Wednesday, June 19, 2019

THE WORLD & NOW.


ADDUUNKA IYO IMINKA

Waxaan wada hubnaa in soomaaliya oo kaliya kufin hadana kicin laakiin dal kufey ama qaran jabey uu yahay silsilad taariikheed soona martey dalal badan walina taaban doonta dalal badan qaarkoodna ayba gacaha kula jiraan halaag qaran iyo mid qarsoonba.

Adduunka taariikhdiisu waa socotaa qowmba qaab u saameysaa waxaase jirta dabeylo waa weyn waxna ka badaley adduunkan aanu ku nool nahay dadyoowgiisa amaba muuqaalkiisaba.

Dagaalkii koowaad wuu dhacey waxaana gadaal socdey kii labaad waxaase maanta dhaceysa dabeyl qaab xun walina uu curan la yahay roobkeedii ummadkastaana dareentay qaarna kaba dhaga la yihiin.

Waxaa dalal badani maal iyo maskax ku bixiyaan in la wada helo nabbad waarta guudka adduunka halka dalal b adani qasayaan toodana ka fiirsanayaan halaaguna uba yahay faa'iido.

Ummadda soomaaliyeed waxaan leeyahay waxaan macquul noqoneyn inaan wali ahaano caruurta beesha caalamka waayo waan kufney waana soo fariisaney ayadoo gacmaha lana hayo.waxaa noo gurmadey dalal badan daacadna ah waxaana noo soo raacey dalal caddow noo ah sida itoobiya iyo kenya.

Maanta ummadda soomaaliyeed ma ahaan karto mid indho xiran mid wali qabiil aan ka korin mid wali alshabaab qaransiiso ama u cago jugleyso,ummadda soomaaliyeed ma ahaan karto mid madaxweyanayaasha maamul goboleedyadu dhinac u qoqobaan kana kala dhigaan qowm isku af ah ama isku magac ah oo kaliya ayagoo dantoodu tahay iska xukun aanse laheyn wax natiijo shacab ah oo aan la taaban karin halka ummadda soomaaliyeed mid tahay soomaaliyana mid tahay maamul goboleedyaduna yihiin hab siyaasadeed oo dowlada federaalka lagu wada gaarsiinayo shacabka soomaaliyeed iyo soomaaliya oo kaliya laakiin kii hor gale maamul gonboleed noqdaaba si xun u fasiranayo shacabka soomaaliyeed na maam iyo marin habaabinayo hadba kuwii ay horjooge u noqdaan.

Wakhtigan xaadirka ah soomaaliya waa kacdey waxaana ka xuuba kheyraadka adduunka ka sii gabaabiga ah sida shidaalka gaaska macdanta halka ummadda soomaaliyeedna wali aysan dhadhamin hal qadac oo kheyraadkooda ah shilin laga keenay amabase aysan wali gaari ku shuban daal safarkiisna kaga badbaadi safar maba aysan kaga shuban motor biyo beer ugu waraabiya.

Waxaan marnaba macquul noqoneyn in itoobiya iyo kenya anagii oo nool isa siiyaan kheyraad laga soo saarey amaba laga soo saari doono  ciida soomaaliyeed ee soomaali galbeed iyo NFD  iyo badda soomaaliyaba miisaska adduunkana lasoo  fariistaan sidii  dhaxal ayba noogaga heleen soomaali ahaan.

Maanta adduunku waa isbadely waana isbadli doonaa waxaanse macquul aheyn in mar kale dalal awood lihi isku kaaya dagaalan kor kayaga ku fargadaan halka aanuba wali socod barad ka nahay dal iyo dad ahaanba,waxaase noogaga gudboon inaan la jaan qaadno dunidan dabeyluhu ruxayaan la kala awooda badan yahay marnana jidka kaliya ee aanu isleenahay waad ku bad baadi kartaan saxiibna ka dhigano dalalka aanu isleenahay waa kuwa guusha adduunku dhankooda jirta ahna kuwa ilaa maalintaan kufney naga rajo dhigin amaba lana raadinayey nabadii aanu geedka iska saarney soomaali ahaan waa dalalka reer galbeedka kuwooda daacada ka ah dantayada soomaaliyana aanu kula soo qar qarin gumeysi wakhti jaahiligii awooda qowmiyadeed laysu sheeganayey.

Qofka soomaaliyeed ilaa uu ku qanco ciidiisa hooyo ee laga badidiyey ilaa qofkasta oo soomaaliyeed xusuusto mar kale in soomaalidu tahay libaaxyada afrika iyo kuwii xukumi jirey bariga afrika gumuystihii ka hor itoobiya iyo kenyaba dayn mayaan damaca dawadca iyo riyo isku siinta dhulka soomaaliyeed iyo sheegashada dadka soomaaliyeed ayagoo indho adeyg la caalamiyeeyay ku lifaaqaya.

Wakhtigan adduunku wuxuu ku jiraa muruq is tus iyo is walaaleysi ama is kooxeysi anagana waxaa nagu haboon inaan soomaaliyadayada dhisideeda u dardar galino sida dantu noogugu jirto ee aanu ugu noolaan karno u difaacan karto dowladnimadeedana u dhowran karno.iskuna lamaamino kuwo bari aanu la badbaadi karno,halaag dabadiis. 

Hadaba soomaaliya waa mid ummadda soomaaliyeedna waa mid soomaaliyana waxaa leh soomaali ee u ahoow soomaali.

AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.
 

No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...