SHACABKA SOOMAALIYEED EE GOBOLADA WAQOOYI HOGAANKOODA IYO MASIIRKOODABA GEED LALAMA SAARNAAN.
CADDOWGII SHALLAY EE UMMADDA SOOMAALIYEED WAA CADDOWGA MAANTA.
Lafta nagaa iyo waali waalida cusub ee Itoobiya marna lagu heli maayo dhul iyo bad soomaaliyeed waana waxba kama jiraan heshiis kasta oo wax u dhimya ajiritaanka ummadda soomaaliyeed guud ahaan xataa heshiis sasameyn ku leh dhulka iyo dadka soomaaliyeed ee wali ku jira gacanta gumeystaha.
Marna ogolaan mayno in qaylo dhaan ku saleysan dulmi, diin badalis,dhaqan suurin iyo wado cad u jeexid qoom qalbigu diidey quraankana lagu sheegey in qof soomaaliyeed loo xiro. qof soomaaliyeed oo qiimo wayna ugu fadhiya shacabka soomaaliyeed danbina aan laheyn ayadoo lagu raali galinayo kuwo qarabin horseedna ka ah horboodka kala qoqobka soomaaliya iyo ummadda soomaaliyeed.
Coldoon dadka la midka ahi ma laha dambi waana wax aanu wada diidney in caruur soomaaliyeed loo yagleelo ama iskuul lagu barbaarinayo jiil mustaqbalka dalal kale u noqda dad u fuliya dalal wata dano qarsoon oo diimeed ayagoo ku kala qalbi dilaya horkeenayana ummadda soomaaliyeed ee midka ah laakiin caddowgeedii shallah wali waa nool yahay.
Caddowga ummadda soomaaliyeed wuxuu adeegsadey dagaal sokeeye wuxuu adeegsaday dagaal goboleysi wuxuu adeegsadey dagaal diimeed intaas oo dhana waxa laysku laynayay waxay ahayd ummadda soomaaliyeed.
Waxaa wakhtigan cusub caddowga ummadda soomaaliyeed wadaa beegsiga iyo wadaniyiinta iyo wax garadka soomaaliyeed ayadoo ujeedadu tahay in soomaali laga dhowro keenada iyo hogaanka caddowga fiidan ka dagaalamaysa aaminsana iney ilaashadaan jiritaankooda muqadiska ah ee soomaaliyeed ciidooda soomaaliyeed midnimsda dhulkooda iyo dadkooda xoreystaana inta inta wali ku jirta gacanta gumeystaha kenya iyo itoobiya oo ay ku ilaalinayaan kuna dhaqaale siinayaan dalal walli duulaan gumeysi ku wada soomaaliya sida ingiriiska kaga qalaadaya baarlamaankiisa in soomaaliya la kala qoqobo la kala goo'gooyo ayna jorseed ka yihiin kuwii caruurtii koofil iyo wax la mid ah.
Waxaan si cad u leeyahay maanta waxaan naf iuo maal ugu hureynaa midnimada dhulkayaga dadkayaga waxaana diidanahay gumeyste soo gashtey shaati diimeed waxna lagu yeelayo haldoorka ummadda soomaaliyeed meelkasta ciida soomaaliyeed.
Lagama yaabo in ingiriis talyaani faransiis dad ku dhex sameystaan soomaali ayagoo isticmaalayana kan dabadhilifka ab ka aan waxba nala qaybsan karin kan shilimaanta siisanaya dadkiisa.
Waxaan leeyahay dagaalkii gumeystuhu ku waaday soomaaliya maanta wuxuu mareysa dagaal beesha SNM lagu rati kacsanayo waana gumeysi cusub dadbana lagaga soo dhex dagaalamayo beel soomaaliyeed ayadaoon isogeyn.
Waxaam leeyahay kusa dafey hogaanka shacabka soomaaliyeed geedkana la fuuley didiyay dhalinyaradii soomaaliyeed ayagoo uga dhigaya mid u gooni ahaa dagaalkii sokeeye ee ummadda soomaaliyeed lagu soo dhex tuurey lagu kala fogeynayey laguna fulinayey danaha gumeystaha ee cusub mid markasta lagu hadaaqo loogina sii beerk naceyb halk runtu tahay halagii ummadda soomaaliyeed inaan loo kala harin soomaali oo dhana ragaadiyay burburiyayna dhulkeenii dad badana noogaga dhinteen.
Waxaan leeyahay beel soomaaliyeed ma dulsaarnaan karto beel kale sidaas darteed marna aqbali mayno koox daftey hogaan shacab soomaaliyeed hadana faraha kula jirta danbi qaran soomaaliyeed oo ah kala qowobid dhul iyo dad soomaaliyeed iney sii afduubaan koox kale oo beel solmaaliyeed u jajuubta soomaalidiidnimo.
Waa muqadis in dowlad goboleedka Darwish ee soomaaliya shacabka soomaaliyeed noqdaan kuwo ka hufan gumeysiiyo in koox soomaalidiid ahi la kacaa kufto lana raadiso gumeystihii jiilkii naga horeeyay ee soomaaliyeed casharo soomaaliyeed u qoreen.
Muran kuma jiro maamulka soomaaliyeed ee Dowlad goboleedka Darwish ineysan MALEESHIYAADKA SNM ku haysan karin qori caatadiis iyo iney sii xukuman kuwo dhuuni raac ah.
Waa waajib in koox kasta oo siyaasadeed boholna ku rideysa jiritaanka ummadda soomaaliyeed kala dagaalano dafida hogaanka shacabka soomaaliyeed naamul kasta. waa waajibe in horgalayaasha waligood kacaa kufayey shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi laga qabto.
Waxaan leeyahay marna aqbali mayno jn soomaali danbj ciidiisa hooyo loogu bahdilo loogj xiro loogu hanjabo waxna lagh yeelk ama lagu xabsiyo ayadoo lagu raali galinay shisheeye caddow soomaaliyeed ah.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.

No comments:
Post a Comment