Friday, December 27, 2019

UP HEAVAL WORLD.



UPHEAVAL WORLD.

Every wind of change brought this world hate and love and many changes broken treaties and fixing new treats among nations. as we look beyond the horizon of hope sometimes we see a glimpse of changes that we have to walk over so as to reach the better world that we seek which is lasting peace prosperity and justice but instead of working together for our globally common cause goal we work apart and different that make us wage wars and eyeball each other for gaining grounds or even we lie to our selves and the world to crash others.

Today we are all floating with world events were before we had the ability sometimes to control it.
We must work for peace and watch out for our global environment which we all share.

The world we live in today is young but we made it older than its age by miss using it roping it and owning it wrongly.

We have to seek peace through mutual understanding and respect by every nation and we must not zigzag the existence of others and ignoring everything.


CULIMADA SOOMAALIYEED WAA HAGAYAASHA UMMADDA SOOMAALIYEED-AMIN MUSSE. Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.





CULIMADA  SOOMAALIYEED WAA HAGAYAASHA UMMADDA SOOMAALIYEED.
Waxaan wada qireynaa in maanta ummadda soomaaliyeed ALLAH nasri ugaga soo dayey samada waayo shallay waxaa dagaal lagula jirey gabi ahaanba badalista diinta ummadda soomaaliyeed ayadoo qofkii dadkii dalkii caddow u ahaaba ku lifaaqey LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA
Runtu waxay tahay wixii soomaaliya ka dhacay ma ahayen xukuumad badalis ee waxay aheyd DIIN BADALIS lagumase guuleysan waayo waxaaba ummadda soomaaloyeed si toos ah ugu dhaqantey diinteedii waxayna ummadda soomaaliyeed u kala miirangtey ama u kala baxdey qayb dagaal iyo qori qaadatey kuna waasheyba diintii iyo in dulqaad muujisey iskana nabey masiiba ka socota dalka.
Waxaa in badan la bahdiley culimada ummadda soomaaliyeed waxaa in badan laga adeejiyey kenyan iyo itoonbiyaan ayadoo jawaan amadaxa loo galinayo looguna marmarsiiyoonayo waa ARGAGIXISIXO,
Waxaa dagaalka khaldan ee loogu rati kacsanayo aragagixisada laguna wadey culimada ummadda soomaaliyeed gaarey in dagaal lagu qaado xataa macalimiintii dugsiga quraanka bareysey ilmaha yar yar ayadoo loogaga imaadey dhinacyo badan sida waa laa yaan ilamaha waa dilaan iilmaha waxaan leeyahay culmida ummadda soomaaloiyeed waxay mudan yihiin ixtiraam weyn waxaana nagu wada waajib aha inaan ilaalino karaamadooda waxaana nagu wada waajib inaan ka ilaalino gacanta caddowga kenya iyo itoobiyaba oo sii gada amaba ku raadsada lacagta ladagaalanka argagixisada.inta si khaldan gacanta labadaas dal iyo kuwa kaleba ku jirtana dalka dib si nabbaad ah loogugu soo cesho waayo soomaaligii danbi ka gala ummaddaiisa soomaaliyeed iyo dalkiisaba waa in lagu maxkamadeedeeyaa dalkiisa laguna xiraa dalkiisa waana danbi qaran qof soomaaliyeed oo danbe la gashana gacan ummad kale iyo dalkaleba.
Maanta waxaan leeyahay culimadda ummadda soomaaliyeed waxaad tihiin kuwa tubta toosan ee ALLAH ku hagaya ummadda soomaaliyeed waxaana ummadda soomaaliyeed lagu wadaa kala qaybinta diintoodii ay ka dhexleen ummaddaii soomaaliyeed ee naga horeysey ama jiilkii soomaaliyeed ee aanu kasoo unkaney amaba kasoo jeedno waxaana idiin banaan wa idinkoo marka ugu horeysa midooba ka weynaada qabiilka kana wada mid ahaada talada culimada ummadda soomaaliyeed magaalo kasta iyo tuulo kastana ka diiwaan galiayan immanada si loo helo culimo soomaaliyeed oo hal tub oo soomaaliyeed kuwa taagan isku dan ah isku aragti diimeed ah isla wada soomaali doon ah wadaniyiin ah ummaddaoodana kaga jira baal dahab ah oo waxad qabad weyn leh.
Waxaan ummadda soomaaliyeed leeyahay yaanu iska gaagixin hadii NASRIGII ALLAH noo soo dagey aanuna kor yeelno uwa u istaagey diinteena iyo kor yeelideedaba shallay kenyanku waxay lahaayeen shufto culimada ummadda soomaaliyeed maanatana ayagii ayaa albaabada gaariyada ka furaya ku horkacaya wadooyinka magaalooyinkooda.
ALSHABAAB waxaan leeyahay ummadda soomaaliyeed waa wada muslim sidaas darteed dhinac ka raaca ummaddiina soomaaliyeed daayana daadinta dhiiga birmageydada soomaaliyeed waxaana wada qireynaa in ummadda soomaaliyeed gabi ahaanba wada leedahay caddow soo jireen ah lakala jecleyna kii kaga dhinta dagaal diimeed dagaal soomaaliidiid dagaal qabiil dagaal dhabadhilif lana wada doonayo soomaaliya oo aysan ku nooleyn ummadd soomaaliyeed ama lagu gue,syto laguna xukumo waa sida ku masawiran qalbiyada kenyanka iyo itoobiyaanka iyo waliba caddow muuqda iyo kan harka ah ee gadaal kasoo riixaya kuna rati kacsanaya dhaqaale siinaya kenya iyo itoobiyaba.
Hadaba hugankaad maqleysaa waa ummaddaadii soomaaliyeed oo hayaan u ah halkuu ku sugan yahay kana kaahayo iftiinka jiritaankeeda ee ha hareer marin geediga ummaddaada soomaaliyeed hana noqon habqan.
Ummadda soomaaliyeed waa mid soomaaliyana waa mid waana in bariga afrika gabi ahaanba ummadda soomaaliyeed ka talisaa ee soomaali u ahoow kacdoonka ummadda soomaaliyeed una istaag jiritaankaaga soom aaliyeed una ahoow soomaaligii iska lahaa soomaaliya oo dhan una dhaqaaq xoreynta mideynta mitirkasta oo ciida soomaaliyeed ah.WAARI MEYSIDE WAR HAKAA HARO.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.

Thursday, December 26, 2019

CABDICASIIS XASSAN (LAFTA GAREEN) MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA WAA HOGAAMIYAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA EE SANADKAN WAA HOGAAMIYE KU DAYASHO MUDAN WAA SOOMAALIDOON KA DHEX IFAYA UMMADDIISA SOOMAALIYEED WAA HORGALE TAARIIKHDA UMMADDA SOOMAALIYEED QORI DOONTO...



CABDICASIIS XASSAN (LAFTA GAREEN)
MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA
WAA HOGAAMIYAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA EE SANADKAN
WAA  HOGAAMIYE KU DAYASHO MUDAN WAA SOOMAALIDOON KA DHEX  IFAYA UMMADDIISA SOOMAALIYEED WAA HORGALE TAARIIKHDA UMMADDA SOOMAALIYEED  QORI DOONTO...

Maamul goboleedyada soomaaliyeed waa dowladii federaalka soomaaliyeed  oo lagu firdhiyey ama lagu baahiyey soomaaliya si guri kasta wado kasta tuulo kasta magaalo kasta gobol kasta ay u gaarto qofkasta oo soomaaliyeed na uga mid ahaado ugauna hoos jiro tallada dowlada matasha magaciisa jiritaankiisa iyo dhulkiisaba.

Hadaba dowlada federaalka soomaaliyeed waa curdin waana soo oreysaa waxaana wali socda dhisideeda waxaa wali ay wada gaareysaa dhulka soomaaliyeed kana hada xorta ah waxayna gaari doontaa dhulka wali ku jira gacanta gumeysiga oo waajib ah in laga xoreeyo lagana xoreyn doono INSHA ALLAH hawshiisiina socoto waayo soomaaliya soomaali ayaa leh mana laha kenyan iyo itoobiyaanba kamana talin karaan.

Madaxweyanaha koonfurgalbeed soomaaliya mudane cabdicasiis xassan lafta gareen waa horgale shacab waa madaxweyne maamul goboleed soomaaliyeed waana isukeenaha shacabka soomaaliyeed qaybihiisa kala baahsan wuxuuna wax ka hor kacayaakana daadihinayaa  hayaanka soomaalinimada iyo soomaaliyada cusub waana madaxweyne ku dayasho mudan kana aragti duwan kana aragti fiican madaxda kala ee wali geedaha saaran shacabkii soomaaliyeed ee ay horgalayaasha u ahaayeena didiyay qaarkoodna afduubeenba sida maamulka soomaaliyeed ee soomaaliland.

Waxaa ummadda solomaaliyeed u baahan tahay horgalayaal aan kala qoqobin shacabka soomaaliyeed kuna haga soomaalinimo ,kana soo baxa hawlihii loo igmadey ee qaran,mudane lafta gareen waxaa eeydeymo badan kaga yimaadeen meelo badan kuwasoo ku dhaliilayey maxaad ula shaqeyneysaa dowlada federaalka soomaaliyeed waxaanse leeyahay asaga laftiisa mudane lafta gareen ayaa ah dowladii federaalka soomaaliyeed oo anagoo dhan ayaa ah dowladii federraalka soomaaliyeed oo soomaali kasta oo wax ka ilaashanaya jiritaankiisa ayaa ah dowlada federaalka soomaaliyeed maanta ummadda oo soomaaliyeed waa dowlada federaalka soomaaliyeed sidoo kalena dowlada federaalka soomaaliyeed waa ummadda soomaaliyeed iyo qofkasta oo soomaaliyeed.

Waxaan macquul noqoneynin in shacabka soomaaliyeed la kala qoqobo waxaana leeyahay muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo wuxuu xaq iyo xaquuq u leeyahay inuudago ku noolaado soomaaliya meel kasta oo uu nolol iyo nabbd ku helayo wuxuu maamul goboleed dowlwda feraalka soomaaliyeed u matalaya waa magaca maamulka gobolkaas ka jira uuna usii marayaa dowladiisa federaalka soomaaliyeed mana lagu ,magacaabi karo jaaliyad maaml gonboleed soomaaliyeed kuna nool maamul goboleed kale iyo wax la mid ah waayo waa soomaali jooga dhulkiisii hooyo tusaale shacabka soomaaliyeed ee kasoo jeeda koonfurgalbeed soomaaliya joogana galmudug waa shacab jooga dhulkoodii hooyo mana aha laajiyiin sidoo kalena shacabka koonfur galbeed ee jooga dowlad gaoboleedka puntland waa shacab soomaaliyeed joogana cidoodii hooyo ee soomaaliyana waxayna leeyihiin xaqa iyo xaquuqda shacab ku leeyahay maamul goboleedkiisa waxayna dowlada federaalka soomaaliyeed kaga jiraan ka joogaan puntland ayada aayaana u matasho dowlada federaalka soomaaliyeed ayna usii marayaan.

Waxaan marna wax loo dulqaadin doonin ah in shacab soomaaliyeed la xasuuqo ayadoo loo bartilmaansanyo waa reer hebel iyo quraafaad ah waxay kasoo jeedaan maamul hebel waayo soomaali kastaa wuxuu leeyahays soomaaliyana soomaalina soomaaliga kale kama xigo dhulkiisa magaciisa jiritaankisa iyo dowladiisa federaalka soomaaliyeed hadii uusan caddow laga ilaalinayo ku noqon qofkaasi sida kuwa aanu ku calaamadiney soomaalidiid ahana soomaali ka jeed iyo caddow kalkaal khatar ku ah jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

Shaqaaqada dilka foosha xun ee ka dhacay dhuusa mareeb iyo gaalkacyo waa in wax laga qabto si aysan u noqon wado ay ku daydaan kuwa maato laayska ku caan baxay iyo iska laaya shacabkaas waa looma ooyaane.waa in maamulka galmudug sharciga horkeenaa dadkii gaystey xasuuqa ka dhacay gaalkacyo iyo dhuusa mareeb lana hor geeya maxkamada sare ee dowlada  federaalka soomaaliyeed maadama uusan aheyn dil ruux kaliya ee uu yahay dil wadareed ama xasuuq.

Shacabka koonfurgalbeed waxaan leehaya ahaada soomaalida wacan ee wanaagsa ee aaad ahaan jirteen ahaada kuwoo dowlada federaalka soomaaliyeed ku boogo dhayayey BAAYDHABO JANAEEY magaalada soomaaliyeed ee ay dowlada federaalka soomaaliyeed kusoo degtey garab istaaga horgalaha  soomaaliyeed ee idin horkacaya hada ama madaxweynahiina lafta gareen asagaa ah mid ay horgalaaysha maamul goboleedyadu ku daydaane iyo madaxweyanaha maamujl goboleedka soomaaliyeed ee sanadkan iyo kan soo socdaba.

Shacabka koonfur galbeed ee soomaaliyeed waxaan leeyahay la shaqeeya maamul goboleedka koonfur galbeed iyo madaxdiisa garab istaaga dowladiina federaalka soomaaliyeed iskana soo afjara alshabaab waana in ay istaagtaa dhalinyarada soomaaliyeed ee qaraxyada lagu miidaaminayo ayadoo lagu lifaaqayo arimo diin laguna fulinayo dano shisheeye waxaad na ka tirsdan tihiin hadaba maamulka aad degtaan ee soomaaliyeed  soomaaliya lama kala laha looma kala sokeeye waana wada leenahay ee ku nooloow ku dhimo ku dhaqo ku faan ilaashana.

Hugunka aad maqleeysa hurdaayoow waa ummaddii soomaaliyeed oo hayaan u ah halka uu ka kaahayo iftiinka jiritaankeeda muqadiska ah ee ha noqon habqan hana hareer marin fiqi tolkiis kama jano tagee magaca aad wadataa hada waa beel soomaaliyeed magaceed magaca qabiilkaaguse waa SOOMAALI sida magaca kikuyada oromada jalwada amxaarada nuubiyaanka sidaas adrteed hadii aad soomaali tahaya waxaa ku deeqa magaca qabiilka soomaaliyeed kasaana kaa kaafin kara kagana hortagi kartaa caddownimada qowmiyadaha kale ee nala daga bariga afrika,hal laan geed oo aad shaagato inaad leedahay waxaa kaaga fiican adigoo iska wada leh geedka oo dhan sidoo kale hal beel joose oo soomaaliyeed adigoo sheegta waxaa kaaga karaamo iyo quwad iyo qrux badan adigoo sheegta magaca qabiilkaaga wayn ee soomaaliyeed ahna soomaali hadaba hadii aad soomaali tahay qabiilkaagu waa SOOMAALI ee niyada yu dhadhaaci kuna kalsoonoow kuna faan sida qabiilada dalalka dega bariga afrika ugu qadaaqayaan waxaan nahay oromo amxaaro jalwo kikuyo iyo wixii la mid ahba adiguna ahoow SOOMAALI sanku neefle kaasareeya ma jiree.

Waxaan mar labaad leeyahay hogaamiyaha maamul goboleedyada sanadkaan waa Mudane CABDICASIIS XASSAN LAFTA GAREEN shacabka maamulka koonfurgalbeed soomaaliyana waxaan leeyahay waad nasiib badan tuhiin la shaqeeya garab istaaga ilaaliyana soomaalinimada jiritaankeeda afarta dacal dalkeena.


AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.



Monday, August 19, 2019

CIIDANKA XOOGA SOOMAAL.IYEED - AMIN MUSSE - Afhayeenka Ummadda Soomaaliy...




CIIDANKA XOOGA SOOMAALIYEED WUXUU SOO AFJARAYAA ALSHABAAB
Waa in askariga soomaaliyeed u dhigmaa 10 askarta itoobiyaan iyo kenyanka ah maadama ay naga dad badan yihiin CADDOW KHATAR ku ah jiritaankayagana yihiin. .
BILL CLINTON mar wax laga waydiiyey soomaalida iyo dagaalkooda iyo ku guuldareysiga mareykanka inuu soomaaliya nabbad ku soo dabaalo wakhtigii diyaarada dagaalka magaalada mogadishu lagu soo ridey wuxuu ku jawaabey ummadda soomaaliyeed dhiigooda wuxuu ku unkan yahay dagaal amaba dagaalyahanimo sidaas darteed ayaga ayaa keensan kara nabbad waana mida xaqiiqdu tahay maanta anaga ayaa GACAN BIR AH ku keensaneyna nabbadayada kuna sugayna jiritaankayaga soomaaliyeed anagoon cidna u gadaal fariisaneyn cidna taledeed ku sucon waayo soomaaliya soomaali ayaa leh inaan ummad ahaan ka m id ahaano adduunkan anagoo qaran ahna waa mida qofkasta oo soomaaliyeed usoo xayd xaydtey maanta naguna kalifeysa inaan tirtirno inta na diidan ee soomaalidiidka. .
Waxaa gayiga soomaaliyeed ka socda waa sugitaanka jiritaanka soomaaliyeed waxaa dagaalo balaaran aanu ku wadnaa kuwa diinta sida khaldan ugu waashey ee alshabaab ahna xarigii gacnmaha loogaga xirayey ummadda soomaaliyeed.
Caddowga soo jireenka ah ee ummadda sopomaaliyeed waa naga guuleysan waayey sidaas darteed wuxuu hadba boorsada kala soo baxayaa habab cusub waxaana ka mid ah in soomaalida dhexdeeda laysku laayo laysku jabiyo caddowna laysaga dhigo waxaase runtu tahay biyo kaa badan iyo dad kaa badanba waa ku harqiyaan soomaalidiidka soomaaliyeed waxaa ka badan soomaalidoonka soomaaliyeed waxaana guuleysanaya soomaalida ku taagan jidkii awoowayaashood suganaya magaca qarinamada iyo calanka soomaaliyeed.
Caddowga ummadda soomaaliyeed ma aha oo kaliya alshabaab ee waa itoobiya - kenya iyo dalal dhaqaale doona h kheyraadkii dhulkooduna goolafwey amaba dhamaadey baahi dhaqaalena hayso doonayana in soomaaliya ay usoo maraan dad iyo xukuumadao kala qoqoban oo ay sameysteen .
Waa nagu wada waajib inaan si kali kali ah iyo wadar wadar ahba u suganao jiritaankayaga soomaaliyeed una ilaashano karaamada iyo sharafta ummadda soomaaliyeed waayo waxaan wada nahay soomaali fiqina tiolkiis kama janno tago qabiilkayaguna waa SOOMAALI dhamaantayo waxaa soomaali soo gaarana waa kusoo gaarayaan waana inaan wada ilaashanaa dowlada federaalka soomaaliyeed ayadaan ku nahay qaranee.
Hogaanka ummadda soomaaliyeed waa wadaan isu dhiib sidaas adrteed waa inaan garab istaagnaa la talinaa taageernaa u hiilinaa kuwa hadba aanu xilka u dhiibaney.
Maanta waxaan wada mudanahay inaan taageerno xukuumada hada xilka haysa ee dowlada federaalka soomaaliyeed waayo waa waajib soomaaliyeed,dowlada federaalka soomaaliyeed waxay ku taagan tahay jidkii soomaalidii hore waana kan saxda ah ahna mid soo jireena ah.
Ciidanka Xooga Sooomaaliyeed GODADKII ugu galey alshabaab wuxuuna ummadda soomaaliyueed kusoo darey magaalooyin badan wuxuuna dulmigii ka qaadey shacab badan oo soomaaliyeed waana GUUL WEYN.
OOGTA ummadda soomaaliyeed waxay ka shidan tahay awdheegle,shabeelooyinka ,gobolada dhexe dalkeena.
Waa hubaal soo afjarista alshabaab ka dib in aanu u wada soo ruqaan san doona qaybta labaad ee dagaalka qarniga ee ummadda soomaaliyeed laguna sugayo mideynta soomaaliya iyoi ummadda sioomaaliyeed.
Alshabaab waxaan leeyahay waxaa jira caddow guud ee ummadda soomaaliyeed leedahay xataa idinka idiin caddow ah ee joojiya daadinta dhiiga shacabka soomaaliyweed kana soo mid noqda ummadda soomaaliyeed cafisna waydiista ummaddiina soomaaliyeed isa soo dhiiba dhiga hubka waa mida kaliya ee idin badbaadisee dantuna noogu wada jiirtee,
Inta aad wadaan halaaga shacabka soomaaliyeed waxaa la wadaa halaaga guud ee ummadda soomaaliyeed kasoo ku saleysan soomaalida isku gumaad kala qoqob kala iibso markeey wiiqmaana xarig kuwada xiro xeel siyaasadeedu ku saleysan tahay.
ALshabaab waxaan leenahay waxa tusaale idiinkugu filan waa talibaanta afganistaan oo ku danbeysey wiilal dhowr ah kuna baxsad ah buuraha iyo kaymaha sidii ugaartiina ilaa hada loo ugaaranayo.
Ummadda soomaaliyeed waa wada muslim sidaas darteed jihaad kuma banaana soomaali.

AMIN MUSSE.
Afhayeenaka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.

Sunday, July 21, 2019

SOOMAALIYA WAXAY KU SOCOTAA JIDKII GUUSHA MIDNIMADA IYO HORUMARKA.





MAAMULKA SOOMAALILAND  EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Ugu horeyn maamulka soomaaliland ma saarnaan karo geedkey fuushey sanooyinkii hore waana maamul soomaaliyeed hoosna taga dowlada federaalka soomaaliyeed si kasta iyo waligeedba waayo arintu waxy mareysaa xaguna buur xaguna gebi ee maxaa noo wada dan ah,marnaba xal ku imaan mayo shacab la maan rogey laguna hor kacayo erayo soomaalidiidnimo ah,iyo kala didinta ummadda soomaaliyeed ee isku isirka ah isku danta ah isku diinta ah isku dhulka ah mana yeeleyno inta qof soomaali ahi nool yahay waxaa gumeysi hore wakhtigiisuna dhacay ayaa lala gadaal ordayaa qayb ka mid ah shacabka soomaaliyeed xataa hadii dhiig ku daadanayo isu keenida ummadda soomaaliyeed dhulka soomaaliyeed inta joogta iyo inta maqanba waanu u horeynaa naf iyo maalba.

Waxaanu marnaba aqabalin aqabaleyn aqabali doonina horjoogayaal dane khaasa wata ayaa kala didiyey shacabka soomaaliyeed una horseedaya kala qoqob u iibgeyn dalal shisheeye iyo gumeyste cusub ayagoo ku eeganaya danahooda kursi ilaalis.

Ereyada hadaaq baradka ah ee horgalaaysha dafey hogaanka maamulka soomaaliyeed ee soomaaliland ma aha kuwo qancinaya maamnka ummadda soomaaliyeed ee wali cayrsanaya tubtii iyo waajibaadka saxda ah ee aanu ka dhaxalney soomaalidii hore ahna waajibaad nagu muqadis ah soo afjairistiisu tasoo ah ummadda soomaaliyeed oo mid ah soomaaliya oo mid ah.

Waa ku khasab kuwa horkacaya maamulka soomaaliland ee soomaaliyeed iney ka tanaasulaan wadada khaldan ee ay ku raad joogaan ahna wado mugdi ah iyo aan doon doonee yaa beri u gumeystey halka soomaaliyada cusubi cagta saartey jid aanu marnaba si ugaga leexan kari saxan toosan laheyn kuifid danbe iyo qaranka soomaaliyeed oo miisaska shirarka adduunka logaga taliyo waxna waraaqo loogugu qoro ayadoo ummadda soomaaliyeed wax u dhimeysa qabkeeda iyo qaayaheeda qarinimo ummadnimo dalnimo iyo jiritaanba.

Waxaan leeyahay waxa na horyaal ka weyn xoolo ayaa markab lagu xanibey ee waxa  na horyaal waa jiritaankayaga muqadiska ah ee soomaaliyeed xaqna uusan u lahaan karin horjooge inuu dhiiqeeyo mugdi galiyo marin habaabiyo xaq iyo awoodna looma  yeelan karo in soomaaliya kooxi kala qoqobto halka,

Soomaaliya waxay gumeystaha ka hor aheyd hal dal soomaaliduna waxay ahaayeen hal ummad walina waa yihiin ahaana doonaan.koox qalin shubato ah jaanisna ku heshey horgalka hogaanka  shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi iyo jiilkan soomaaliyeed ee hada una baadan dhalinyarada dhalateyna dagaalkii sokeeye ka dib kuna yar tahay aqoonta iyo wanaaga midnimada iyo walaalnimada ummadda soomaaliyeed marnaba laguma sii deyn karo kooxaha hadba dafaya hoogaanka shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi kuwaasoo ah horgalayaal ay gadaal ka riixayaan caddow aysan caqli u laheyn iyo cilmi buuxa ahna caddow soo jireen ah ummadda soomaaliyeed qarniyo halgan soo jireen ah kula jirtey walina dagaalkii uu wadey caddwioga muuqda iyo kan harka ahba socdo noqona doono mid ummadda soomaaliyeed ku guuleysato mid aanu dhamaan kuwada gaarno sugitaanka jiritaanka ummadda soomaaliyeed ee xaqa ah lamana taabtaanka ah.

Waxaan markale leeyahay horjoogayaasha dafey hogaanka shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi qori kuma maquunin  kartaan shacabka soomaaliyeed sool sanaag iyo cayn ee soomaalidoonka ah idinkoo oofinaya danaha caddowga soomaaliya.waana inaad ka leexataan hogaanka shacabka inta aan la idinka leexin la idinka fara maroojin ayadoo xaalku noqon karo murrug maarug iyo in la idinku jajuubo aqbalida jiritaanka soomaaliya ee khasabka iyo ilaalinta qarinimada soomaaliyeed iyo waliba i khasab la idinkaga soo dajiyo geedka qodxaha leh ee aad la fuusheen qayb ka mid ah shacabka soomaaliyeed waana nagu waajibe.

waa muhiim inaad qalbiga ka sartaan cayrsiga riyada daanyeerka iyo kali araga xuduuda wirwirka beenta ah ee ay  arkaan  kuwii codowga u ahaa soomaalidii hore hadana caddow u ah soomaalida maanta lana  raadinaya mugdi galinta jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo gumeysi hoos geynta jiilka soomaaliyeed ee naga danbeeya.

Waa waajib in horgalaaysha dafey hogaanka shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi aqabalaan waxkasta oo ay dowlada federaalka soomaaliyeed warqad ugu qorto ahna mid dan ugu wada jirto ummadda soomaaliyeed marnaba aqabali mayno maamul ka mid ah dowlada federaalka soomaaliyeed lase manjo habaabiyey ayaa miis dowlad ahaan usoo fariisanaya gorgortan aan meeshaba oolna wata halka xaalku marayo sidee xeero loo xagtaa ilkana ku amaan galaan waana jidka soomaalinimada iyo midnimada soomaaliya oo kaliya ahna mid ummadda soomaaliyeed kuwada taagan tahay wixii diidana daadku qaadayo.

MAAMULKA JUBALAND EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Waxaa jeeniga nagu haya waa xulashada hogaanka shacabka soomaaliyeed ee jubaland ahna mid u baahan inuu si nabbad kusoo gaba gaboobo kana dheerado nin jecleysi kana hufnaado eex iyo carqaladeyn.maamulka dowlada federaalka ee soomaaliyeed waxaa wali faraha kusoo taagaya alshabaab tasoo u baahan soo afraid weyn iyo in loo wada midoobo ka maamul jubaland ahaan ilaa heer dowlad ferdaalba.

Maamulka jubaland ee dowlada federaalka soomaaliyeed waa isku xiraha dhulka soomaalikyeed iiyo ummadda soomaaliyeed ee lasyku dayayo in lagu kala qoqobo xayndaab been ah gumeystana ka tagey waxaa runtu tahay kenyan ma alaha garissa iyo NFD sidaas darteed waanu ogsoon nahay in kenya oo wadey arimo fool xumo dariseed ah kuna saleysan dhul aysan kenya laheyn isjecleysiin iyo laalilda nabbadda wakhtiga fog ee geeska ah ay ka wado damac la mid ah kan israa'iil ee buuraha golan ee siiriya iyo waxaanu ka ilaashan nabbaddayada hadaba jubuland waa isku xiraha garissa iyo mogadishu dhul iyo dad soomaaliyeed ahaanba.

Jubaland maanta waxay u baahan tahay kala danbeyn ismaqal isu tanaasulid iyo wada eegida hiigsiga fug ee ummadda soomaaliyeed.waxaan leeyahay jubaland halka kursi ee shacabka soomaaliyeed ee jubaland wuxuu qaadaa hal qof waase inaan ku qanacnaa hadba kii saxan ee noogu fadhiista waana inaan lawada shaqeynaa,waayo qofka guushu raacvdo wuxuu qaban oo kaliya waa hawshii aad shacabka soomaaliyeed u qaban laheyd oo kaliya waxaase nagu wada waajib ah iney doorashadu noqoto mid xalaal ah kana weynaato mid laysku jiidjiito iyo in ummaddo kale kala horhoraan ummadda soomaaliyeed qaybteed,waxaase indho indho ku filan waa dowlada federaalka soom aaliyeed oo dul joogto ka ahaata kuna wada qanacno najiitada soomaalinimo.

MAAMULKA  GALMUDUG EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Anagoo isku wado ku socana ayaan hadana kala aragti duwanaan karnaa waa wax lagu farxo yididiilo galinaya ummadda soomaaliyeed nabbad ku soo xalintii arimhii qalafsanaa ee ka aloosnaa maamulka soomaaliyeed ee galmudug isu keenida dhinacyada kala duwan ee maamulka galmudug.

Maamulka soomaaliyeed ee galmudug maanta waxaa horyaal arimo ku dhiirasho mudan lagamana maarmaan ah fulintooda sida soo afjarista alshabaab,ka ilaalinta galmudug iney mar kale noqoto maamul soomaaliyeed gala kala qayb qayb sanaan iyo anagaa anaga ah,waxaa ku baxay sameynta iyo yagleelida maamulka galmudug ee dowlada federaalka soomaaliyeed caqli soomaaliyeed iyo shilin soomaaliyeed nafna waa loo hurey mana ahaan karo mid wado u noqda 
dib u socod danbe.

Waxaa shacabka soomaaliyeed ee maamulka galmudug eegaya waa indhaha ummadda soomaaliyeed waana maamul muhiim u ah jiritaanka ummadda soomaaliyeed waana inaan dib u dhisno hay'adaha dowliga ah si ay shaqadii shacabka soomaaliyeed u igmadey,dowlada federaalka soomaaliyeed waa  tiirka  jiritaanka ummadda soomaaliyeed waana kan ummadda soomaaliyeed u matala magaca qaran adduunkan maanta sidaas adrteed waa lagama maarmaan in la ogaado in maamulkasta oo dalka ka dhisani laftiisu yahay dowlada federaalka soomaaliyeed waa in maamulkastaa xoojiyaa wax qabadkiisa gaarka ee uu u hayo shacabka soomaaliyeed ee hoos taga maamulkaas maadama uu yahay dowladii federaalka soomaaliyeed oo la sii balaariyey.

DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND EE  DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Ugu horeyn dowlada federaalka soomaaliyeed waxay matashaa soomaaliya iyo ummadda soomaaliyeed waxaana lagu wada baayiyey dalkoo idil ayadoo laga hoos sameeyey maamulo hoose sidaas darteed dowlad goboleedka puntland ee dowlada federaalka soomaaliyeed marnaba ma hakin karto mana joojin karto umana jari karto xiriirka dowlada federaalka soomaaliyeed waayo puntland waa hooyadii dowlada federaalka soomaaliyeed sameysey waana tii hor kacdey in soomaaliya dowlad soomaaliyeed mar labaad kasoo curato,

Puntalnd waa dowlada federaalka soomaaliyeed sidoo kalena dowlada federaalka soomaaliyeed waa puntland.waa muqadis xukuumada hada hogaanka haysa ee puntland iney si dhow iyo si gaaraba ula shaqeyso dowlada federaalka soomaaliyeed ee guud waana gudasho waajib daleed iyo daddeedba.

Puntland waa ku furan hawl ah soo afjarista soomaalidiidka iyo alshabaabta ku dhuumaaleysta shacabka soomaaliyeed dhexdiisa iyo buuraleydaba waana mid muhiim u ah soomaali oo dhan,iyo nabadeynta soomaaliyada cusub ee aanu wada rabno wada dhiseyno nafta iyo maalkaba u horeyno.

MAAMULKA HIIRSHABEELE EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Waxaa ummadda soomaaliyeed farxad u ah dardar gelinta ka socota hiirshabeele ee ah nabbadeynta soo afjarista alshabaab iyo turxaan bxinta shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele.

waxaa mar iyo labo muran galey hogaanka maamulka soomaaliyeed ee hiirshabeele waxaan leenahay sagaaro tun lakala qalo ma laha sidaas darteed maamulka soomaaliyeed ee hiirshabeele ma gali karo muran iyo hogaan kala xigsi ku saleysan beel beel iyo anagaa gobolkaas u badan  udana hogaanka hadba horgalayaasha haya hogaanka shacabka hiirshabeele ee kuna  taagan wadada soomaalinimadu ku dheehan tahaywaa in lala shaqeeyaa lana garab istaagaa  lona wada hawl galaa  danta guud iyo  gadaal socodka dowlada federaalka soomaaliyeed ee ah tan guud ee ummadda soomaaliyeed dhamaan leedahay matahsna qaranka soomaaliyeed.


DOWLAD GOBOLEEDKA SOOMAALI GALBEED EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Waxaan qarniyo ku soo jrney hadaan soomaali dhamaan nahay halgan dheer waxaa maanta ifaya waa guushii aanu qarniyada dhiiga iyo dhaqaalahaba u hurney soomaali dhiimo iyo qaayo lehna noogaga dhamaadeen mana ah mid aanu ka haro karno amaba ay itoobiya iyo kuwa bakhti afuufaba nabi karaan damin karaan silcin karaan dib u dhigi karaan,amaba ay manjo xaabin karaan wado kalena u fali karaan la raacsiiyo.

Waxaa itoobiya ka socda maanta waa burbur iyo naf la xaariyin waxaanse suurtoobi karin in markasta oo ay kacdo mowjadaha siyaadaseed ee itoobiya sahlayana soo afjirista halganka dheer iyo xornimada shacabka soomaaliyeed ee soomaali galbeed in maro lagu dado anaguna aan ishigano sidii isbadalkii siyaasadeed  1990 ee itoobiya sahleyna in eritereeya gaarto mowqifkeedii xornimo.

Wakhtigan xaadirka ah itoobiya waa ku qanacdey waa ogoshahey in ummadda soomaaliyeed ka taliso aayaheeda soomaalinimo dhul iyo ummad ahaana midowdo guud ahaan waana wax ku qoaran dastuurkkeda waana mid khasab iyo jajuub aanu uga keeney mase ah mid sahal ay ku qortey waayo ummadna ummad kale ma gumeysan karto adduunkan cusub,soomaaliya soomaali ayaa leh soomaaliyana waa mid ummadda soomaaliyeed na waa mid sidaas darteed waa in  la garab istaago lala wada shaqeyno  halgamaaysha ONLFsoomaaliyeed ee qarniga barkii xabada u ridayey xornimada soomaaliya iyo ilaalinta jiritaanka ummadda soomaaliyeed.maanta waxaan haysanaa fursad qaaliya waana inaan ka faa'iideysano anagoo wada jirna mid ah dhan.xukuumada hada hogaanka haysa ee soomaali galbeed somali state waa mid ay leeyihiin ummadda soomaaliyeed oo dhan sidaas darteed waxaanu ku maahmaahnaa soomaali hadii aan nahay sidee xeero loo xagtaa ilkana ku badbaadaan waxaa xaalku marayaa sidee mid ugu ahaana caddow dusha laga saarey ummadda soomaaliyeed ee soomaali galbeed anagoo aan laysku kaaya isticmaalin naloo kala bxibixn magacyo beeleed magacyo kala du duwan sida  kuwaanaa liyuu booliis ah iyo kuwaanaa onlf ah,

Runtu waxay tahay guusha ummadda soomaaliyeed waxay ku jirtaa gacantayada waase ienysan naga baxsan una diyaar garoownaa samata bixinta dadkeena iyo dhulkeenaba iyo waliba hawsha guud ee wax ka jegleelida soomaaliyada cusub ee maanta xawliga ku socota tasoo hal hayskeedu yahay soomaaliya waa mid ummadda soomaaliyeedna waa mid soomaaliya soomaali ayaa leh.

Indhaha ummadda soomaaliyeed waxay ku jeedaan laqdaba iyo isku dayga guracan ee ku saleysan ilduufinta jiritaankayaga soomaaliyeed ee caadada u ah gumeystaha itoobiya iyo kuwa qarsoon ee caanka ku ah bakhti afuufida iyo diin ugu eexadka itoobiya.

Ummadda soomaaliyeed waxay hayaan u tahay jiritaankeeda mana ah mid uu caddow ragaadin karo amaba joojin karo waa waajib soo jireen ah midnimada ummadda soomaaliyeed iyo dhulka soomaaliyeed ba waana waajib aanu ka dhaxalney jiilkii soomaaliyeed ee aanu ka dhaxalney magaca soomaaliyeed iyo dhulka soomaaliyeed waana muqadis gudashada waajibka soomaaliyeed.

MAAMULKA KOONFUR GALBEED EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Maamulka soomaaliyeed ee koonfur galbeed soomaaliya waa xuduntii ummadda soomaaliyeed waana mid isku xira jiritaanka ummadda soomaaliyeed bari iyo galbeedba.

waxaa wali aanu kuwada hawlanahay soo afjarista iyo gunaanadka alshabaab ee wali qaska ku haya shacabka soomaaliyeed waase hawl ciidanka xooga soomaaliyeed u istaagey si fiicana u socota.

SHacabka soomaaliyeed ee baydhabo ahaan karaan kuwo madax u laad laadiya alshabaab mana ahaan karaan kuwo miciin bida askari markiisii horeba caddow ku ahaa ummadda soomaaliyeed oo itoobiyaan ah waase inaan anagau u istaagnaa nabadayada soomaaliyeed waa inaan isku tashanaa kana dheeraanaa soko kala marsiga xeeladeysan ee lagu soo buun buuniyana laguna wayneynayo alshabaab si ciidan itoobiyaan ahi xagaha ugu sii hayaan ciida soomaaliyeed iyo maamulka soomaaliyeed ee koonfur galbeed soomaaliya.waxaan hubnaa in nabbad hadii aanu keensan wayno cid kale noo keeni karin waxaa soomaaliya loo qasey waa in laga gaaro dano qarsoon fog doqon magarteyna ah sidaas maamulka soomaaliyeed ee koonfyr galbeed soomaaliya waa ku waajib gacan bir ah ku qabshada nabbada shacabka soomaaliyeed ayadoo tallad laga dhiganayo lana hoos galayo dowlada federaalka soomaaliyeed aanuna guud ahaan isku tashaneyno ummad soomaaliyeed ahaan iskuna duubnaaneyno.soomaaliya  anagaa leh taladeeduna anagey naga go'daa.

MAAMULKA KOONFUREED [NFD] EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Waxaan  wada ognahay in shacab soomaaliyeed ee NFD mudan yihiin muqadis na ay tahay ka hoos bixida gacanta gumeysiga kenya iyo kusoo darista ummadda soomaaliyeed iyo dhulkooda soomaaliyeedba.waxaa shacabka soomaaliyeed ee NFD ka gilgilashada reeryada guemsytaha kenya iyo waxuushta ku garab taagan gumeynta shacabka soomaaliyeed ee NFD waana halgan soo jireen ah waana mid aan la dadi karin sida qoraxdana u ifaya waana mid soomaalinimo buuxda ah.

Kenya waxay ka mid tahay dalalkii soomaaliya dartood loo burburiyey si ay gebi ahaanba u lahaato dhulka iyo dadka soomaaliyeed ee ay gumeysato waxaan cadeyn noogu filin in kenya markey ku barraarugtey soomaaliya oo kasoo kacdey kufidii 1990 iyo dagaalkii sokeeye in kenya  waaguba u baryey ayna biloowdey sheegashada xataa baddii soomaaliyeed waxaana kenya dalalkii dhabarka ka riixayayey iney sheegato dad iyo dhul soomaaliyeed hoos ugu sheegeen iney ku qabsato soomaaliya badda si ummadda soomaaliyeed aysanba u haweysan dhulka iyo dadka ka maqanba waa arin gaarey ku qabso ku qadi mayside waxaanse leenahay qofka soomaaliyeed ma aha mid gumeysi lagu rabaayadeyn karo mana ah mid dhulkiisa lagu gumeysan karo.

Kenya waxay daroogo jaad ah ku nabeysey kulana dagaalameysey shacabka soomaaliyeed ee NFD sidii dagaalkii dhex marey kii ingiriiska iyo boqortooyadii jayniska aheyd qarniyadii hore shacabkeedana  lagu halaagey daroogada obiyamka laguna jabineyey guushiina ku raacdey ingiriiska.

Waxaan wada qireynaa in kenya tahay dhurwaa soo raacey dalalkii ummadda soomaaliyeed la baadi goobey nabbadii aanu geedka iska saarney laakiin kenya ay soomaaliya kusoo dhiiran laguse soo tukhaan tukheeyey ka dib markii lacag lagu harqiyey iyo balan qaadyo dhaca iyo qodista shidaalka soomaaliyeed ee badda soomaaliyeed.

Waxaan shacabka soomaaliyeed ee NFD leeyahay hogadii waa wali waxaa wali noo yaal hawl weyn iyo xargo u jarista gumeystaha kenya waxaa na hnoryaal waa aayahaga soomaaliyeed ka talinteeda midnimadayada soomaaliyeed iyo ogoleysiinta qalbiyada kenyanka in NFD tahay dhul soomaaliyeed hadii ingiriis dhul siinayo kenyana uu siiyo ayrland iyo  london iyo meeshuu u garto dhulkiisaba.

Waa waajib u kicida jiritaankayaga muqadiska ah ee soomaalinimo waana waajib inaan ka dheeraano hadii aanu nahay shacabka soomaaliyeed ee NFD  inaan ummadda soomaaliyeed u aragno shishieeye kenyanakana u aragno sokeeye.

Kenya waxay waligeed dagaal ku wadey dhaqanka afka iyo diinta ummadda soomaaliyeed waana mid sababey caddownimo soo jireen ah sidaas darteed kenya waa caddowga labaad ee ummadda soomaaliyeed waxayna kenya ka soo horjeeda bariga afrika oo nabbad iyo horumar lagu wada ahaado daris.

Soomaali kasta waxaan leeyahay Ummadda waxay hayaan u tahay jiritaankeeda muqadiska ah ee u ahoow soomaali hana noqon habqan una istaag jiritaankaaga caddowga muuqda iyo kan harka ahiba doonayo inuu mugdi galiyo kaana dhigo in lagugu  addoonsado ciidaada hooyo looguguna taliyo laagana badalo magaca dhaqanka afka iyo diintaba.

Soomaaliya waa mid ummadda soomaaliyeed na waa mid soomaali kastaa waa ku waajib ka soo bixida iyo fulinta waajibaadkiiisa jiritaan ee soomaalinimo.


AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.


Saturday, June 29, 2019

HADAFKAYAGU WAA SOOMAALI & SOOMAALIYA OO MID AH WAANA WAAJIB AY NOOGAGA DHINTEEN SOOMAALIDII AANU KASOO ASKUNEY KUNA SUGAN YAHAY JIRITAANKAYAGA MUQADISKA AH..



HADAFKAYAGU WAA SOOMAALI & SOOMAALIYA OO MID AH WAANA WAAJIB AY NOOGAGA DHINTEEN SOOMAALIDII AANU KASOO ASKUNEY KUNA SUGAN YAHAY JIRITAANKAYAGA MUQADISKA AH..

Waxaan ugu horeyn leeyahay aqbali maayno mana aqbali doono ummadda soomaaliyeed ayaa waxaa ka adkaadey itoobiyaan iyo kenyan iyo kuwa gadaasha ka soo riixaya dhaqaalaha siinaya kuna talamaya iney la qaybsadaan kheyraadka ummadda soomaaliyeed ee dhulalka ay haystaan itoobiya iyo kenya.

Waxaan qirayaa in hanka soomaaligu ka weyn yahay kan itoonbiyaanka iyo kenyaanka dagaalkii labaad ayaa ciidan uu qortey ingiriisku kana koobnaa dalaalka itoobiya iyo kenya ayaa waxaa ka mid noqdey nin soomaaliyeed maamiln ayay qado karsadeen ayagoo kenya jooga kana yimid itoobiya markii qadadii la bilaabey cunisteedii ayaa ninkii soomaaliyeed la korey geedkii askartu hoostiisa wax kuwada cuneysey markiiba waxaa su aal waydiiyey ninkii ingiriiska ahaa ee ciidanka watey oo yiri maxaa geedka ula kortey cuntada wuxuuna ninkii soomaaliyeed ku jawaabey anaigu waxaan ahey soomaali waxaana layiraahdaa jaamac sidaas darteed cunto islama cuni karno goobna kuma wada cunteyn karno itoobiyaan iyo kenyan iyo waliba afrikaanka kale,waayo waan ka dhaladsanahay, ka geesinimo weynahay,ka qab weynahay,ka qiimo badanahay,waana ka karaamo weynahay,waxaana ahey soomaali

Halkaas ayaana ninkii ingiriiska ahaa qirey kuna qorey akhbaartiisii uu u dirayey dalkiisiina kuna lifaaqey soomaalidu waa dadka ugu caqliga badan afrika ugu firfircoon,ugu geesisan,ayna mudan tahay in laga tixgaliyo afrikaanka intooda kale waana in indho loo yeesho waayo waxay xukumayaan,yeelanayaan qaadanayaan afrika oo dhan anagana nooma suurto galeyso danaha aanu ka leenahay afrika waxaana halkaas ka bilowdey in la kool kooliyo itoobiya iyo kenya dadka soomaaliyeedna ay ku dulmiyaan dalalkii kusoo duuley afrika ciiddooda hooyo lana bilaabo kala qayb qaybintooda saxa ah ayadoo loo sii dhiibanayo dadkii ninkii soomaaliyeed dadkii ay yasayeen kana adkaayeen waayo wax la dhacey waxaa loo sii dhiibtaa doqon aad ha dhoow ka qaadan kartid waana mid a maanta keentay in itoobiya iyo kenya lagu dhiiri galiyo dhaca iyo boobka shidaalka soomaaliya ee ku jira dhulka ay gumeystaan itoobiya iyo kenya waase wax aan macquul noqon doonin waayo qofkasta oo soomaaliyeed raali kama aha mana ogola mid qori sita iyo mid aan sidanba dadka soomaaliyeed maanta waa wada askar u istaagtey sugida jiritaankooda qarniyada mugdiga la galinayey..

Waxaan marka labaad leeyahay hadalka ka soo yeeray raysal wasaaraha cusub ee itoobiya ee ah waan iska ilaaweynaa wixii dhex marey madaxweynihii hore ee soomaaliya moxamed siyaad bare iyo mingiste waa mid aan u khaldan waayo waxkasta oo dhacey waa wax laba dal iyo laba qowmiyadood dhex marey mana aha wax labo qof oo kaliya dhex marey,

Waxaa la dulmey dad iyo dhulna laga qabsadey ilaa hadana laga haystaa waa soomaali waxa la gumeysanayaa ciidoodii hooyo waa soomaali waxa dhigoodu daadadanayaa waa soomaali waxa kufsiga,xabsiga,jajuubka aamusinta iyo qoriga lala dul joogaa waa soomaali sidaas darteed marna macquul noqon mayso iska ilaawa dhiigayaga oo wali la daadinayo dhib wali nala ku hayo wali hal dhinacoo dulmiga wadey wadana ku qanacsan yahay kuna guul sheeganayo,

Waxaa itoobiya iyo kenya u hiiliyey lana saftey waa dalalkii ku soo duuley afrika kuna garab istaagey kuna taageerey iney soomaaliya dhul iyo dadba ka sheegtaan ilaa hadana ku siinaya dhaqaale iyo waliba taageero milatari dhankasta.

Shacabkasta oo soomaaliyeed dusha laga saarey guemyste afrikaan ah waxaa loo sameeyay kuwo dabdhilif ah caado qaatayaal ah dhuuni raac ah magacana soomaali ka ah qalbigana ka jirin dadkoodana la soo hor istaajiyey dafeyna hogaankooda islana saxan qacligooduna dhameyn marka lala bar bardhigo ragga soomaaliyeed ee qabtey hogaan soomaaliyeed.

Itoobiya iyo kenya waxay mudo maqaar saar ahaan u isticmaalayeen dagaalkii sokeeye ee ummadda soomaaliyeed markuu dhamaadeyna waxay u caro rogteen ku rati kacsiga dgaalka argagixisada ayagoo waliba qayb weyn kku heley waxaan qayb ka nahay la dagaalka argagixsada ay dalal badan oo deeq bixiyayaal ahi ku argagaxeen saameyntiisa ayna gafeen wadadii ay u raaci lahaayeen soo afajristiisa dalal badana ayba ku qariyeen ka soo horjeedkooda diinta islaamka aqoon la'aan darteed.

Itoobiya iyo kenya waxay dantooda ah gumeysiga iyo sheegashada haysiga dhaca iyo boobka kheyraadka dhulka soomaaliyeed ee ay haystaan huwiyeen kuna lifaaqeen la dagaalanka aragagixisada mana aha wax aanu raali ka nahay,soo afjarista alshabaab na waa mid u taal dadka soomaaliyeed iyo dowladeeda haba ahaato in dagaal lagu soo afjaro ama waan waan iyo wada garashada soomaalinimo.

Waxaan leeyahay itoobiya iyo kenya maanta kuma saxna iney bilaabaan dhaca iyo iska qodashada kheyraadka soomaaliyeed sida shidaalka mana aha wax aanu indhaha iyo gacmaha ka laabaneyno mana aha wax soomaali kastaa la ogoleysiin karo mana aha wax laga dhaadhicin karo soomaali kasta oo nool markey diideen soomaalidii aanu ka soo jeedno dhiigoodan u daadiyeen inaan lahaano dhul inaan ahaano ummadda soom aaliyeed oo isu talisa xorna ku ah gayigooda soomaaliyeed.

Waajibkaadka qowmkastaa waa inuu sugo jiritaankooda ummadda soomaaliyeedna cidna uma diidi karto cidna gorgortan kulama galeyso gaarista sugitaanka jiritaankeeda.

Ummadda soomaaliyeed aqbali mayso dhul iyo dad intii soo hartey ayaa la idiinkugu imaan si aadba qalbiga ugaga jartaan inta maqan mana ogolaaneyso marka fidno bini'aadam la idinku salladdo hadana la laysa kiin dhigo in la idinka daaweeyey dhibtii fidnada ayay noqon adeeci ay horgalaan itoobiya kenya iyo saaxiibadooda dibadaha.

Soomaaliya caddowgeedu wuxuu waligiis afka si cad ugaga oranayey aqbali mayno soomaaliya oo ah dal awood leh dhankasta maanta waxaan leenahay aqabali mayno in itoonbiya iyo kenya qodoto shidaalka ku jira ciida soomaaliyeed si kasta oo ay u damacdo una gumeysato qofkasta oo soomaaliyeedna ma ogola mana yeelayo,ogolaanshana noqon mayso dadka soomaaliyeed ee ay iyoobiya iyo kenya gumeysato ayaa ogolaadey dadka soomaaliyeed ee ay itoobiya iyo kenya geumysato waa kuwo qori lagu gumeysanayo waxana wax ka leeyiihiin soomaalida xorta ah soomaalida joogta soomaaliya xorta ahna waxay wax ka leeyihiin dhulka soomaaliyeed ee ku jira gacanta gumeystayaasha itoobiya iyo kenya sidaas darteed uma noqoneyso oglaansho itoobiya iyo kenya dhwor horjoogo oo hor ordaya dad soomaaliyeed ayaa ka qab qablenaya kheyraadka soomaaliya.

Wakhtigan xaadirka ah halganka xaqa ah ee ku wajahan soo celinta dhyulka iyo dadka maqan ee soomaaliyeed waa mid qofkasta oo soomaaliyeed waajib ku ah mana aha wax afka iyo adinkaba laga laaban karo,

Waa halgan u baahan in si cad baqdin la'aan ah loogaga wada qayb qaato waxaan leeyahay soomaaliya soomaaliya ma ahan mana noqon karto ayadoo kala qoqoban kala maq maqan horgalakastaana ka gaabsanayo kana baqayo isu keenida ummadda soomaaliyeed iyo dhulka soomaaliyeed horgale kasta oo soomaaliyeed waa waajibkiisa inuu raaco jidka cad ee ay noo jeexeen soomaalida aanu ka soo farcaney waayo halkanba ma aanu soo gaarneen hadii aysan u huri lahayn naf iyo maalba,

Anagana waxaa nagu waajib ah inaan sii wadno waxna kusii kordhino sugitaanka jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo soomaaliyaba si jiilka naga danbeeyaa u helaan waxaan anagu u beerney kagana mid ahaadaan dalalka iyo dadyowga adddunkan.

Ummadda soomaaliyeed ahaan waxaa maanta noo qalmin in nalaka dhex saemysto kuwo laysku diro kuwo inta kale loo isticmaalo,kuwo jeebabkooda shililnka ku jira loogaga badasho cawska ay beeraan itoobiya iyo kenya ee sumeysan anagoo xataa beeran karna haysana dhul iyo biyo,kheyraadka dhulkana ka munaafacaadsan kana gadi kara waxaan soo saarno kuwa aan haysan baahidana u qaba waxaan ummad ahaan noo qalmin waa in dhul iyo dad nalaka haysto intii soo harteyna nalaku fara galiyo,layskaga kaayo dhigo in lana badbaadiyey nala raadinyo nabbad marka runtu ay tahay dhibta ummadda soomaaliyeed soo martey ee ku hagoogatey ay tahay mid ku saleyneyd ku qabso ku qadi mayside oo ah dhulka iyo dadka inta u hartey ku qabso haba ka quusteen inta ka maqan waxaana cadeyn noogu filan in maanta soomaaliya joogaan ciidamo shisheeye ayna ka mdika yihiin itoobiya iyo kenya oo naga haysta dad iyo dhul ahna caddow soo jireen ah waligiisna jiri doona ilaa inta ay ka baxaan kana guuraan farahana ka laabtaan afkana ka joojiyaan sheegashada qaybo ka mid ah soomaaliya iyo soomaalidaba.

Wakhtigan waxaa ummadda soomaaliyeed hor yaal jid cad oo ay raacdo ahna iswalaaleysi,isu tanaasul,is cawin,isu gurmasho,mid ahaan,ismaqal,ilkaliya ku arkaan caddowgooda.iyo wada ilaalshiga dowlada federaalka soomaaliyeed ee ay wadda sameysteen iyo u hagar bixideeda.iyo ku soo darideeda inta naga maqan ee dhul iyo dad soomaaliyeedba ah.

Calankaaga    ILAASHO
Calankaaga    KU DHAQO
Calankaaga    KU DHALO
Calankaaga    U DHIMO
Calankaaga    KU FAAN

AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha

Wednesday, June 19, 2019

THE WORLD & NOW.


ADDUUNKA IYO IMINKA

Waxaan wada hubnaa in soomaaliya oo kaliya kufin hadana kicin laakiin dal kufey ama qaran jabey uu yahay silsilad taariikheed soona martey dalal badan walina taaban doonta dalal badan qaarkoodna ayba gacaha kula jiraan halaag qaran iyo mid qarsoonba.

Adduunka taariikhdiisu waa socotaa qowmba qaab u saameysaa waxaase jirta dabeylo waa weyn waxna ka badaley adduunkan aanu ku nool nahay dadyoowgiisa amaba muuqaalkiisaba.

Dagaalkii koowaad wuu dhacey waxaana gadaal socdey kii labaad waxaase maanta dhaceysa dabeyl qaab xun walina uu curan la yahay roobkeedii ummadkastaana dareentay qaarna kaba dhaga la yihiin.

Waxaa dalal badani maal iyo maskax ku bixiyaan in la wada helo nabbad waarta guudka adduunka halka dalal b adani qasayaan toodana ka fiirsanayaan halaaguna uba yahay faa'iido.

Ummadda soomaaliyeed waxaan leeyahay waxaan macquul noqoneyn inaan wali ahaano caruurta beesha caalamka waayo waan kufney waana soo fariisaney ayadoo gacmaha lana hayo.waxaa noo gurmadey dalal badan daacadna ah waxaana noo soo raacey dalal caddow noo ah sida itoobiya iyo kenya.

Maanta ummadda soomaaliyeed ma ahaan karto mid indho xiran mid wali qabiil aan ka korin mid wali alshabaab qaransiiso ama u cago jugleyso,ummadda soomaaliyeed ma ahaan karto mid madaxweyanayaasha maamul goboleedyadu dhinac u qoqobaan kana kala dhigaan qowm isku af ah ama isku magac ah oo kaliya ayagoo dantoodu tahay iska xukun aanse laheyn wax natiijo shacab ah oo aan la taaban karin halka ummadda soomaaliyeed mid tahay soomaaliyana mid tahay maamul goboleedyaduna yihiin hab siyaasadeed oo dowlada federaalka lagu wada gaarsiinayo shacabka soomaaliyeed iyo soomaaliya oo kaliya laakiin kii hor gale maamul gonboleed noqdaaba si xun u fasiranayo shacabka soomaaliyeed na maam iyo marin habaabinayo hadba kuwii ay horjooge u noqdaan.

Wakhtigan xaadirka ah soomaaliya waa kacdey waxaana ka xuuba kheyraadka adduunka ka sii gabaabiga ah sida shidaalka gaaska macdanta halka ummadda soomaaliyeedna wali aysan dhadhamin hal qadac oo kheyraadkooda ah shilin laga keenay amabase aysan wali gaari ku shuban daal safarkiisna kaga badbaadi safar maba aysan kaga shuban motor biyo beer ugu waraabiya.

Waxaan marnaba macquul noqoneyn in itoobiya iyo kenya anagii oo nool isa siiyaan kheyraad laga soo saarey amaba laga soo saari doono  ciida soomaaliyeed ee soomaali galbeed iyo NFD  iyo badda soomaaliyaba miisaska adduunkana lasoo  fariistaan sidii  dhaxal ayba noogaga heleen soomaali ahaan.

Maanta adduunku waa isbadely waana isbadli doonaa waxaanse macquul aheyn in mar kale dalal awood lihi isku kaaya dagaalan kor kayaga ku fargadaan halka aanuba wali socod barad ka nahay dal iyo dad ahaanba,waxaase noogaga gudboon inaan la jaan qaadno dunidan dabeyluhu ruxayaan la kala awooda badan yahay marnana jidka kaliya ee aanu isleenahay waad ku bad baadi kartaan saxiibna ka dhigano dalalka aanu isleenahay waa kuwa guusha adduunku dhankooda jirta ahna kuwa ilaa maalintaan kufney naga rajo dhigin amaba lana raadinayey nabadii aanu geedka iska saarney soomaali ahaan waa dalalka reer galbeedka kuwooda daacada ka ah dantayada soomaaliyana aanu kula soo qar qarin gumeysi wakhti jaahiligii awooda qowmiyadeed laysu sheeganayey.

Qofka soomaaliyeed ilaa uu ku qanco ciidiisa hooyo ee laga badidiyey ilaa qofkasta oo soomaaliyeed xusuusto mar kale in soomaalidu tahay libaaxyada afrika iyo kuwii xukumi jirey bariga afrika gumuystihii ka hor itoobiya iyo kenyaba dayn mayaan damaca dawadca iyo riyo isku siinta dhulka soomaaliyeed iyo sheegashada dadka soomaaliyeed ayagoo indho adeyg la caalamiyeeyay ku lifaaqaya.

Wakhtigan adduunku wuxuu ku jiraa muruq is tus iyo is walaaleysi ama is kooxeysi anagana waxaa nagu haboon inaan soomaaliyadayada dhisideeda u dardar galino sida dantu noogugu jirto ee aanu ugu noolaan karno u difaacan karto dowladnimadeedana u dhowran karno.iskuna lamaamino kuwo bari aanu la badbaadi karno,halaag dabadiis. 

Hadaba soomaaliya waa mid ummadda soomaaliyeedna waa mid soomaaliyana waxaa leh soomaali ee u ahoow soomaali.

AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.
 

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...