Amin Musse Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed. Musharaxa Madaxweynaha.
Wednesday, June 28, 2017
Tuesday, June 27, 2017
waxaa noo baryey waa cusub waxaan nahay soomaali.
THERESA MAY IYO INTA LA MIDKA AH WAXAAN LEEYAHAY UMMADDA SOOMAALIYEED MA TAABAN HALAAG AYSAN KEENIN KEENIN AWOOWAYAASHIIN,
Waxba yaan gooni loo kala sooc soocin qayb soomaaliyeed ama gumeyste ha hoos joogeen ama iskood ha u noo laadeene,marka ugu horeysa ummadda soomaaliyeed waa mid walina ma iidan gaarin dantiinii soomaaliya iyo dadka soomaaliyeedba aad ka laheydeen xaqiiqdii,
waxaa hubaala in halagii taabtey ummadda soomaaliyeed eedada ay leeyihiin dalalka reer galbeedka ah ee faragashtey walaaqey gumeystey kala qoqobey kala siiyey qaybo dhulka iyo dadka soomaaliyeed ummaddo kale,kuna taageerey kuna dhaqaaale siiyey sidii ay usii haysan lahaayen una sii duleyn lahaayeen,intii soo harteyna madax ugu rogi lahayeen,
ummadda soomaaliyeed waxay diyaar u tahay raaligalinta gumeysigii loola yimid bixinta dhaawicii gaarey dhibtiisii ummad ahaan iyo maskax u galinta dalalka itoobiya iyo kenya in soomaali galbeed iyo NFD ay yihiin dhul soomaaliyeed ayna mudan tahay in si nabbbad ku jirto loola mideeyo soomaaliya ayna u hawl galaan fududeynteeda.mase mudnin hebel oo horjooge looga dhigey qayb soomaaliyeed oo dal kale u xil saartey sidii uu u sii gumeysan lahaa ayaa hawshaas qabtey,
waxba kama oga therese may iyo madaxda dalalka yurub waxa ka socda soomaaligalbeed iyo NFD waxbana kama oga dhibta maanta haysata ummadda soomaaliyeed iney ciidamo kale nagu mushaar siiyaan mooyee ayagoo ka luga jiidaya wax ka dhisada ciidanka xooga soomaaliyeed oo u diyaara badalista ciidamada shisheeye ee jooga ciida soomaaliya.
hadaba waa caado adduun in ummad in ta god la gasho hadba kii la doorto la faaniyo faratana lagu fiiqo,soomaaliya ma aha dal kheyraadkiisa loo xil saaran karo kambani xaaran ah fulinayana dano soo jireen ah.
waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa iney u istaagaan jiritaankooda midoobaana.
wakhtigan xaadirka ah waa soo jeeda ummadda soomaaliyeed wana u tashatey dalkooda iyo tubtii ay raaci lahaayeenba,wana kala garanayaan saxiibkoodii shallay iyo saxiibkooda maanta.
ummadda soomaaliyeed waligood dal kuma duulin mana noqon qoom la addoonsado loona dhoofiyo dibadaha waana mida keentey in karamadii soomaalidii hore ee aanu ka nimid wali madax noo saaran tahay wixii aay diideen ayaana wali diidanahay soomaali hadaan nahay waxaan diidnahay in lana lahaado waxaan diidanahay in naloo taliyo waxaan diidanahay in nala kala qoqobo,waxaan diidanahay in naloo gacan dhaafo khayraadka dhulakayaga.
waxaanse ogolnahay inaan wax la qaybsano ummaddaha adduunka waxaan ogolnahay inaan kheyradka dhulkayaga si cadaalada ah ugu iibsano suuqyada adduunka kagana soo iibsano wixii aan u baahanahy.soomaaliya soomaali ayaa leh,soomaalida ayaa leh gacan ku haynta jiritaankooda iyo ka talinta ayaahooda. WAXAA NOO BARYEY WAA CUSUB WAXAAN NAHAY SOOMAALI.
AMIN MUSSE. Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.


Monday, June 26, 2017
MADAXDU WAA U ADEEGAYAASHA SHACABKOODA.
MADAXDU WAA U ADEEGAYAASHA SHACABKOODA.
Madaxdu waxay qiimo ku leedahay adduunka iyo barkulanka qaramada midoobey markii ay si xaq ah ay usoo doortaan shacabkoodu ayna daacad u yihiin u adeegida dadkooda iyo shacabkoodaba,kana weyn yihiin calooshooda iyo jeebkoodaba.
shacabku wuxuu qiimo ku leeyahay markii ay hor kacayaan madax u qalanta hogaanka jiritaankooda iyo aayaha masiirkoodaba madaxdoodana ay addeecaan.mideysan yihiina.
dal wuxuu qiimo ku yeeshaa markuu dadkiisu dhisto,aduunkana looga baahan yahay khayraadkiisa,dadkiisuna awoodaan iney ilaalshadaan lahaanshihiisa.
macquul ma aha in ummadda soomaaliyeed ay dhulkooda marti ku ahaadaan munaafaadsan waayaan kuna sugaan caawimo shisheeye asagoo dihin ummaddo kale farta dhexda uga qaniinayaan sidii ay mar uun u lahaan lahaayeen kheyraadkiisa.
waa muqadis inaan nabbadeena gacan bir ku ah ku raadino iskana hor leexino inta naga midka ah ee nalloo isticmaalayo in lana lahaado,dadkalena na hogaamiyaan
caddwoga ummadda soomaaliyeed waxaa hadba loo galiyaa shaati nooc si loo gaaro danta nalaka leeyahay.,
caddwoga ummadda soomaaliyeed waxaa hadba loo galiyaa shaati nooc si loo gaaro danta nalaka leeyahay.,
caddowga harka ah ee ummadda soomaaliyeed wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley gacan ku dhigida dalkeena iyo dadkeena asagoo kaarar badan isticmaaley haba ugu danbeyeene kaarar diimeed iyo mid kala qoqoba,si ay u wiiqanto awooda ummadda soomaaliyeed uuna u helo uummad aan mideysneyn lehna dhago badan oo wax kala duwan loo sheegi karo,
maanta waa muhiim inaan midowno hal ilna kuwad aragno caddowgeenana iska qabano si aanu ugu danbeyn u aragno caddwoga harka ah ee ummadda soomaaliyeed.
maanta waa muhiim inaan midowno hal ilna kuwad aragno caddowgeenana iska qabano si aanu ugu danbeyn u aragno caddwoga harka ah ee ummadda soomaaliyeed.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Wednesday, June 21, 2017
SHACABKA SOOMAALIYEED EE SOOL SANAAG IYO CAYN WAXAY XAQ IYO XAQUUQ U LEEYIHIIN MAAMUL AY KAGA MID YIHIIN DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYA.
shacabka sool sanaag iyo cayn inta laga tuuro calanka soomaaliya oo ay sitaan luli mayaan calanka maamulka soomaaliland,waxayse calanka soomaaliya dhinac surayaan calanka maamulka khaatumo.waana kan kaliya oo sugaya jiritaankooda maamul soomaaliyeed ahaan.astaanta siadashada calanka soomaaliyeed ee shacabka sool sanaag iyo cayn waxay cadeyn u tahay soomaalidoonimada iyo ka dhab ahaanta shacabka soomaaliyeed ee sool sanaag iyo cayn.har cad lama dadi karo doonista shacaka soomaaliyeed meelaksta.
waxaan leeyahay duli cidna kaama feydo ilaa aad naftaada u istaagtid shacabyahow,maanta waxaa hadba dhinac loola cararayo waa jiritaankina wuxuuse ku jiraa idinkoo israaca una istaag diidana waxa aad diidan tihiin.kuna dhiirada.ummadda soomaaliyeed inteeda kalana waa idin garab istaagi.
AMIN MUSSE-afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Tuesday, June 20, 2017
SOMALIS "THEY ARE A RACE TO BE ADMIRED'
by-Sheiknor Abucar Qassim
Gerald Hanley is an old Colonial hand who lived with Somalis. This is from his book Warriors: Life and Death Among the Somalis
"A Somali always felt himself to be twice as good as any white man, or any other kinds of the man at all and still does, even when he is wrong. Islam does wonders for the self-respect of non-white people and Christianity is right to worry about the spread of Islam in Africa, and must honestly face the question of why it has happened - "
"Of all the desiccated, bitter, cruel, sun-beaten wildernesses which starve and thirst beyond the edges of Africa's luscious, jungled centre, there cannot be one more Christless than the one which begins at the northern foot of Mount Kenya and stretches to the foothills of Abyssinia, and from there to the dried-out glittering tip of Cape Gardafui where the hot karif winds blow in from where the long shark's race under the thin blue skin of the ocean. You can never think of those wildernesses without thinking of daggers and spears, rolling fierce eyes under a map of dusty black crinkly hair, of mad stubborn camels, rocks too hot to touch, and blood feuds whose origins cannot be remembered only honoured in the stabbing. But of all the races of Africa, there cannot be one better to live among then the most difficult, the proudest, the bravest, the vainest, the most merciless, the friendliest; the Somalis."
"I knew an Italian priest who had spent over thirty years among the Somalis and he made two converts, and it amazed me that he got even those two. The Prophet has no more fervent, and ignorant, followers, but that is not their fault that they are ignorant.Their natural intelligence is second to none and when the education factories start work among them they should surprise Africa, and themselves."
"I never saw a Somali who showed any fear of death, which, impressive though it sounds, carries within it the chill of pitilessness and ferocity as well. If you have no fear of death you have none for anybody else's either, but that fearlessness has always been essential to the Somalis who have had to try and survive hunger, disease and thirst while prepared to fight and die against their enemies, their fellow Somalis for pleasure in the blood feud, or the Ethiopians who would like to rule them, or the white men who got in the way for a while."
"Every time a Somali got whipped, an Italian soldier was killed"
"Wandering in The Shag (desert) were Somalis with some of the sharpest intelligence in the continent, nomads who had been forced into being parasites of the camel, for centuries, and could anyone ever find a way of using all that courage and intelligence?"
"There is no one alive as tough as the Somali nomad. No one. An askari wounded in a fight in the Haud country walked 14 miles holding his guts in his hand, was sewn up and lived to soldier again. And the women are as spiritually strong as their men."
"....You get into that way of thinking in the Somali waste. You think that way because the Somalis bitterly resent the white man, and struggle continually, and admirably, by lies and intrigue, to fight off his influence which spells the end of their peculiar world. You cannot beat them. They have no inferiority complexes, no wide-eyed worship of the white man's ways, and no fear of him, of his guns or of his official anger. They are a race to be admired, if hard to love."
by-Sheiknor Abucar Qassim
Wednesday, June 14, 2017
HOGAANKA SOOMAALIYA WAXAA ISKA LEH UMMADDA SOOMAALIYEED DHAMAAN MADAXDUNA WAA KUWII LOO IGMADEY SHAQADA HOGAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED FULINTEEDA.
waxaan aad iyo aad u taageerayaa mowqifka cad ee dowlada hada xukunka haysa ee ku aadan arimaha murugsan ee bariga dhexe iyo is qabqabsadka dalalka carabta,waxaa hogaanka iyo talladda dowladnimada soomaaliyeed ka go daa waa ummadda soomaaliyeed,waxaa ummadda soomaaliyeed isku raacdey iney meel dhaxaad ka noqoto isqabqabsiga dalalka carabta ISQABQABSIGAAS oo ku saleysan khimaayo soo socotey lana soo maleegayey mudo hore hadana ummadda addduunka lagu soo hor faniiniyey ayadoo shaati la dagaalan argigiso loo soo gashey.
sida ummadda soomaaliyeed ogsoon tahay adduunkana lawada socdo waxaa soomaaliya ku jirtey laguna manjo xaabiyey dalalkii 7 da ahaa ee loogu tala galey in dhulka lala simo,waxaase ummadda soomaaliyeed burburinta dalkooda loogu gashey shaati ah dagaal qabiil hadana maraya mid diimeed,
ummad soomaaliyeed ahaan waxaan ka soo kacney hagardaamo shisheeye anaga laftigayo naloo adeegsadey sidii aan u burburi laheyn,inkastoo dadkeena inyar ay fahansaneyd ilaa hadana inyar ay fahansan tahay,waxaase wax lagu farxo ah in ummadda soomaaliyeed ALLAH ka daaweeyey arimihii qabiilka ee laysaga horkeenayey dalal kalese dan khaas ku fushanayee,waxaase ilaa hada socda dantii oo waji kale loo yeeley,ayadaoo dantaasi isugu soo wadda biyo shubaneysa khayaardka dabiiciga ah ee dalkeena ALLAH ku muteystay.
soomaaliya waxay hada ka hor xiriirka u jirtey dalalka ay ka mid yihiin ingiriiska iyo ruushka tasoo ay keentey faragalinta jiritaanka ummadda soomaaliyeed markii uu ingiriisku hoos geeyay NFD kenya,ruushkuna nooga eexday itoobiya dagaalkii aan wadda galney itoobiya kagana adkaaney kagana saxsaneyn,
hada arintu waxay mareysaa in dalkeena iyo dowladeenaba ay dalal carab ahi doonayaan iney ku rati kacsadaan kuna fushadaan danahooda siyaasadeed,soomaaliyana u isticmaalan sidii dal ay leeyihiin maadama ay caawimo ku sheeg nasiiyeen,
waxaase runtu tahay soomaaliya iyo ummadda soomaaliyed uma baahna dalalka carabta iyo kuwo wata danno gaaraba,ummadda soomaaliyeed waa ka qab weyn kana masiir wayn tahay in ummaddo kale ku fushadaan hadafka ay doonayaan iney gaaraan ee ah mid dagaal iyo mid dhaqaaleba.
ummadda soomaaliyeed ma aha dameeri dhaan raacdey,hadbana u sacabo tumaya dalkii sunuud yar siiya.
ummadda soomaaliyueed waxay diyaar u tahay in ay saxiibo ka dhigato dalkii diyaar u ah kwada shaeynta danta guud ee labada dal diyaarse umma aha soomaaliya saxiibtinimada dalkii iyo dalalkii siyaasadoodu ku saleysan tahay kaaley waan guurayaaye ratigeyga kaliya ila rar kaanagana raro kaligaa.
soomaaliya maanta waxay kasoo kacdey dabinkii waxyeeladii burburkii laqdabadii dalal badani nagu gaadeen,soomaaliya uma baahna dabin kale adduunkan kala guurka ku jira,
waxaan mar labaad dhinac taagnahay siyaasada ku saleysan DANTA DALAKYGAAGAA HOREYSA IYO TAN UMMADDAYDA SOOMAALIYEED.adduunku wuxuu ku jiraa wakhti adag tasoo ay in dalal badani kasoo jeesteen ama ay dhameeyeen khayraaydkii dalalkooda waxayna sababtey in dalalkii waaweynaa kala soko marsadaan dalalkii yar yaraa ee aan khayraadkooda fursad iyo awood ay kusoo saartaan aan helin.
wajiga maanta adduunku galay waa mid lamid ah kii uu adduunku galey ka hor dagaalkii koowaad iyo kii labaad markii dalalkii awooda lahaa aruursanayeen dalakii yar yaraa ee laxulofada noqon lahaa.
waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa inaan iska ilaalino dabinka saddexaad ee nalala damacsan yahay inaan dibba aanu uga soo kicin dhulka,waan dhaafney dabankii qabiilka waan ka badbaadney kii ummadda soomaaliyeed diinta lagu kala geeyey waxaase hada socda kii laysku lahaan lahaa gabi ahaanba anagoo wali waddana magac qaran,dalkeenana masiirkiisa la hooskeeni lahaa fulinta nin dal kale u dhashey riyadiis iyo waxa uu la doonayo in qoomkiisu gaaro.
waxaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqayaa iney garab istaagaan dowlada hada xukunka haysa gar iyo gar daraba,waayo waa dowlad u istaagtey soo celinta soomaaliya oo nabbad ah fiicana ummadda soomaaliyeed oo leh qabkoodii lagu yaqaaney iyo in soomaaliya madax banaan tahay aayaheedana ka taliso tuseysana adduunka in soomaaliya ay kuftey oo kaliya laakiin aysan soomaaliya dhiman.
hogaanka ummadda soomaaliyeed waa waddaan isu dhiib waxaase dantu noogu jirtaa inaan markasta ilaashano saxno hagaajino wax kasta oo dowlad ahaan naga khaldama waayo dowlada soomaaliya waxaa iska leh kana mid ah soomaali kasta aduunka meelkastuu joogo,waana waajib nawada saaran inaan ilaashano waayo waa mida uu kusugan yahay jiritaankayaga xaqiiqda ah ee soomaalinimo.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Sunday, June 11, 2017
WAX KA HIIGSO IFTIINKA UMMADDA SOOMAALIYEED HAYAANKA U TAHAY WAXNA KA BAD BAADSO JIRITAANKAAGA.
waan gaari kartaa hiigsigayaga hadii aan u wadda istaagno una wadda midowno maanta waxa baxaya waa IFTIINKII ay ummadda soomaaliyeed ku gaari laheyd soomaaliya oo nabbad ah fiican horumarsan,
waxaan leeyahay qorigu waa kan dhalintii maanta ka dhigey sidii xoolo liibiyaan leeyihiin baddahuna dhigeen guntooda.waxaa hubaala hadii ragga soomaaliyeed ka waantoobaan sidashada qoriga macno darada ah waxaa curanaya nabbad waxaana dhalinyaradeena iyo caruurteenuba ka helayaan nabbad,jiilalka soo socdana waxaan uga tagi karnaa mustaqbal iyo dhul ay dhaxal u heleen,anaguna waxaa heleynaa wax ka badan waxaa qoom dhulkiisa ka helo waayo dalkeenu waa barwaaqo adduunkana wuxuu dalalka kale dheer yahay waa dihin yahay anaguna waxaa dadyowga adduunka dheer nahay waxaan nahay hal qoys oo soomaali la yiraahdo.
waxaan qirayaa inaan soo dhameysaney kana bad baadney dabinkasta oo aan god ku gali laheyn hadii aan soomaali nahay kuna seegi laheyn qaranimadayada soomaaliyeed,waan kufney hadase waan kacney.manihin caruurtii beesha caalamka,dalkeenana talidiisa cid u daba fariisan meyno waa waajib na saaran inaan dhisano,u tashano,waa waajib nasaaran inaan iska xoreyno alshabaab,
waxaase khalad aan naftayada ka galeyno iyo jiritaankayagaba nagu ah hadii aan midoobi wayno isku kalsoonaan wayno,ismaqli weyno isu tanaasuli wayno kana waynaan weyno isticmaalka qabiilka nageynaya oo kaliya godka mugdiga ah ee jaahilnimada.
hogaanka dalkeenu waa waddaan isu dhiib hadba inta horseedka ah aan hareero socono si hadba kuweenii la kufaa ugu dhiibaan kuwo kale oo sii gaarsiiya hiigsigaayaga soomaaliyeed,waase nagu muqadis inaan ilaashano dowladkasta oo soomaaliyeed.
27 kii sanno ee lasoo dhaafey hada ayaa ummadda soomaaliyeed gacanta ku qabsatey jiritaankoodii waana ALLAH MAHADIIS.
I see a better somalia at the horizan lets stand united to reach it.
Quote
AMIN MUSSE.
Thursday, June 8, 2017
waxaa bilowdey sifeynta alshabaabta ku dhumaleysaneysa puntland soomaaliya.
waxaan shacabka puntland ee soomaaliyeed ugu baaqayaa iney ka qayb galaan qaybtii labaad ee sifeynta alshabaabta puntland soomaaliya oo hadda bilaabatey socotana,waxaan shacabka puntland leeyahay garab istaaga ciidamada difaaca puntland,
waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabka puntland soomaaliya ciidamadii ku naf waayey dagaalka sifeynta alshabaab ee ciimada difaaca puntland dagaalkan oo ahaa mid muqadis ah in looga hortago laguna sifeeyo nabbaddiidka ummadda soomaaliyeed.
waxaa socda olole balaaran oo lagu nabbadeynayo dalkeena DHINACKASTA waana mid keeni kara dhimasho iyo dhaawacba waase lama huraan inaan dhiiga u hurno sidii aanu u heli laheyn nabbad iyo nolol.
sifeyntu alshabaab waa socotaa puntland - jubbaland - galmudug - hiirshabeele - koonfur galbeed hubkii magaalo madaxda yaaley maanta wuxuu yaala furimaha dagaalka looga soo horjeedo nabbadiidka.waase in la garab istaago ciiadamada.
AMIN MUSSE
ummadda soomaaliyeed ha isu gurmato hana isbadbaadiso waa walaalee.
waxaa maanta ummadda soomaaliyeed mareysaa wakhti adag,lana mid ah wakhtigii dagaalkii labaad yuhuudu dadkeeda ka daadgureyneysey goobihii lagu xasuuqayey ee ahaa xeryihii hitler ku xareystey.
dadka soomaaliyeed cidna uma maqna ceelna uma qodna sidaas darteed ayagaa isu ah caawiyaal,dhibta taabata qof soomaali ah waa dhib taabatey ummadda soomaaliyeed oo dhan.shallay waxaan isu xaq xaganeyney qabiil maantase waxaan nahay hal ummadda ALLAH MAHADIIS,
sidaas darteed aanu isu gurmano kenii abaar taabato keenii magafe hayso kenii lagu dulmiyo daafaha adduunka,keenii xabaddi ku dhacdo,keenii u dagaalamaya inuu nabbad wax ka keeno waxna ku noqda.
waxaan halkan ummadda soomaaliyeed ugaga baaqayaa iney wadda raadiyaan nabbad buuxda iswalaalsadaan,waxaan ummadda soomaaliyeed ee lagu haysto liibiya iyo dalalka kale leeyahay magafaha waxaa kasii danbeeya bad liqday dadkeenii doonyuhuna kula dageen marka yaan laysku soo haligin ee dib ugu noqda dalkii hooyo kaasaa lagu bad badbaadayaaye aanuna sameysano dalkeena nabbadeysano dalkeena imaansano dalkeena waayo lama huraan waa ciida hooyo.
ninka xooloobey ee khaamiiska qaba yaanu dadkeena ku daawaan ee aan kawada qayb qaata bad baadintooda.soomaaliyi waa hal qoys.
AMIN MUSSE - Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Saturday, June 3, 2017
QORIGA DHIG OO NABBADA QAADO.
waa muhiim in ciidanka qaranka hubkoodu uusan soo dhaafin xeryaha ciidamada ,shacabkana laga aruuriyo hubka,waa muhiim in shacabku aamino dowlada lana shaqeeyo.waxa maanta halkan na dhigey qoom ahaan waa xabbad iyo dhiigayaga oo aan dhexdeena daadineyno mana aha wax aan aqbali karno hadii aanu dooneyno inaan helno nolosha aan hiigsaneyno IFTIINKEEDA waana hubaal oo waan gaari karnaa,dalkeenana waan ka dhigi karnaa sidaan la jecelnahay,hadaba qoriga dhig oo qaado nabbada.
farkaliya fool ma dhaqdo sidaas darteed marka la yiraahdo dowlad ma aha kuwa inta shacabku doortey ee dowladi waa shacab iyo horgalayaal matasha waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa iney
- ALLAHOOD AAMINAAN
- SOOMAALIYADEENA KHAYRAADKU KA BUUXO EE ALLAH NAGU GALADEY KU KALSOONAADAAN
- IS WALAAL SADAAN,,
- MIDOOBAAN,
- WAXA NAGA MAQANA INAAN KA HELI KARNO DALKEENA HOOYO EE U SARA KACNO
- INAAN HUBKA ISKA DHIGNO SI AAN NABBADEENA U SUGNO NOLOLSHEENANA U YAGLEELNO.
- ISNA CAFINO SI AY MEESHA UGA BAXDO BAQDINTA QORIGA NAGU RARTEY.
- INAAN CADOWGEENA HAL IL KU ARAGNO
AMIN MUSSE
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed
Friday, June 2, 2017
waa muqadis in hubka laga dhigo cidkasta oo hub kuwadata xamar iyo magaalooyinka gobbolada dalkaba.
labo layskuma helo qori ayaan sidan iyo nabbad ayaan rabaa,magaalo madaxda soomaaliya waxaa yaala hubka ugu badan ee magaalo ma\dax adduunkan ku taala lagu watto,waxaa jira waxyaalo baddan oo maanta naga hortaan inaan dalkeena nabbad ku soo celino,waxaana ka mid ah nin qori kuwatta shacabka dhexdiida ama lala gadaal socdo,waxaa kaloo nabbada dalkeena hor taagan in maanta magaalo madaxdiisa qayb ka mid ah qab qablayaasha wali qalbigu buko ay leeyihiin anagaa iska leh waa yaab,
hadii aan usoo noqdo kan qoriga sita kana baqayaa alshabaab waa inuu xeradda ciidanka uu ka tirsan yahay uga soo tagaa qori nabbadiisana waxaa ilaalin inta shaqada sugutaanka amaanka shacabka ku mashquulsan,wuxuuna ka mid noqon dadka soomaaliyeed ee ammaankooda la ilaalinayo,
markuu xeradiisa tagano waa uu qaadan qorigiisii gudana waajibaadkii loo diri hadii ay mudan tahay inuu hub qaato gashadana kaaki askareed waa inuu fuliyaa waana qori iyo ninkii watey oo la ogsoon yahay shaqada ay u hayaan qaranka waa ninkaas iyo qorigiisube.
waxaa kaloo jirta in maanta hubkaa la dhigi markii la yiri kuwo madax ku sheeg ah ay ku andacoonayaan waa nala layn waxaan leeyahay horta wadku markasta waa ku heli sidaas darteed waa haboon tahay in aadan qori lagual daba socon waa mide waxaad u noqon bartil maameed wedkii aad ka baqaysey mida kalee markaas sariirtaada gasho hubka lagula daba socdaana ma seexanayo oo wixii la doono ayaa soo layn,
sidaas darteed waxaa fiican in amaankaaga ay sugaan booliska iyo hayadaha nabbad galyada.macquul ma aha in aanu ku qarowno waxaanu sidan hub waliba magaalo madaxdii waxaana rabnaa nabbad waa kaaf iyo kala dheeri,
hadaba hadii qoriga lagu yiraahdo keen waa muqadis ee dhiib waa kan nabbada ka qadey dadkaaga waa kan qabriyada u direy kumanaan soomaaliyeed,
hadii aan usoo nqodo amaanka magaalada mogadishu waxaa ku filan booliiska hayadaha amniga,ninkasta oo qori dhigaana waa inuu nolshiisa ku ilaashadaa hayadaha nabbad galyada qaabilsan wacaa is diiwaan galiyaa halkuu ku nool yahay si roondooyinka boolisska iyo ciidadama nabbad sugiduba u sugaan roondooyinka habeenkii iyo maamiltiiba waliba uu haystaa teloofanada booliiska iyo nabbadsugida qaabilsan agagaarkaas uu ku nool yahay kan hubkii lagu ilaalin jirey laga dhigo.
mida maanta soomaaliya nabbada u diidan waxaa ka mid ah intii ay dalkeena soo marayeen dowladihii ku meel gaarka ahaa ayaa kii xilka qabtaaba wuxuu si gaara u hubeynayay qabiilkiisa wuxuuna ku magaacaabayey ciidank xooga soomaaliyeed waxaana dhacdey in marka uu xilka ka dagabo ay qabiilkiisii magaalada la galaan hubkii iyo direeskii ciidanka xooga soomaaliyeed ilaa ayba alshabaab ku soo weerar tagto kana iibato suuqa cirtoogte.
maanta waa muqadis waa lama huraan in magaalada mogadishu xaaraan ka noqoto hubka,ciidanka xooga soomaaliyeed na waa ku muqadis in hubkoodu uusan xeradda afkeeda soo dhaafin hadii aan loo diri guadashada waajib ciidan oo magaalada dhexdeeda ah.
hadaba ilow kana saar maanta inaad qori ku wadatid xamar ama lagula daba socdo waxaad doonto ahoow waayo QORI IYO NABBAD MA WADDA QAADAAN MAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED waxayna doorteen hub dhigis laga bilaabo magaalo madaxdii.
hadii aan usoo noqdo magaalo madaxda dalkeena magadishu waxaa iska leh soomaali oo dhan waana hoygii ummadda soomaaliyeed,ilaa hadana waa meesha laga raadianayo isu keenida ummadda soomaaliyeed shanteeda qaybood marka XAMAR KA WAYN QABIIL.
waxaan ku celin mar labaad ummadda soomaaliyeed waxay dooratey nabbad qorina meel ugama banaana.waxaa muhiima hadii 27 sanno ummadda soomaaliyeed silic ku jirtey nabbad la aan darteed uuna sababey qori maanta waxaa hogaanka dalka iska leh waa shacabka soomaaliyeed.ayagaaana gartey in hubka la dhigo.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Thursday, June 1, 2017
Ma aanu dhimane ee waan yara dhuumaney.
Dal aan ciidan laheyn waa dal dadkii lahaa laga leeyahay,waxaa taariikhda africa iyo tan adduunkuba qireen in soomaali aheyd libaaxii afrika inkastoo xoogii qacligii xiniinyihii adkeysigii,dagaal yahnimadii aanu dhexdeena iskula noqoney iskuna xasuuqney,maanta waxaan qirayaa in aanu dhiman laakiin aan yara dhuumaney aanu na wali nahay LIBAAXII AFRIKA,
shalley waxaa na gaadey caddow soo jireen ah waligiisna ka shaqeynayey sidii uu mar uun noo jabin lahaa,runtii kuma uusan guuleysan waayo hadii uu caddowga HARKA AHI ama qarsooni naga guuleysan lahaa maanta ma wiilasheenu ma gaardiyeen waliba gaardis qab weyni ku jiro nalakuna yaqaan soomaali ahaan.
Intii ciidanka xooga soomaaliyeed kala ja jabey waxaa dhacdey in gabdhaha soomaaliyeed lagu kufsado jasiirado aysanba ummadda soomaaliyeed waligeed maqal sida NAURI,waxaa dhacdey in raggii soomaaliyeed oo qqryo lagu hayo gabdhihii walaalahood ahaa la kufsado koonfurta suudaan,waxaa dhacdey in hooyooyinkii soomaaliyeed haraad iyo gaajo ugu dhintaan gobolka awdal dhurwaana cuno,waxaa dhacdey in dhalinyaradii soomaaliyeed ee reebi lahaa jiilalka soo socdaa nolol la aan ku rafaadaan nairobi addis ababa iyo xeryaha qaxootiga adduunka,waxaa dhacdey in dadkii soomaaliyeed dalkoodii u arkaan caddaab laga fakado dalalkii ay nafta kula cararaana ay ka soko marto dhimasho kale,waxaa dhacdey in ummadda soomaaliyeed ku dulowdey dal iyo dibbad ba,waxaa dhacdey in yaman iyo liibiya sidii xoolihii xerro lagu xareysto nala gatto,waxaa dhacdey in dhalinyaradii soomaaliyeed baddaha soo caariyaan sidii qashinkii,waxaa dhacdey in qalbigii ummadda soomaaliyeed dhulka ku dhaco,hadii aanu nabbad haysan laheyn waxaasi oo dhami nama soo mareen, nabbad iyo kala danbeyna markii dal rogmo waxaa suga waa ciidankooda waddaniga ah
kasoo diida in dalkoodu halkaas ku tirtirmo kagana harro adduunka.waayo ciidan qarani wuxuu ku dhartaa ciida iyo dadkiisa,
Waxaase ugu sii darneyd oo ummadda soomaaliyeed la ooydey markii dalkeenii noqdey waddo halaq mareen ciidamo shisheeyna lagu soo xareeyey laguna siiyey awood iyo shillinba halkii ragii soomaaliyeed lagu fuliyay dabinkii boqortooyadii shiinaha lagu jabiyey oo kale kasoo ahaa in boqortooyadii shiinaha lagula dagaalamey daroogada obiyamka markii ingiriisku ka adkaan waayey ayna ciidankii iyo shacabkii boqortooyadii shiinihi kaymaha la galeen daroogada obiyamka,
anagana waxaa kenya iyo itoobiyaba nagula dagaalantey qaad aysan ayaguba cunin,
Waa ALLAH mahadiis maanta waayo waxaan ka soo kacney jugtii uu nugu dhuftey cadowgu,waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa iney ilaawaan wixii tagey kana waynaadaan qabiil,wixii nagu dhaceyna ay aheyd sir gaadmo wadata oo aan dabinkiidii ku dhacney muddo dheerna laga soo shaqeynayey,
Ummadda soomaaliyeed waa hal qoys waa isku af waa isku diin marka meel ugama banaana shisheeye,waxaan ku maahmaahnaa mar i dage ALLAH ha dago mar labaad i dagase anigaa is dagey,
Waxaan dhalinyarada soomaaliyeed ugu baaqayaa iney ku kalsoonaadaan ciidooda hooyo ayadaad sharaf ku leedahaye,waxaana leeyahay ku dhaqda kuna dhinta ciida hooyo,qorta ciidanka xooga soomaaliyeed si soomaaliya uga baxdo waxay tabaneyso iyo bur burkaba,dal aan ninkiisu dhisin ma dhismo,
Waxaa waano noogu filan iyo tusaale in dalkeenu yahay hantidii ummadda soomaaliyeed kala dhaxleysey ILLAAHEYNA ugu deeqay ummadda soomaaliyeed marka qofka soomaaliyeed ee jooga magaalo shisheeye lagu yiraahdo halkan soomaaliya ma aha halkan mogadishu ma aha.
hadaba waa muhiim inaan keensano nabbad buuxda waa muqadis inaan dhuleekana dhisano,kana baxno caawin baryada waayo waayo dalka ama dadka na caawinayaa waxaay deeqdaas ka keeneen dalkoodii anaguna kama acqli liidano oo waxaanba leenahay dal kasii fiican kasii qanisan kay deeqdaas nooga keeneen,waxaan qirayaa soomaaliya iyo ummadda soomaaliyeed tuugsi ugama baahna ummaddaha adduunka laakiin waxay muddan tahay in anaga nala tuugsado,
waxaa maanta bilowdey qorista qayb ka kid ah taariikhdeena soomaaliyeed ee aan si fiican u wadda qorno anagoo ku dhan.
soomaalidu ha israacdo
soomaalida ha noolaato
soomaalidu ha jirto
soomaalidu ha walaalowdo.
WE DONT GIVE UP
WE DONT SURRENDER
WE DONT RETREAT
WE WIN OR DIE
WE ARE SOMALIS
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Subscribe to:
Comments (Atom)
SCREAM.
SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...
-
We all strive hard to achieve something in our lives at the highest place. many other ways some of us serve nations and do it well and maint...
-
Dowlada federaalka soomaaliyeed & Maamul goboleedyada waxaa u banaan oo kaliya iney hal jid raacaan.Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka hays...
-
Dal aan ciidan laheyn waa dal dadkii lahaa laga leeyahay,waxaa taariikhda africa iyo tan adduunkuba qireen in soomaali aheyd libaaxii af...





































