax.


marar badan ayaa lala soo kufey haynta hogaanka jiritaanka ummadda soomaaliyeed sidaas darteed waxaan dowlada federaalka soomaaliyeed ee hada xukunka haysa ugu baaqayaa iney mideyso ummadda soomaaliyeed,raadisana ummadda soomaaliyeed mideynteeda nabbadeynteeda,una noqoto horgale qalbigoodu ku diirsan karo kuna kalsoonaan karo.waayo maanta ummadda soomaaliyeed waxay rajadeedii galisey kuna aamintey dowlada federaalka soomaaliyeed xukuumada hada xukunka haysa waxkasta oo khaladana wax dulqaad ummma laha ummadda soomaaliyeed waayo khaldaa ma khaldamo ayay mareysaa sidaas darteed waa ku waajib dowlada federaalka soomaalikyeed ee hada xukunka haysaa iney markasta fuliso doonitaanka ummadda sameysatey ee soomaaliyeed.


waxaan qirayaa inaan wadda gaari karno ummad soomaaliyeed ahaan anagoo mideysan halkaan dooneyno inaan degno ee uu jiritaanka ummadda soomaaliyeed ee hada nool iyo jiilaalka ummadda soomaaliyeed ee soo socdaba ku sugan yahay.


AMIN MUSSE.

Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.

musharaxa madaxweynaha.

No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...