UMMADDA SOOMAALIYEED MEEL UGAMA BANAAN HOGAAN LA DAFO LALANA KUFO.
WAXAA SOOMAALIYA HOGAANKEEDA GAYA UNA QALMA WAA QOF KA WAYN SHEEGASHADA BEESHIISA HOOSE.WAA QOF QABIILKIISU YAHAY SOOMAALI.
HADABA I DOORO AAN NOLOSHAADA WAX KA BADALEE.
Waxaan ugu horeyn leeyahay ALLAH ha u na xariisto qof kasta oo soomaaliyeed naftiisana u huray ama maal iyo caqli ku bixiyey amaba wax loogu yeeley u istaaga u dagaalanka jiritaankiisa soomaaliyeed difaaceeda iyo ilaalinteeda.
Waxaa hubaal ah oo aan wada qireynaa in aanu ku waynay jiritaankayaga dad qaali ah intayada nool ee harsaneysa dhiigoodana aanu ka fiicneyn kana qaalisaneyn uuna na saaran waajibaadka qaran ee ummadda soomaaliyeed ee ay u dhinteen.
Waxaa ayadana hubaal ah in haldoorka ummadda soomaaliyeed ee wadaniyinta ah la beegsanayo la dilayo ka dib na caddow har ah oo ka qarsoon dadka caadiga ah garashadooda uu nagu soo dhex tuurayo is'eedeymo dhexdeena ah si hadafkiisa ah kala qayb qaybi oo usku dir kala soko marso oo kala irdhee iska horkeen oo ha wiiqmeene quwad ummadeed ahaan u hirgslo.
Hadaba xasuuqa haldoorka soomaaliyeed ee socda waa mid caddow soo jireen ah soo abaabulayo wado wadi doonana.
Waa caddowga ummadda soomaaliyeed kasoo la jaan qaadey dunidan cusub iyo wajiyada lagu afduubo dalalka khayraadkooda u sameynta madax ka amar qaadata caddowgaas qarsoon ee ku milmey siyaasada dalalka dunida saddexaad dalal badana xariga diyaasadeed u haya.
Waxaana ugu baaqayaa ogeysiinayaa qof kaska oo wadani ah xil ha hayo ama yuusan hayo inuu is ilaaliyo feejignaado loona dili karo ama wax loo yeeli karo u istaagista iyo wax ka illaalinta iyo u dagaalanka jiritaankiisa soomaaliyeed af iyo adinba.
Marna suurtal ma aha in hogaan la dafo lala kufo waayo waa wax hore loogu soo daalay.waana mida keentey in kenya soomaaliya ku qabsato baddeedii waa mida keentey in gabre iyo wax la mid ahi ka soo muuqdaan muuqaalAda war'isgaarsiinta ayagoo waraaqo ka saxiixAya kuwa huwan magaca soomaaliyeed ahaanA madax ku sheeg.
Waa khalad in shacab laysugu waco ayadoo magaalo madaxda caddowgeedii indhaha kusoo fiirinayo mid qarax la gaada mid cudur fidin la gaada iyo mid halaag kale nagula dhex jiraba.
Ciidanka xoogga soomaaliyeed ka han wayn sheegashada beelcidan waayo waa ilaaliysha jiritaanka ummadda soomaaliyeed sidaas darteed ma aha qof xil raadis ahi inuu kusoo rati kacsado beel af iyo adinba.
Waxaa socdaa waa xauun saf mar ah khatar ah fidaya mana aha sharci in laysugu waco shacab kala qaadi kara cudur fidaya. mana aha sharci in la fidiyo waayo wa danbi qaran waana in laga hortagaa qofaksta oo shacab isyugu waca waxaa dalal badan adduunbkan xireen magaalooyinkoodii kuna khasbeen shacabkoodii iney gurtahay joogaan si loo badbaadiyo waana mara dowladeed iyo badbddinta shacabkooda.
Sidaas darteed waa xaaraan in xil lagu raadiyo kaalaya kofid hadaad rabaatan qaadee ii qayliya qaadana nabbada waxaa masuuliyada dhiig kastoo daata leh kuwa aas aasa ku qaylo dhaamiya baraarujin nabbad laalid.
Waxaa hore u dhacdey in hnogaamiye ordey ka dagay jigjiga oo waligeed madaxweyne soomaaliyeed uusan ku hoos fariisan dhul soomaaliyeed oo cal;an shisheeye ka taagan yahay.
Marka madaxweyne dhul uu leeyahay madaxweyne u yahay laakiin gumeyste ka haysto cag dhigayo waa inuu ku mashullsan yahay xoreyntiisa hadiise uu u tago damaashaad kale asagoo xil haya waa ogolaansho inuu siiyay dhulkaas asagu nafsiyan gumeystaha haysata una ogolaadey bixinta dadkaas iyo hulkaas taasoo la micno ah waan guuldareystey anagu hogaamiye ahaan waana laga adkaadey dadkayga.
Waxaan leeyahay waa khalad hogaamiye ka gali karo ummaddiisa dalkiisa iyo hogaanna ku kufsadey lana kufey sidaas darteed meel ugama banaana qabshada hogaanka ummadda soomaaliyeed mar kale.
Waxaa mar kale dhacdey in hogaamye sioomaaliyeed u sajuudey meyd kenyaan lagu diley ceel cade taasoo la macno ah dhinac marka diinta islaamka ee aanu haysano ahna inaan loo madax laa laadin loona sajuudin qof nool iyo qof dhintayba.
Waxaa jira hab iyo maamuus loo qiimeeyo kuwa u dhinta hawal qaran waxaana la yiraahdaa AAS QARAN waxaan muda in loo sameeyo aas qaran kuweena nafta iyo maalkaba u hura dadka iyo dhulka soomaaliyeed iyo inta u qalanta ee nala hurta nafta iyo maal si aanu u ilaasano jiritaankayaga soomaaliyeed.kuwaasna marka la qiimaynayo loona sameynayo aas qaran waa in calanka la huwiyaa la saara ubax la qiimeeyaa wixii ay u qabteen ummadda ayadoon danbi laga galeyn ALLAH ayadoo aanu wadanao magac hogaamiye.
Waxaan leeyahay si cad nin meyd askar kenyan ah u sajuudey waxaa dhaama kana qiimo badan kan diley ee alshabaabka ah.waayo kenyanku uma imaan soomaaliya inuu nabbad nala raaadiyo ee wuxuu u yimid inuu dhaqaale helo inuu xalaasado NFD inuu xxalaaleysto badda soomaaliyeed waana mid uu ku guul dareystey kenya waayo soomaalidu waa libaaxa geeska afrika kenyankuna waa ummad waligeed laga ilaalin jirey dibadaha iyo dalal kaloo fog waxaana ku hagoogtey kenya oo xagtaa wali gacanta ku haya ciidankeeda waa dalka ingiriiska.
Maanta waxaa adduunku rabaa waa soomaaliya oo nabbad ah barwaaqo ah waayo waxaa soomaaliya ku taal meel meel muhiim u ah quwadaha adduunka ciidan ahaan waxay soomaaliya dhacdaa meel ku haboon in addunka laga xakameeyo milatari ahaan waxay soomaaliya dhacdaa dhulka khariiradiisu sahleyso in laga weerao dalal badan hadii dagaal saddexxaad dhaco.
Waxaa soomaaliya leedahay kheyraad dabiici ah halka kenya ay dooneyso iney dhacdo badda soomaaliyeed ee uu ka buuxo shidaalka si ay ula suuq taggto ugulana gorgortanto dalakii ilaalin jirey kuwasoo dhaqaale doon ah amaba dalal kaloo BURCAD DHAQAALEED ah.kenya waa dal goolaf ah ama guran wax dhaqale kheyraad ah na laheyn.kenya waa ku guul dareyssatey dhaca badda soomaaliyeed waaxaana ka soo bixi doona dacwada dan haag waa joojinta waalida dhaca ku saleysan ee kenya waayo in ummadda soomaaliyeed loo daayo dhulkeeda loona daayo jiritaankeeda waxaa ku hagaagaya nabbada qofkastaa ka raadinayo bariga afrika ee ah hal bowle wax kasta maraan adduunka wadooyinka baddaaha.
Waana mid keeneysa in la xaq dhowro jiritaanka soomaaliyeed loona daayo baddeeda.
Waxaan leeyahay ma aha in shacab soomaaliyeed u soo banaan baxao qof kursi ku raadinaya beel macageeda.
Waa waali in koox hogaan raadis ah la wareegto magaalo madaxda aloosto mudaharaadyo qayasa nabbada khalkhal galinayana shacabka iyo maatada soomaaliyeed ayadoo kenya iyo dalal bsdan oo cadfow u ah soomaaliya ay lacag ku bixinayaan isna leeyihiin soomaaliya kaga faa'iideysta doorashada wakhtigeeda ayna si cad u wadato kuwii hore u saxiixey warqado aysan cilmiba u laheyn looguna sheekeeyay waxaa warqad ay ku qoran tahay heshees is afragasho iyo kuwo la mid ah.
Waxaan si cad u leeyahay ninkii shallay saxiixay hsiish is afrasho asagoo hor keenin baarlamaan ninkii shalay ku eedeeyay miis fariisiga warqad saxiixa dad kale oo wax ka hayay hogaan ay si xun u hayeen maanta laguma aamini karo masiir iyo hogaan ummad soomaaliyeed waayo ma gayo qabashada hogaankaas adag ee kuna jira wakhti gilgilasho asagana waxaan leeyahay wali kama aadan waynaan sidashada magaca beeshada hoose ee aad soomaali kasii tahay sida kuwa kaleba.
Waxaa ayadana meel uga banaaneyn qabashada hogaanka ummadda soomaaliyeed kuwa ay soo gar daadisey Helari kilinton ayna jara bartey sida Karsaygii afganistaan waayo waa dhacay wakhtigii kursiga ama hogaanka ummadda soomaaliyeed lagu sabsabi jirey hogaamiye beeleed ama diimeed si loo helo nabbad.
Maanta waxaa qaban kara gaya hogaanka ummadda soomaaliyeed nin ka wayn eex beeshiisu ku wadato qabaal, nin ka wayn jeebkiisa nin ka wayn in dalka le wato nin soo jeeda maankiisu hurdin ogna horgalka ummadda soomaaliyeed ineyan aheyn beel hoos loola shiro xuduuda ummadda soomaaliyeed na aysan aheyn afgooye iyo balcad marka loo dhaqaaqo ayse tahay tan runta ah ee kiikuyada iyo oradamada
Waa khalad in qof jeeb wax u raadin ku jirtaa ku soo faran duleeweyo kusoo ordo raadiyo hogaanka ummadda soomaaliyeed.
Waxaase raadin kara qabashada jogaanka iyo horgalida matali kara masiirka ummadcda soomaaliyeed waa horgale leh siyaasad hufan kuna saleysan soomaalinimo karti ku shaqeyn kara awood madaxweyne qalbigiisu ku xardhan tahay matalaada qof kasta oo soomaaliyeed mid dhintey iyo mid nool ba lehna caqli uu dalkan iyo dadkan manjaha kula jira dhooqada caddowga uga wada saari karo berina raadin kara inta maqan dad iyo dhul ba kuwa la gumeysanayana xoreyn kara waayo waajib soomaaliyeed waana ku waajib horgale kasta iyo madaxweyne kastaa inuu maro jidkii soomaalidii hore.
Waxaa asagana gayin qabashada horgalka iyo xilka madaxweynenimo ee ummadda soomaaliyeed waa kuwa lunsadey hantidii qaranka soomaaliyeed dhacay wixii loogu dhiibey ummaddooda diyaaradana ka gatey walina aan dhargin laaluush malaayiin doolar ahna ka soo qaadanaya dalal carab ah iyo kenyan hadana hoos lagala soo saxiixdey heshiisyo halis ku ah jiritaanka ummadda soomaaliyeed.
Waxaan leeyahay adduunku maanta wuxuu marayaa in laysu isticmaalo qalabkii ugu danbyeeyay ee saameynta ku lahaa waxna ka badali kara habka maskaxda bini'aadamku u shaqayeso laguna soo tijaabiyey madaxweynayaal badana adduunkan ilaa qaarkood noqdeen kuwo la caqli ah caruurta qaarkoodna ku kashifmeen hawshoodii inyarse ogtahay amaba ay taqaan waxaaasne leeyahay maan fayoow ayaa maamuli karo qaban kara raadin kara hogaanka ummadda soomaaliyeed ee ah xilka madaxweynenimo inta ka horeysana aanu yara darisno inta hogaan doonka ah ee lagu fuliyay hawlgalka ku saleysan maskax sidhiminta ee MK-ULTRA hadana aanba is ogeyn. ma doonayo inaan halkan kusiiyo casharo laga bixiyo xarumaha CIA dad aan waliba qabkoodu ka waynaan iney yihiin reer hebel waxaanse leeyahay ariga weer ayaa ku jira.
Waxaana socda waa mawjado cullus oo siyaasadeed ummadda soomaaliyeed na waxay nasiib u yeelatay in adduunku la jiro waa kuwa hogaamiya siyaadasa dabaqada sare ee adduunkan maanta waxaa ummadda soomaaliyeed la safan kuwii ay u cararareen dalalkooda ogaadayna iney yihiin dad fiican qalbi xaaran walaalinimo bini'aadam leh una qalma in la siiyo nolol lala lagala dhiso dhulkooda lana ilaaliyo dowladnimadooda la lana ragaad bixiyo qarankooda curdinka ah lagana ilaaliyo waraabe kasta oo doonaya inuu cuno hadana cabaada.
Ummadda soomaaliyeed waxaa usoo hoyatey guul waayo waayo waxaa soomaaliyada cusub ee wanaagsan laga doonayaa waa adduunka daafihiisa.
Waxaa ummadda soomaaliyeed leeyahay doorasho soomaaliyeed waa dhacaysaa waana wajib qaran laakiin waa inaan ka waynaanaa nin jecleysi eex nin xigsi iyo anaa reer hebel ah waxaa hubaal ah in halka aanu dooneyno inaan gaarno ku gaari karno karti awood aqoon soomaalinimo bini'aadamnimo iyo inaan ku dhiirano inaan u wada istaagno wada ilaashada qranakayaga soomaaliyeed wada ilaashada dowladayada federaalka soomaaliyeed waxaan si cad u leeyahay xukuumada hada hogaan kahaysaa waa sharci waxana xilkeedu ku eg yahay marka ama isla xukkumada dib loo dhaariyo ama mid kale nasiib u yeelato iney bashdao laakiin marna qalbiga yaanu ka jeclaan yaanu ta taageeri musharaxa hogaan ku raadinaya beel u qaylo dhaamin waxaana wada nahaya qabiil soomaaliyeed keenii hoos eega noqda beel hoose xil doonana waxaan leeyahay kursiga soomaalyeed waxaa gaya qaban kara hogaamiye qabiilkiisu yahay SOOMAALI kana karaamo iyo qab sareeya caddwogiisa haba ugu horreyeene kuwa dareis ku sheega.
Waxaan leeyahay i dooro aan noloshaada wax ka abadalee kuuna rumueeyee riaydaada qalbiga kaaga qufulan aadna waayxdey wax kuu rumeeya, aan ku tusotee jidka soomaaliyada cusub ee hada wali falideedu socoto inaan hogaankaaga la dafin lalana kufin.
Waxaan ummadda soomaaliyeed leeyahay waxaan ku jirnaa wakhti indhaha caddwoga soomaalyeed hayaan wakhti keenii dabdhilifka ahaa sanuud iyo shilimaad laga buuxinayo si lanoo kugu isticmaalo looguna fushadao danaha caddowga sidaas darfteed aanu ka waynaano sheegashada beelaha hoose qalbigeenana aanu ku xardhano qabiilkeena saxda ah ee soomaaliyeed kaas ayaa nagwada deeqa ahna wax aanu wada huwan karno qarana ahaan ummad ahaan waxaan leeyahay mar kale soomaali hadii aad tahaya sheego qaabiilkaaga soomaaliyeed ee ah SOOMAALIGA kaas ayaa adduunka lagaaga yaqaane.
Waxaan leeyahay waa inaan wada iaalshano dowlada federaalka soomaaliyeed waayo waa aas aaska jiritaankayaga soomaaliyeed waa waxa aanu ku nahay ummad waxaa halaag yo dhib noogugu filan waxaa soo marney yasid oohin dil ceeb dhac iyo iaan NGO saf u qalbo ma aha meel aanu ku noqon karno.
Waxaa ummadda soomaaliyeed u ifayaa waa dowlada federaala soomaaliyeed mana aha mid aan u ogaaln karno in jeebka la gashto sidaas daerteed inta doorshadu dhacayso iyo kadiba waa inaan ilaashaana kana ilaashaana kuwa caddwokasta nocuu yahay.
Waa khalad in hadba nin magac jeneraal wata qalbigiisana qabiil ku qufulan yahay amaro si gooni ah u bixiyo asagoo ummadda somaaliyeed u tusaya in beel leedahay ciidan khaasa kana taliso magaalo madaxda ummdda soomaaliyeed ee magadishu.
Waa inaan wada ilaalina hogaanka amar bikxinta ciidanka xogga soomaaliyeed una marnaa sida uu ahaan jirey mid ku saleysan habka qaynuunka iyo xeerka awaamiirta ciidanka xoogga soomaaliyeed.
Waxaa ciidanka xoogga soomaaliyeed ee qalbiga ku sita magaca iyo calanka waajibaadkiisu yahay soo afjarista caddwoga qaranka iyho ilaalinta jiritaanka ummadda soomaaliyeed waana mid ka wayn in beel loogu rati kacsado isticmaalkiisa.
Waxaan leeyahay ciidanka xooga soomaaliyeed wuxuu matalaa ilaaliyaa calanka ciida dhiiga shacabka soomaaliyeed iyo qaranimada ummadda soomaaliyeed waa in askari kastaa asagu isu arkaaa inuu yahay dowladii maadama uu sito calankii ummaddaiisa waayo waa kuwa kaliya ee aanu u xirnay calanka ummadda soomaaliyeed ugana dhignay dharka waa iaaliayaha jiritaanka iyo qaranka ummadda solomaaliyeed ciidanka xoogga soomaaliyeed waxayna xaq u leeyihiin iney soo afjaraan kii isku daya inuu dumiyo soomaaliya kii ay soo wakiishadaan ummaddo kale waxaana nogaanka ciidanka xoogga soomaaliyeed leeyahay siilsilad amar kala qaadasho waana inaan ilaalino waayo waa astaanta qaranimada soomaaliyeed ciisnka xoogga soomaaliyeed.
Hadaba u ahoow soomaali jiritaankaaga hana hareer marin ummadda soomaaliyeed ee hayaanka u ah halkuu ku sugan yahay jiriktaankeeda mquadiska ah hana noqon mid noqda habqan waxaan GACAN BIR ah ku dhisaneynaa SOOMAALIYADA CUSUB ee aanu cidna gorgortanka kula galeyn waayo anagaa leh.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.
No comments:
Post a Comment