Sunday, October 8, 2017

Dumarka soomaaliyeed waxay qayb weyn ka yihiin qaranka soomaaliyeed, qaarkoodna waxay horgaleen u ahaayeen ummadda soomaaliyeed..







DUMARKA SOOMAALIYEED WAXAY QAYB WEYN KA AHAAYEEN QARANKA SOOMAALIYEED CIRKANA WAXAY LA XIIMAYEEN LANA XAWAAREYNAYEEN  DIYAARADO.

 waxay markaahti madoonto ah in waddankeenu ka horeeyay waddamada geesaha naga xiga,waxay kaloo markhaati ma doonto u tahay in dumarka soomaaliyeed xuquuqdoodu sugneyd ayna qabanayeen ama baranayeen waxkasta oo raga soomaaliyeed qabtaan ama bartaan,

sida aad ogtihiin waxaa jira waddomo aysan dumarkoodu xataa baabuurta kaxayntooda aan loo ogalayn sida sacuudiga,qaarkoodna waxaaba lagu khasbaa isqariya waxaad ba tihiin cawree.

hadaba waxaa jira in mudadii danbe ay isa soo taraysay hoos u dhig ama in xuquuqdooda dumarka soomaaliyeed la duudsiiyey tasoo ay keentey dagaalkii sokeeye oo sababey in qorigu taliyo iyo ninkii xoog weynba.

dumarka soomaaliyeed waxay wax ka hayeen xukunka waddankeena.hooyooyinka soomaaliyeed waa jaamacada uu kasoo qalan jabiyo hogaamiye kasta oo soomaali ah.dadkiisana ku hageyey  soomaalinimo.iyo hogaan ay hooyo soomaaliyeed soo bartey.

wakhtiyadan danbe hogaamiyaasha soomaaaliyeed waxaa manhajkii hooyooyinka soomaaliyeed soo bareen ee hogaamiyenimo iyo horgalka ummaddaooda dhalan rogey cadow u soo dhuuntey kana adkaadey ragii soomaaliyueed caddowgaas oo gebi ahaanba dadkeenii  isku direy kasoo ahaa caddow gaadmo qarsoon wata waana cadow dano fog watta mudana lasoo gaatamayey halgaad ilaahadana nabada u diidan dalkeena dadkeeniina ka dhigey baylahda adduunka kala qaban.

caddowgaasi wuxuu kuwii soo kaca halgaadiisa usoo yaaciyey banaanka iyo dalalkka dibadaha si ay uguba soo noqon dalkoodii iyo dadkoodiiba hase yeeshee kaalintii dumarka soomaaliyeed ee ku saleysneyd badbaadinta ma hungoobin wayna miro dhashey oo waxaa soo baxay jaamacadii hooyoyinka  soomaaliyeed ardo cusub ama jiil cusub oo wadaniyaal ah.

dumarka soomaaliyeed waxaa xuquuqdoodii yara gilgiley dagaalkii sokeeye maadama aysan ayagu xabada rideyn.dhib weyna way kasoo gaartey sida dil kufsi dhac moraal jabin gaajo laakiin dumarka soomaaliyeed waanu ku waa baxsaney oo soomaali inta maanta nool waa in dumar ku hagoogtey.hadii ay noqoto daaweyn,nafaqeyn,la qixid,korin,hub kadhis,

dumarka soomaaliyeed waxay ilaa hadana ku jiraan qaybna ka yihiin go'aamada dalkeena ee nabad ku soo celinta dalkeena,waxayna dalkeena ku dabiibaan raadinta nabbada,

dumarku ama hooyooyinku waxay dhalaan ilmo kala qabiilo ama kala duwan raguse hal qabiil,taasina waxay markhaati ka tahay in dumarka soomaliyeed meel isugu keenaan qabiilo kala didsan dagaalna u dhaxeeyey dabadeedna halkaas nabadi ka dilaacdo.marka dumarka soomaaliyeed waa in loo qiraa baalka dahabka ah ee ay nolosheena kaga jiraan lana ogaadaa iney humiim yihiin qadarin mudan yihiin.

waxaanse aad u dhaliilayaa in dumarka soomaaliyeed wali qaarkood aan la siin qiimihii ay ku lahaayeen ummadda soomaaliyeed dhexdeeda iyo dibadahaba waxaana markhaati ka ah in nolosha ka jirta dalka ay jeeni qaartey dahqqaale ahaan dibadahana ay muteen qoomaam aan aqoon dheeraad ah u laheyn qiimahooda dumar soomaaliyeed ahaan kana aqoon la yihiin halka ay ummaddaooda ka kaga jiraan iyo iney yihiin lafdhabartii jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

dumarka soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Araweelo tasoo aheyd hogaamiye soomaaliyeed,waxaa kaloo ka mid ahaa  Xaawo Taako iyo in badan oo taariikhda ummadda soomaaliyeed ku xardan baal dahabana kaga qoran.

AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.

































No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...