

Ummadda soomaaliyeed aqabali mayso wax ummaddii soomaaliyeed ee naga horeysey ee aan dhulka ka dhaxalney diideen taasoo ah in in itoobiya leedahay soomaaligaleed,waxaan wadda qireynaa in itoobiya gumeysato soomaaligalbeed ayna dusha ka saartey horjoogayaal ay ummadda soomaaliyeed maqaarsaar ugaga dhigtey si ay u fuliyaan danteeda gumeysi,waxaan wadda qireynaa in xuduud beenaadka u dhaxaysa itoobiya iyo soomaaliya aysan waxba ka jirin,
maanta calanka soomaaliyeed nin nool xidigta cad hal gees kama jari karo,ummadda soomaaliyeed waa cad yahay warkeedu dowlada federaalka soomaaliya waxay matashaa ummadda soomaaliyeed oo dhan,
manjoo dhooqo mid ba mar ayaa la saaraa sidaas darteed waa in itoobiya kala baxdaa dhulka soomaaliyeed gabi ahaanba ciidamadeeda ay ku maldahayso amisom kuna fushaneyso danteeda gumeysi waayo dan ugama jirto ummadda soomaaliyeed,
caddowtinimada alshabaab waan iska sifeyn karnaa waxaase la mid ah kan ay itoobiya u hayso ummadda soomaaliyeed ee ah gumeysi iyo dhulboob.xasuuq,xarig,kufsi,gaajaysiin,dhac iyo boob,u magacaabid horjoogayaal daba dhilif u ah ayada.
ummadda soomaaliyeed kama baqeyso jidka uu ku jiro iyo halka uu ku jiro jiritaankeedu,maanta ma raali galin karno caddow soo jireena.hadalka hadaaqa ah ee dadka qaarkiis itoobiya afka u galisey ee ah horoumar waxaan leeyahay khayraadka ku jira dhulka soomaaliyeed ee soomaali galbeed ummadda soomaaliyeed na ka jaageysan yihiin laguna dul gumrysanayo ku naaxi mayso itoobiya.kuna biili mayso ciidamadeeda.waxaa iska leh ummadda soomaaliyeed guud ahaan.
ummadda soomaaliyeed ayadoo wadajirta mideysana waa iney wadda ilaalisaa jiritaankeeda dhinacna iska marisaa danta caddowtinimo ee ku saleysan gumeysiga itoobiya wadato.
ummadda soomaaliyeed waa jirtey waxaanse jiri karin waa itoobiya hadii aysan soomaaliya ula imaan dhulboob iyo guemysi.
hadii itoobiya ka baqi waydey gumeysiga ummadda ummadda soomaaliyeed kana xishoon weydey ummadda soomaaliyeedna ka baqi mayso kan gaban meyso iney sugto jititaankeeda.
maanta waa maalin ka mid ah maalmaha ay qoranto taariikhda soo jireenka ah ee ummadda soomaaliyeed qofkastana baal lagaga qoro.
AMIN MUSSE.Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.
No comments:
Post a Comment