Saturday, June 29, 2019

HADAFKAYAGU WAA SOOMAALI & SOOMAALIYA OO MID AH WAANA WAAJIB AY NOOGAGA DHINTEEN SOOMAALIDII AANU KASOO ASKUNEY KUNA SUGAN YAHAY JIRITAANKAYAGA MUQADISKA AH..



HADAFKAYAGU WAA SOOMAALI & SOOMAALIYA OO MID AH WAANA WAAJIB AY NOOGAGA DHINTEEN SOOMAALIDII AANU KASOO ASKUNEY KUNA SUGAN YAHAY JIRITAANKAYAGA MUQADISKA AH..

Waxaan ugu horeyn leeyahay aqbali maayno mana aqbali doono ummadda soomaaliyeed ayaa waxaa ka adkaadey itoobiyaan iyo kenyan iyo kuwa gadaasha ka soo riixaya dhaqaalaha siinaya kuna talamaya iney la qaybsadaan kheyraadka ummadda soomaaliyeed ee dhulalka ay haystaan itoobiya iyo kenya.

Waxaan qirayaa in hanka soomaaligu ka weyn yahay kan itoonbiyaanka iyo kenyaanka dagaalkii labaad ayaa ciidan uu qortey ingiriisku kana koobnaa dalaalka itoobiya iyo kenya ayaa waxaa ka mid noqdey nin soomaaliyeed maamiln ayay qado karsadeen ayagoo kenya jooga kana yimid itoobiya markii qadadii la bilaabey cunisteedii ayaa ninkii soomaaliyeed la korey geedkii askartu hoostiisa wax kuwada cuneysey markiiba waxaa su aal waydiiyey ninkii ingiriiska ahaa ee ciidanka watey oo yiri maxaa geedka ula kortey cuntada wuxuuna ninkii soomaaliyeed ku jawaabey anaigu waxaan ahey soomaali waxaana layiraahdaa jaamac sidaas darteed cunto islama cuni karno goobna kuma wada cunteyn karno itoobiyaan iyo kenyan iyo waliba afrikaanka kale,waayo waan ka dhaladsanahay, ka geesinimo weynahay,ka qab weynahay,ka qiimo badanahay,waana ka karaamo weynahay,waxaana ahey soomaali

Halkaas ayaana ninkii ingiriiska ahaa qirey kuna qorey akhbaartiisii uu u dirayey dalkiisiina kuna lifaaqey soomaalidu waa dadka ugu caqliga badan afrika ugu firfircoon,ugu geesisan,ayna mudan tahay in laga tixgaliyo afrikaanka intooda kale waana in indho loo yeesho waayo waxay xukumayaan,yeelanayaan qaadanayaan afrika oo dhan anagana nooma suurto galeyso danaha aanu ka leenahay afrika waxaana halkaas ka bilowdey in la kool kooliyo itoobiya iyo kenya dadka soomaaliyeedna ay ku dulmiyaan dalalkii kusoo duuley afrika ciiddooda hooyo lana bilaabo kala qayb qaybintooda saxa ah ayadoo loo sii dhiibanayo dadkii ninkii soomaaliyeed dadkii ay yasayeen kana adkaayeen waayo wax la dhacey waxaa loo sii dhiibtaa doqon aad ha dhoow ka qaadan kartid waana mid a maanta keentay in itoobiya iyo kenya lagu dhiiri galiyo dhaca iyo boobka shidaalka soomaaliya ee ku jira dhulka ay gumeystaan itoobiya iyo kenya waase wax aan macquul noqon doonin waayo qofkasta oo soomaaliyeed raali kama aha mana ogola mid qori sita iyo mid aan sidanba dadka soomaaliyeed maanta waa wada askar u istaagtey sugida jiritaankooda qarniyada mugdiga la galinayey..

Waxaan marka labaad leeyahay hadalka ka soo yeeray raysal wasaaraha cusub ee itoobiya ee ah waan iska ilaaweynaa wixii dhex marey madaxweynihii hore ee soomaaliya moxamed siyaad bare iyo mingiste waa mid aan u khaldan waayo waxkasta oo dhacey waa wax laba dal iyo laba qowmiyadood dhex marey mana aha wax labo qof oo kaliya dhex marey,

Waxaa la dulmey dad iyo dhulna laga qabsadey ilaa hadana laga haystaa waa soomaali waxa la gumeysanayaa ciidoodii hooyo waa soomaali waxa dhigoodu daadadanayaa waa soomaali waxa kufsiga,xabsiga,jajuubka aamusinta iyo qoriga lala dul joogaa waa soomaali sidaas darteed marna macquul noqon mayso iska ilaawa dhiigayaga oo wali la daadinayo dhib wali nala ku hayo wali hal dhinacoo dulmiga wadey wadana ku qanacsan yahay kuna guul sheeganayo,

Waxaa itoobiya iyo kenya u hiiliyey lana saftey waa dalalkii ku soo duuley afrika kuna garab istaagey kuna taageerey iney soomaaliya dhul iyo dadba ka sheegtaan ilaa hadana ku siinaya dhaqaale iyo waliba taageero milatari dhankasta.

Shacabkasta oo soomaaliyeed dusha laga saarey guemyste afrikaan ah waxaa loo sameeyay kuwo dabdhilif ah caado qaatayaal ah dhuuni raac ah magacana soomaali ka ah qalbigana ka jirin dadkoodana la soo hor istaajiyey dafeyna hogaankooda islana saxan qacligooduna dhameyn marka lala bar bardhigo ragga soomaaliyeed ee qabtey hogaan soomaaliyeed.

Itoobiya iyo kenya waxay mudo maqaar saar ahaan u isticmaalayeen dagaalkii sokeeye ee ummadda soomaaliyeed markuu dhamaadeyna waxay u caro rogteen ku rati kacsiga dgaalka argagixisada ayagoo waliba qayb weyn kku heley waxaan qayb ka nahay la dagaalka argagixsada ay dalal badan oo deeq bixiyayaal ahi ku argagaxeen saameyntiisa ayna gafeen wadadii ay u raaci lahaayeen soo afajristiisa dalal badana ayba ku qariyeen ka soo horjeedkooda diinta islaamka aqoon la'aan darteed.

Itoobiya iyo kenya waxay dantooda ah gumeysiga iyo sheegashada haysiga dhaca iyo boobka kheyraadka dhulka soomaaliyeed ee ay haystaan huwiyeen kuna lifaaqeen la dagaalanka aragagixisada mana aha wax aanu raali ka nahay,soo afjarista alshabaab na waa mid u taal dadka soomaaliyeed iyo dowladeeda haba ahaato in dagaal lagu soo afjaro ama waan waan iyo wada garashada soomaalinimo.

Waxaan leeyahay itoobiya iyo kenya maanta kuma saxna iney bilaabaan dhaca iyo iska qodashada kheyraadka soomaaliyeed sida shidaalka mana aha wax aanu indhaha iyo gacmaha ka laabaneyno mana aha wax soomaali kastaa la ogoleysiin karo mana aha wax laga dhaadhicin karo soomaali kasta oo nool markey diideen soomaalidii aanu ka soo jeedno dhiigoodan u daadiyeen inaan lahaano dhul inaan ahaano ummadda soom aaliyeed oo isu talisa xorna ku ah gayigooda soomaaliyeed.

Waajibkaadka qowmkastaa waa inuu sugo jiritaankooda ummadda soomaaliyeedna cidna uma diidi karto cidna gorgortan kulama galeyso gaarista sugitaanka jiritaankeeda.

Ummadda soomaaliyeed aqbali mayso dhul iyo dad intii soo hartey ayaa la idiinkugu imaan si aadba qalbiga ugaga jartaan inta maqan mana ogolaaneyso marka fidno bini'aadam la idinku salladdo hadana la laysa kiin dhigo in la idinka daaweeyey dhibtii fidnada ayay noqon adeeci ay horgalaan itoobiya kenya iyo saaxiibadooda dibadaha.

Soomaaliya caddowgeedu wuxuu waligiis afka si cad ugaga oranayey aqbali mayno soomaaliya oo ah dal awood leh dhankasta maanta waxaan leenahay aqabali mayno in itoonbiya iyo kenya qodoto shidaalka ku jira ciida soomaaliyeed si kasta oo ay u damacdo una gumeysato qofkasta oo soomaaliyeedna ma ogola mana yeelayo,ogolaanshana noqon mayso dadka soomaaliyeed ee ay iyoobiya iyo kenya gumeysato ayaa ogolaadey dadka soomaaliyeed ee ay itoobiya iyo kenya geumysato waa kuwo qori lagu gumeysanayo waxana wax ka leeyiihiin soomaalida xorta ah soomaalida joogta soomaaliya xorta ahna waxay wax ka leeyihiin dhulka soomaaliyeed ee ku jira gacanta gumeystayaasha itoobiya iyo kenya sidaas darteed uma noqoneyso oglaansho itoobiya iyo kenya dhwor horjoogo oo hor ordaya dad soomaaliyeed ayaa ka qab qablenaya kheyraadka soomaaliya.

Wakhtigan xaadirka ah halganka xaqa ah ee ku wajahan soo celinta dhyulka iyo dadka maqan ee soomaaliyeed waa mid qofkasta oo soomaaliyeed waajib ku ah mana aha wax afka iyo adinkaba laga laaban karo,

Waa halgan u baahan in si cad baqdin la'aan ah loogaga wada qayb qaato waxaan leeyahay soomaaliya soomaaliya ma ahan mana noqon karto ayadoo kala qoqoban kala maq maqan horgalakastaana ka gaabsanayo kana baqayo isu keenida ummadda soomaaliyeed iyo dhulka soomaaliyeed horgale kasta oo soomaaliyeed waa waajibkiisa inuu raaco jidka cad ee ay noo jeexeen soomaalida aanu ka soo farcaney waayo halkanba ma aanu soo gaarneen hadii aysan u huri lahayn naf iyo maalba,

Anagana waxaa nagu waajib ah inaan sii wadno waxna kusii kordhino sugitaanka jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo soomaaliyaba si jiilka naga danbeeyaa u helaan waxaan anagu u beerney kagana mid ahaadaan dalalka iyo dadyowga adddunkan.

Ummadda soomaaliyeed ahaan waxaa maanta noo qalmin in nalaka dhex saemysto kuwo laysku diro kuwo inta kale loo isticmaalo,kuwo jeebabkooda shililnka ku jira loogaga badasho cawska ay beeraan itoobiya iyo kenya ee sumeysan anagoo xataa beeran karna haysana dhul iyo biyo,kheyraadka dhulkana ka munaafacaadsan kana gadi kara waxaan soo saarno kuwa aan haysan baahidana u qaba waxaan ummad ahaan noo qalmin waa in dhul iyo dad nalaka haysto intii soo harteyna nalaku fara galiyo,layskaga kaayo dhigo in lana badbaadiyey nala raadinyo nabbad marka runtu ay tahay dhibta ummadda soomaaliyeed soo martey ee ku hagoogatey ay tahay mid ku saleyneyd ku qabso ku qadi mayside oo ah dhulka iyo dadka inta u hartey ku qabso haba ka quusteen inta ka maqan waxaana cadeyn noogu filan in maanta soomaaliya joogaan ciidamo shisheeye ayna ka mdika yihiin itoobiya iyo kenya oo naga haysta dad iyo dhul ahna caddow soo jireen ah waligiisna jiri doona ilaa inta ay ka baxaan kana guuraan farahana ka laabtaan afkana ka joojiyaan sheegashada qaybo ka mid ah soomaaliya iyo soomaalidaba.

Wakhtigan waxaa ummadda soomaaliyeed hor yaal jid cad oo ay raacdo ahna iswalaaleysi,isu tanaasul,is cawin,isu gurmasho,mid ahaan,ismaqal,ilkaliya ku arkaan caddowgooda.iyo wada ilaalshiga dowlada federaalka soomaaliyeed ee ay wadda sameysteen iyo u hagar bixideeda.iyo ku soo darideeda inta naga maqan ee dhul iyo dad soomaaliyeedba ah.

Calankaaga    ILAASHO
Calankaaga    KU DHAQO
Calankaaga    KU DHALO
Calankaaga    U DHIMO
Calankaaga    KU FAAN

AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha

No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...