Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka haysa iyo maamul goboleedyada. mugdi wayn ayaa galey habka federaalka siyaasadeed oo ay qaadadatey ummadda soomaaliyeed iyo wadadii loo raaci lahaa soomaaliya oo wacan nabbad ah degan kana mid ah dalalka adduunka.
maamulkasta oo ka mid ah dowlada federaalka soomaaliyeed waxaa ku haboon inuu asagu isu arko federaalka laftigiisa waxaana ku waajib ah inuu ilaaliyo kuna dhaqmo sharciga federaalka dowlada soomaaliyeed uu uu ka midka yahay.waxaana waajib ku ah inuju ku dhaqmo ilaaliyana sharci hooseedka uu gaar hanaan u leeyahay maamulkaasi.dowlada hada xukunka haysa ee soomaaliyeed waxaan ku dhaliilayaa iney lagu eedeeyo waxay dumeisey hiirshabeele maanatana waxay faraha kula jirtaa duminta maamulka soomaaliyeed ee galmudug.
runtu waxay tahay siyaasada ku saleysan habkii aanu waddo cad ugu raaci laheyn jidka aanu ku wadda waji laheyn aragtida ku aadan taageerida garab ka mid ah dalalka is qab qabsadey ama kala caroodey ee carabta waxay mudneyd in marka ugu horeysaa ay dowlada federaalka xukuumada hada xukunka haysaa ay gogol shireed u fidiso maamulada dalka ka jira una soo bandhigto aragtideeda ku saleysan taageerida qayb ama dhex dhexaad ka ahaanshaha labada qaybood ee dalalka carabta u kala baxeen,
xukuumada hada xukunka haysa ee dowlada federaalka soomaaliyeed ayadoo eegeysa danta dalka iyo dadka iyo saameynta ay ku yeelaneyso mustqabalka ummadda soomaaliyeed iyo waliba xiriirka adduunk a aanu la leenahay iyo saameytiisaba raacida garab ka mid ah dalalka carabta ee kala fogaadey,
waxaan aad u dhaliilayaa in maanta la yiraahdo xukuumada xukunka haysa ayaa xilka ku fara galisye maamulka mid ah dowlada federaalka soomaaliya waayo maamul kasta oo ka mid ah dowlada federaalka soomaaliya sababta loo sameeyay waa in uu baaho hab dowladeedka soomaaliyeed ee ku saleysan federaalka,ayadoo ummadda soomaaliyeed laga daaweynayo eedeymahii dowladii dhexe ee dalka ka talineysay tasoo aheyd hab xukun ku saleysan gole dhexe iyo hal xisbi.
dagaalka rafaadiyey ragaadiyeyna ummadda soomaaliyeed waxaa eedeyn loogaga dhigey hab xukunkii milatariga ahaa ee dalka soo marey inkastoo xaqiiqdu tahay waxaa soomaaliya loo burburiyey in laga gaaro danta laga leeyahay soomaaliya tasoo ku soo gunaanadmeysa kheyraadka soomaaliya ee dalba kiish u soo qaatey markii soomaaliya loowyaha dhulka loogu dhuftey.
maanta waxaa na horyaal sidee xeero ku xaganaa ilkana ku bad baadaan.maamulada dalka ka jiraa waa iney ayagu isu arkaan far ka kid ah farahii gacanta dowlada federaalka soomaaliyeed, dowlada federaalka soomaaliyeed waa iney isu aragtaa gacantii ummadda soomaaliyeed aysana ka maarmi karin hal maamul oo ka mid ah dowlada federaalka soomaaliyeed,
waxkasta oo ay ku dhaqaaqeyso dowlada federaalka xukuumada hada xukunka haysaa waa muhiim ineysan seef labood noqon laakiin ay la tashato maamulada dalka ka jira ka dibna ay ku hadasho waxna ku saxiixdo magaca ummadda soomaaliyeed maadaama loo xil saartey matalaada ummadda ummadda soomaaliyeed guud ahaan.
waxaan mar kale leeyahay waa in laga fiirsadaa faragalinta maamulada ka jira dalka waayo waxay reebeysaa fowdo iyo qalalaase hor leh soona wajaha ummadda soomaaliyeed iyo waliba in uu xumaado moraalka shacabka soomaaliyeed ee muddada badan dolwad la aanta ahaa hadana ku faraxsan IFTIINKA dowladeed ee u baxaya,
waan wadda ognahay in si dhib ah laysugu keeney ummadda soomaaliyeed maadama uu ku kala dhex jirey caddow qarsooni waan wadda ognahay in si dhib loo soo celiyay kala danbeytii in si dhib ah loo wadda qaatey hab dowladeed ku cusub ummadda soomaaliyeed kasoo ah federaal waxaanse leeyahay yaysan noqon dowlada federaalka soomaaliyeed mid ay gaar ahaan isteerinkeeda u hayaan qayb yar oo isku aragti ah halka ay tahay dowlad ay wadda leeyihiin soomaali oo dhan.
maamulada dalka ka jira waxaan leeyahay waxaad tihiin dowladii federaalka soomaaliyeed waayo waxaad ka tihiin qayb buuxda oo ka mid ah ayada waxaadna mudan tihiin ineydaan u arag dowlad dal kale laga leeyahay waxaana muhiim ah inaad fulisaan sharciga u dagan dowlada federaalka soomaaliyeed, gaar ahaana ku shaqeysaan sharciga maamulkiina hoos ahaan.wixii laysku afgartana ay ku hadasho dowlada federaalka soomaaliyeed sababtoo ah waxaan yeelaneynaa hal af iyo hal waji oo loogu soo hagaago ummadda soomaaliyeed ee ka midka ah ummaddaha adduunkan maanta.
ummmadda soomaaliyeed maanta meel ugama banaana is ka hor imaad siyaasadeed waxaase meel noogaga banaan inaan midowno wadda shaqeyno maamul goboleed ilaa dowlada federaal ahaan gacmahana is qabsano soomaaliyana ka dhigano meel aanu ku noolaan karno nabbad na ah soo saaranna kheyraadka aanu ku dul taaganahay kana gaajeysan nahay noqonana ummadd dadyowgu hiigsadaan nafna bidaan.
ummadda soomaaliyeed waxay hayaan u tahay hiigsi dheer iyo halkuu ka IFAYO kaaha jiritaankooda waxaan ku baaqayaa in xiisad kasta oo soo kala dhex gasha maamula dalka ka jira iyo dowlada federaalka soomaaliyeed lagu dhameeyeo doonitaanka shacabka maamulkaas sameystey laakiin aan la muquunin.wayo waxaan wadda raadineynaa maha dal dumin ee waa dal dhisid iyo midnimo guud.
AMIN MUSSE-Afhayeenka ummadda soomaaliyeed-Musharaxa madaxweynaha.
No comments:
Post a Comment