Saturday, April 30, 2016

SOOMAALI WAXAA U BARYEY WAA CUSUB - bal yara eeg dhibta nagaarey-aan xulano madax daacad ah.





ONLF MA A AHA ARGAGIXISO EE WAA XORIYAD U DOON.





ONLF MA A AHA ARGAGIXISO EE WAA XORIYAD U DOON.

mudooyinkii danbe waxaa africa ku soo badanayey in dalkastaa khaladkii ama dulmigii u galey amaba uu doonayo inuu daboolo inuu ku farxfiiqo ku eedeynta ama ku magacaabida ARGAGIXISADA,

sida  aan ogsoonahay soomaalida oo mid ah ayaa dhulkeedii ka maqnaa doonatey,waase lana ka ecday,markii adduunkii oo dhani naga hiiliyey,waxaase markii soomaali laysku adeegsadey soo harey oo hawshii halkii ka sii wadey DADKII SOOMAALIYEED EE DANAGAA SOOMAALIDA GALBEED,
sidaas darteed anigu ka leexan mayo jidkii ay soomaali oo mideysan  aana   la kala qaybqaybin layskuna dirin ay go aansatey kasoo ahaa mideynta dhilka iyo isu keenida ummadda soomaaliyeed.

itoobiya waxay dagaal kula jirtaa ummadda soomaaliyeed ee ma aha argagixiso,runteeduna waa taas,dadkeena soomaaliya ayaa dagaal kula jira qayb soomaaliyeed oo noqotey XAGJIR DIIMEED.lana baxdey magaca ALSHABAAB.

hadaba itoobiya iyada oo wadata danheeda gumeysiga dadka iyo dhulka soomaliyeed  ayay waxay har iyo habeen huwan tahay been abuur ah la dagaalanka ARGAGIXISADA waana shaati been  abuur ah, horjoogayaasha shacabka soomaaliyeedna si ay jagadooda ay itoobiya iyo kenya ku maal galiyaan ay u ilaashadaan ayay waxay kadaba hooriyaan ama subciyaan wixii waraaq ay ugu qoraan labaas dal.

hadaba waxaan ummadda soomaaliyeed u sheegayaa inuu wali taagan yahay cadowgii shallay ee soomaaliya maantana uu wali taagan yahay HAMIGII UMMADDA SOOMAALIYEED EE AHAA SOOMAALIYA OO MIDA,IYO DOONITAANKII DHULKA SOOMAALIYA OO GABI AHAANBA XOR AH.
shacabka soomaaliyeed ma aha in lagu bajiyo alshabaabnimo iyadoo la doonayo in lagu wiiqo amaba lagu duugo jiritaankooda ee waa in loo istaagaa istaagaa mowqifkii soomaalidii naga horeysay nooga dhinteen kaasoo ahaa SOOMAALIYA OO MIDA DADKA SOOMAALIYA OO ISXUKAMA.

waana in la taageero xornimo u dirirkasta ahna SOOMAALI DOON.amaba MIDNIMADO SOOMAALIYA waayo wuxuu u istaagey naftana u hurey ma aha wax asagu bilaabey ee waa fulinta howl socotey ayna uga dhinteen soomaalidii hore fullinteeda sida gumeystuhu weli ugu taagan yahay hawshii awoowgiis.uuna wali mabda'ii awoowgiis ee ahaa dhulka soomaaliyeed inuu  gumeynayo dadka soomaliyeedna caburiyo duleeyana.

waxaa tusaalaha ugu  yar kuugu filan waa inaad yara eegto soomaalida caafimidka amaba dano kale u aadaya dalka itoobiya ee lagu gumeysanayo dal ku gal iyagoo weli jooga ciidoodii hooyo ee soomaaliya afarteeda dacal,iyo waliba qofkasta oo soomaaliyeed oo ay inta yimaadaan gudaha  iska xiran karaan la tagi karaan amar la aan,,iney qofkasta oo waddani soomaaliyeed ah been abuur ku eedeyn karaan xagjirnimo ileen iyadaa kaar hada socda ahe,intey hore u haysatey dadka soomaaliyeedna iskaba daa

iyadoo ay  itoobiya haysato dhulkii soomaaliya bar kiis,maalinkastana ay ciidamada itoobiya dal ku gal iska daaye ay ciidamadoodu si toos ah usoo gudbaan xuduud beenaadka soomaaliya iyo itoobiya ogeysiin la aan ileen kuway ogeysiin lahaayeen waa kuwa ay mushaarka siiyaane.maxaad ka malayneysaa dadka soomaaliyeed ee ku dhiban xukunka gumeysiga itoobiya loona diidey saxaafada iyo warkooda iney la wadaagaan soomaalida kale iyo adduunkaba kii raaciyad noqdana looga dhigayo horjooge caburiye kuwa kale ee soomaaliyeed.

hadaba waa muqadis in itoobiya laga xoreeyo dhulka soomaaliyeed waayo waa  gumeyste waana muqadis in lashabaab lala dagaalamo waayo waxay fulinayaan danta gumeystaha iyo in soomaaliya la lahaado lagana soo buuxiyo ciidamado shisheeye ilaa ugu danbeynta gumeysi la gasho,

hadii aan ay ii suurto gasho inaan soomaali hogaamiyo waxaan banaanka soo dhigi gabasho la aan raadinta soomaaliya oo mida dad iyo dhul.waxaana tirtirayaa  xagjirnimada kuna badalayaa wadaninimo dhab ah waartana.waxaana hir galinayaa in shacabka soomaaliyeed aay yeeshaan ereyga ugu danbeeya ee tallada aaayahooda ileen shacabna ma duugi karo mana dhinac mari karo hogaanka jiritaankoodee.

WAXAANA KA MAMNUUCAYAA IN ASKARI DANBE OO ITOOBIYAAN AHI JOOGO CIIDA SOOMAALIYA ASAGOO SHACABA MOOYEE.TAASNA WAA JOOJINTA SI CAD MAGACA  AMISOM AY WATAAN.
CIIDAMADA ITOOBIYA EE SOOMAALIYA JOOGA.WAXAY MAGACA AMISOM KU FULIYAAN DANAHA KHAASKA AH EE ITOOBIYA.

hadaba taageer gabasho la aan ururkasta oo soomaali doon ah ama xoriyad soomaali doon ah si cad
iyo si dadbanba.

ITOOBIYA hadii aysan gumeyste aheyn ha ogolaato iney afti ka qaado shacabka soomaaliyeed ee ku nool soomaali galbeed dhulka ay gumeysato
 hana waydiiso iney doonayaan iney ku biiraan soomaali iyo iney doonayaan iney hoos joogaan itoobiya markaaas ayaan oran karnaa ONLF waa aragagixiso,sida dowlada ingiriisku afki shacab uga qaadey gobolkii dooneyayay inuu ka go'o  taasana ah daawada shacabkii wax tabanaya,

inta taasi aysan imaan ninka soomaaliyeed ee doonaya inuu soomaaliya ka mid noqdo waa walaalka soomaaliyeed.waana muqadis in la taageero nala garab istaago hiil iyo hooba.

waayo anagu ma ahaan karno soomaali buuxda inta qaarkayo gumeysi ku jiraan lana  caburinayo,loona xoog sheeganayo,loona istcmaalayo magaca ugu xun ee miiska adduunka saaran kasoo ah ARAGAGIXISO.

soomaalida waxay argagigiso u taqaan dadka doonaya iney xukunka iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed hoos geeyaan  qoomamka carabta ah ee ra'yigooda  ku qufuley qaar kamida ah  soomaalida  qalbiyadana  kaga soo qufuley. laynta  ummadda soomaaliyeed iyagoo khamiiskoodu dhiig laheyn nadiifna yahay.doonaya iney ummadda soomaaliyeed caburiyaan,laayaan,halkaasna ka wadaan hogaan ku salaysan amar ku tiri ku teen ah qofba qof u soo dhiibey oo lama arkaan ah sida jinka,soomaali oo dhana i gacan gasho hogaamiye aysan waligoodba arag lana ogeynba inuuba jiro iyo inuu nool yahayba,
dadka soomaaliyeed laguma maamumuli karo maskax aan qof soomaali aheyn shacabka soomaaliyeedna ma fulin karaan amar aan kasoo bixin hogaamiye soomaaliyeed nadiif waddani ah.

















Thursday, April 28, 2016

WE WILL RE USE EVERY CARD THAT YOU USED TO BREAK US APART TO REACH AND FULLFIL OUR AIM WHICH UNIFIED SOMALIA.-quote-AMIN MUSSE.





AS YOU SEE THE HEAD LINE SAYS ENOUGH  CLEARLY AND UPRIGHT,

WE SOMALIS OUR AIM TO  EXSIST ON THIS EARTH  AS UNIFIED NATION IS BIGGER THAN WHAT YOU ESTIMATE AND WANT,

WE HAVE BEING LONGING FOR AND STRUGGLE FOR, TO BE PART OF THE WORLDLY NATIONS AS ONE NATION UNDER ONE FLAG,

SINCE HISTORY CAN TELL WE HAVE BEING UNDER DOGGED HUMALIATED BROKEN APART AND SUBDUED,

IF SOME OF OUR ENEMY USED AGAINST US,OUR SOMALIA'S WITHIN TROUBLE TIMES THE FIGHT FOR EXSISTANCE TOUGHT US  THE U TURN STRUGGLE STYLE.


IF SOME POEPLE THOUGHT THAT THEY HAVE REACHED AND WON OVER US WHILE CALLING TO EVERY SOMALI REGIONAL LEADER OR STATE LEADER TO THEIR CAPITAL CITIES THE TRUTH IS IN THE OTHER WAY OF THE STORY 
OUR  SOMALISM  IS  SHINING  AND VISIBLE LIKE THE END TIME REVELATIONS.

WE WILL RE USE EVERY CARD THAT YOU USED AGAINST US TO BREAK US APART TO FULLFIL OUR AIM WHICH IS UNIFIED AND GREATER SOMALIA

AND OUR LONG TIME DREAM WILL BE FULLFILED SOON.

AMIN MUSSE.

Wednesday, April 27, 2016

WAA CUSUB AYAA U BARYEY SHACABKA SOOMAALIYEED EE SOOL,SANAAG IYO CAYN

waxaan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed ee sool sanaag iyo iney nabada ilaaliyaan,dagaal wiil ayaa ku dhintee wiil kuma dhasho,

marka labaad inaan laga dhex faa'iideysan arintan hadda taagana ay ku dhemeeyaan is af garad waayo magaalada buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaadaba waxay maanta halkan kusoo gaartey mayal adeyg,iyo isku kalsoonaan,iyo u taagnaanta xaqooda.

buuhoodle waa nalka kaliya ee u ifaya shacabka soomaaliyeed ee sool sanaag iyo cayn waana rajadii iyo jiritaankii shacabka sool sanaag iyo cayn.

maanta hadii la idnkaga guuleysto in laysku kiin diro waxaad saxiixdeen inaad raacdaan cagtana saartaan mustaqbal gacan hoosteed ku noolaansho ah,iyo gumeyn aad bohol kula dhaceysaan,maanta arinku waa magafto,

waxaan mar labaad ugu baaqayaa ciidan iyo shacaba gobolada sool sanaag iyo cayn midnimo buuxda,maanta soomaaliyi ma kala itaal roona laakiin yaan af aan meel jirin la idinku duudsiin jiritaankiina soomaaliya maanta waa ka weyn tahay in gumeysi la la daba ordo iyo soomaalidiidnimo ama in shacabka soomaaliyeed loo hor kaco fulinta dano shisheeye.

gobol ama qaybkasta oo dalkeena waxaa soo maray ama soo maraya jaanis ay ugu istaagaan sugida iyo xaqiijinta jiritaankooda kasoo ay qayb kaga noqon karaan lana soo hor fariisan karaan shacabka soomaaliyeed ama soomaaliya inteeda kalena  looguna tix galin karaa,inkastoo qaybo badan oo dalkeena taladii shacabka la afduubey loona isticmaaley dhuuni raadis iyo ku gorgortan shaqsiyadeed,

waxaa hubaala hadii maanta sool sanaag iyo cayn aysan israacin meelna ugu wadda soo jeesan jiritaankooda in laga guuleysanayo,jiritaankooduna mugdi galayo,

waxaa maanta idiin baryey  wa cusub mana aha wakhtigii ishiinu midba midka kale qaban laheyd,ee waa maalintii aad  bilaabi laheydeen tusina laheydeen soomaali inteeda kale  in jiritaankiinu muqadis yahay inaad isu talisaan idiinkoo soomaali kamidana ay muqadis tahay,


waxan lee yahay maamulka cusub ee hada la wareegey gacan ku haynta buuhoodle hadii aad meel kale ula socotaan buuhoodle hadaba gacanta kala baxa arinta buuhoodle hadii afkiina iyo adinkiinuba isku mid yahayna raadiyada midnimo iyo wada tashi guud iyo midnimo ciidan,waddajir iyo midnimo ayaad meel ku gaarteena kuna tir tiri kartaan kala qaybsanaanta soomaaliyi farta idikugu soo fiiqeyso,

soomaaliya soomaali ayaa leh sidaas darteed waxaa inoo muhiim ah in bulshada soomaaliyeed aysan is dulmin magaxana isaga istaagin iayagoo qarkood qaar kale matalaya magacoodana isticmaalaya amaba gobol ama maamulkastana la duudsiin xaqiisii jiritaan uu kaga mid noqon lahaa soomaaliya.

maamul iridkasta oo aduunka ah soo taabtey si loo aqoonsado soomaali diidnimo datreed kuna hungoobey waxba tari mayso daba orodkiis waayo asagii ayaaba caalamku u iclaamiyey ineysan macquul aheyn go i taan,waayna xaqiiqsadeen   iney dhagax ku qoran tahay xaga somaaliweyn iyo xaga caalamkaba midnimda soomaaliya,waxna laga badali karin,

waxaana  nasiib daro ah in shacabka gobolada waqooyi ay danahooda ku fushadaan in yaroo fara ku tiris ah afduubayna shacabka dadoodu yar tahay una badan dhalinyaro,

kuwasoo dhashey  ka dib  qoritaankii taariikhada ummadda soomaaliyeed iyo xornimo u dirirkii soomaaliya lagana qariyey in hadii maanta ay joogui lahaayeen shacabkii soomaaliyeed ee gobolada waqooyi ee askumey jiritaanka soomaaliya aysan raali ka ahaan laheyn waxa maanta ka socda gobolada waqyooyi ee soomaaliya idhina aan u lahyen in shacabkuna afduuban yahay kadib markii taariikhdii burburkii dalkeena si khaldan loogu fasirey,iyadoo soomaali oo dhana dhibku wadda taabtey,looguse turjumey in ayaga masiibada kaligood dusha uga timid.marka arintu ay tahay masiibo soomaali wayn shacabka soomaaliyeedna u sinaa dhibkeeda haloo kala darnadeeba.ayna aheyd mid ku saleysan danaha cusub ee laga leeyahay soomaaliya.uuna soo abaabulay cadowga harka ah ee soomaali oo dhan.


AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha. 


Tuesday, April 26, 2016

----- --- --- - i stand for somalian unity.



hadii khasab  anagoo aan nala ogeysiin na lana tashan nala kala googooyey na lana kala qayb qaybiyey anaguna waxaan xaq u leenahay inaan midowno anagoo aan cidna kala tashaneynin ogeysiineynina.waayo waa mid u muqadis ah jiritaankayaguna kuna saleysan inaan noqono qoom kamida qoomaamka ku nool adduunka.






Monday, April 25, 2016

CAMBAAREY CAMBAAREYN CAMABAAREY+ DIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN.

CAMBAAREY CAMBAAREYN CAMABAAREY+ DIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN.

waxaan halkan ka cambaareynayaa dowlada kenya ku xad gudubka dhulka iyo ummadda soomaaliyeed ay dowlada kenya ku kala gooyneyso darbiga ku saleysan dhul isa siinta dhulka soomaaliya,

waxaan kaloo uga digeyaa kenya ineysan sii wadin dhisada darbigan waayo waa dhul soomaaliyeed sharcina uma laha,bari ayaa dowlada ingirisska nasiisey oo anaaga iska leh ma aha mid caalamka ka soconeysa,waaana jabin iyo ku xad gudub jiritaanka ummad iyo soo xeyn daabid ku saleysan boob,
kenya iyo itoobiyaba ma aysan aheyn iney ka mid noqdaan waddamada aan u wacaney ee lnala baadi goobey nabadii aanau anagu iska qaadney markii nalaku soo qaadey weerar ku saleysan af iyo lacag lala daba socdo,

sida aan lawada socono kenya waay ogtahay ineysan gobolka NDF aysan laheyn lahaana karin,
mida kale waxaa halkan kaaga cad iney dulmi wayn lana gaadeysey kenya waayo waxay darbigan ay ku kala xireyso dhulka soomaaliyeed iyo dadka soomaaliyeedba ku beegtey burburkii ay ayadu qayb ka aheyd ee soomaaliya,

runtu waxay tahay kenya nabada iyo xasiloonida ay raadineyso kuma heleyso kala goyen dhul aysan waligeed lahaan doonin,ayna meel u taal bixinta kharashka lagu jajbin doono,

waan ognahay lana soconaa in kenya ay muddo soo koobineysey talada laga siinayo xagga nabad galyada ee ay ugu tabaruceysey israaiil,waase mid ay israaiil iaydu lafteeda ku hungoowdey mana aha habka loomaro raadinta nabadgelyo qaran,

anagu waxaan si cad uga soo horjeedaa joogintaanka ciidamada kenya iyo itoobiya ee soomaaliya,waayo waxay ka danbeeyeen burburkayagii,si ay u xalaalsadaan dhulka soomaaliyeed ee dowlada saddexaadu faraha u galisey.
raali aayaan ka nahay in dowlad aanu wax ka tirsaneyn dhulna naga haysan ay nabad nala raadiso.

waxaan halkan ummadda soomaaliyeed ugaga baaqayaa iney hor istaagaan darbigan lagu kala goynayo dhulka iyo dadka soomaaliyeed,
dowlada socod baradka ah ee federalka soomaaliya iyo waliba baarlamaanka soomaaliyana  ineysan afka iyo addinkaba ka qabsan,ama ay ummadda soomaaliyeed ee ay matalaan ka hor leexdaan si loo helo kuwo u qalma hogaaminta daka iyo dadka soomaaliyeedba.

GOD BLESS SOMALIS AND SOMALIA.

waxaan halkan inaku xusuusinayaa in maanta uu dadkeenii iyo dalkeeniiba uusan weli ka bixin dhibtii wakhtigan gilgilashada weyn nala dul maraya waxaa dadkeenii hareereeyey dhibaatooyin badan lagana qarsan karin indhaha maankuna uu ku qaracmayo xamilina karin,
soomaali hadii hadii aan nahay ma nihin caruurtii bessha caalamka inta adduunku noo wada yimaado noo dhisi mayo dalkeena nana siin maayo nabad waayo anagoo kaligeen ah ayaan iska qaadney nabadii anagoo kaligeen ah ayaan burburiney dalkeenii,

hadii aan kawada soo cararnana wuxuu ahaan sidiisa waayo inta dadkale noo daba maraan noo dhisimayaan,hadii aan cararnana wax yar ayaa naga gaaraya meeshii loo cararey oo in badan ayaa naga dhimaneysa sidii anagoo dhan aanu markhaati ka nahay ayna ugu danbeeysey boqolaalkii dadkeena ahaa ee ku dhintey badda masar ALLAH samir iyo imaan hanaga siiye.

dani waa ma seegtee waxaa nalaka doonayaa inaan anagoo kaligeen ah nabad sameysano anagoo kaligeen ah inaan dalkeena dhisano,
soomaaliyi waxay gaartey maanta ama maya,taasoo aan ula jeedo inaan midowno una  istaagno nabadeena nolosheena iyo dalkeena ama inaan ogolaano inaan ciribtirmano,ma ogolaan karno inaan ciribtirmano waayo waa diidmo ka soo wadda yeereysa qalbi kasta oo soomaaliyeed.
wax badan ayaa nalaka daawadey adduunka daafihiisa wax badan ayaa dadyoow caruurtooda indhahooda ka qariyeen marka uu soo galo warar ka hadlaya soomaaliya iyo dadkeeda si aysan u qaracmin mana aha wax na qaban kara magaceenana lagu sumadeyn karo  ama u noqon kara naaynaas nalookaga yaqaan adduunka marka lasoo hadal qaadaba soomaaliya iyo dadkeeda iyo waliba dhinka haysta,runtu waxay tahay waan ka bixi karnaa dhibta iyo dagaalka,waan raadinkarnaa soomaalinimo iyo iskaashi walaalnimo,waan kasoo saaran karnaa dalkeena waxaan munaafacaadsano.
waana noqon karnaa soomaaligii qofkastaa oo soomaali ah jeclaa in lagoo yaqaano adduunka asagoo wanaagsan.waxayse ku xiran tahay samaysiga madax daacad ah uu shacbku samaysto kuna dhiirado,dadkeenuna midoobo kuna dhaqano sharciga dhexdeena aan samaysaney,eex la aan,qabiil la aan,laaluush la aan.aana ku dheehno wadaninimo.
hadaba waa hawl weyn una taal fulinteedu aniga,adiga iyo dadkeenoo dhan.

Saturday, April 23, 2016

DAGAALKA U DHEEXEEYA MAAMULKA GALMUDUG IYO MAAMULKA SOOMAALI GALBEED - daacdheer iyo timo cooleed

NABAD AYAA NOLOL LAGA HELAA.
waxan ugu baaqayaa dadka soomaaliyeed ee labada dhinac u kala saftey marka ugu horeysa xabad joojin ayna raadiyaan waan waan una saaran gudi nabadeyn kasoo soomaali ah.

marka labaadna iney ilaaliyaan xuquuqda maatada soomaaliyeed,loona gurmado dadkeena waxyeeladau kasoo gaartey dagaalka uu ka danbeeyo danaha shisheeye.
runtu waxay tahay labada dhinacba waxa dhimanaya waa soomaali waxa dhulka ka maranayana waa soomaali,cida dantu ugu jirtana waa cadowga harka ah ee ay ummadda soomaaliyeed leedahay,waana kan aysan qaban indhaha dadkeena soomaaliyeed badankoodu waayo anaga ayaa weli isku jeedna,

hadii aan wax yar idinka xusuusiyo soomaali galbeed waxaa dhiig badan u daadiyey soomaali oo dhan iyada oo aan qabiil laysugu raacin ee ay arintu ahayd xoreynta dhulka soomaaliyeed iyo dadka soomaaliyeed,
dadka soomaaliyeed  ma mutaan,  xaq iyo xaquuqna  uma laha in soomaali kale uga soo duusho dhulka soomaali galbeed,
mida kale waxay tahay,maamulka galmudug waxaa ku furan furin alshabaab ah sidaas darteed uma haboona iney furin kale isku furaan waxaana ay arintu ku habooneyd iney waan waan kale raadiyaan,marka arinta dagaalkan laga fiiriyo dhinacyo badan waa mid salka ku haya sidii ay gobolada dhexe ee dalkeena nabad galyadiisu faraha uga bixi laheyd ayna ula wadda wareegi lahayeen ciidamada shisheeye ee itoobiya nagumana aha munaasab hadii aan soomaali nahay soomaali iyo jiritaankayagaba.alshabaabna uga faa iideysato ishuna  u qaban si hadhoow iyaga laftooda looga dhigto mar marsiiyo iyo alshabaabaa wadda qaadatey lana wada wareegtey bartamaha soomaaliya oo dhan,iyo raadiya amisom itoobiyna ha hor kacdee,

liyuu booliis hadii aan usoo noqdo waa inamo soomaaliyeed waxaa tuutaha itoobiya qabba arimaha maanta soomaaliya ka socdana waa midka soomaali idinku diraya loona hoos geeyay soomaali galbeed itobiya anagoo diidan na lana waydiin,soomaaliyi waa mid waana ul iyo diirkeed waxaan ugu baaqayaa maamulka soomaali galbeed ee hada hoos taga dowlada itoobiya ineysan leyn maatada degan xuduud beenaadka soomaaliya,dadku waa dadkii u dagaalamayey xoreyntiii dhulka aad hada itoobiya la hoos joogtaan,waana dhul soomaali oo dhan,
maanta soomaaliya waxaa ka socda dagaal lagu quusinayo iney abadanba soomaaliya sheegato dhulalka ka maqan,dagaalkaasoo loo soo marey fulintiisa bar qarni ku dhawaad,wajiyo badana lagu dayey ilaa markii ugu danbeeysay loo gashey shaati qabiil laguna guuleystey waana midka maanta uu socdo dagaalkaas dalkeena badankiisa  uuna ka mid yahay kan ka dhexeeya dadka soomaaliyeed ee kala hoos taga labada maamul ee soomaaliyeed GALMUDUG IYO MAAMULKA SOOMAALI GALBEED.maamulka soomaali galbeed haba hoostagee hada itoobiya runtuse waxay tahay soomaaliya soomaali ayaa leh dadka soomaaliyeedna  xaq iyo xaquuuq waxay waxay u leeyihiin iney ayagu ismaamulaan lahaadaan dowlad ay ayagu sameysteen kuna qanacsan yihiin iyagoo mideysan dhamaan.mana jiro qodob diidan midowga soomaaliya adduunkan oo aysan ka aheyn dadkeenii qarkiis oo ilaa hada hurda hor ordaya dano shishiiye mooyee.

waxaan mar labaad ugu  baaqayaa labada dhinacba ilaalinta nabada iyo inaan dadka soomaaliyeed ee abaaraha  dalkeena ka dhacayaa rafaadiyeeen aan loogu darin xabad iyo qax.
dadku waa walaalo waana soomaali hadii ay reer miyigeenu isku qabtaan daaqsin ama naqba waa laysku dhici jirey waligeed laakiin yaan lakala dilin layskuna dilin shacabka soomaaliyeed iyadoo labo dhinac tuute laga soo kala xiranayo,magaca soomaaliyi waa mid mana kala aha labada magac.

QOFKA BINI AADAMKA AHI WUXUU KU QURUX BADAN YAHAY INEY NAFTU KU JIRTO - NAFTUNA WAAY KA QAALISAN TAHAY WAXKASTA OO ADDUUNKA YAAL. quote Amin Musse.



F 16 FIGHTER JET SAVES PATIENT*S LIFE BY FLYING MEDICAL EQUIPMENT ACROSS NORWAY
The journey of 280 miles was completed in 25 minutes
A US F-16 fighter jet, similar to the model used by the Norwegian air force to transport medical equipment Getty Images
A critically ill patient’s life was saved after an F-16 fighter jet was used to rush specialised medical equipment halfway across Norway in less than half an hour.
The sick man was taken to a hospital in Bodø but it did not have an ECMO machine, which supports the heart and lungs, without which he would die.
Doctors knew the closest one available was at a hospital in Trondheim, 280 miles to the south. A 10-hour journey by car, they feared the man would die before it could arrive.
However, after a moment of inspiration, they decided to contact an air force base near Trondheim to ask if there was any hope of getting the equipment to Bodø in time to save the patient, whose precise condition was unclear.
And Lieutenant Colonel Børge ‘Gaff’ Kleppe, leader of 338 Squadron, told local media outlet VG News: “Chance would have it that we had two flights bound for [nearby] Moss on an exercise."
The flight path from Trondheim to Bodo (Google)
“One of them had even a cargo tank where there might be room. I called and asked them to keep [back] one plane, while we checked on it [for] all the possible places which could accommodate the machine.”
F16s scrambled to intercept 75-year-old in kit plane
While the armed forces have helped with civilian medical emergencies in the past, it is believed to have been the first time an F-16 jet has been used.
“Usually we spend about 35 minutes in flight,” said Lt Col Kleppe. “But because of the special cargo, the pilot gave a little extra, so he was there in less than 25 minutes.”
Within 40 minutes of the call being received, the medical equipment had been delivered to the hospital in Bodø.
Lieutenant Colonel Kleppe, who has flown F-16s for 13 years, told local TV that F-16s do not usually carry external storage tanks and if the call for assistance had been received just a few minutes later, the planes would have already departed.
“It's good to be able to help civil society in this way. And when it became clear that it had such an outcome, it gives an extra good feeling,” he said.
The air force's swift action was praised by the doctors.
“We are very grateful for the help we received from the armed forces. It was clearly vital for the patient to get the machine,” said Kristian Barnes, clinic director at the at heart and lung clinic at the University Hospital of Tromsø, where the patient was later transferred.
“Defence [the military] often helps in many situations when civil society needs it, but such a direct parallel to something like this, is something I have never experienced before. It's also very rare that we have to borrow equipment on such short notice from another hospital, it is extraordinary.”

Sunday, April 17, 2016

TACSI - Tahriibayaal Soomaali ah - .Ayeeyo 80 jir ah iyo ilmaheed.





waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan eheladii,qarabadii iyo ummadda soomaaliyeed,dadkeena ku dhintey badda ahaana tahriibka iyo waliba ayeeyada birmageydada ah iyo ilamheeda gacanta ka xaq darani ku dishay ciideedii.

hadii dadkeenu heli lahaa  hogaamiyaal daacad ah waa laga bad baadi lahaa masiibooyinkan foosha xun ee saameynta  weyna ku yeeshay dadkeena iyo magaca soomaaliyeedba qaseyna mooralka ummadda soomaaliyeed iyo noloshii ummaddeenaba.

SAMEYSO MADAXWEYNE AAD ADIGU DOORATEY WAXNA KA BIXI TABARUCDA DOORASHADA.

An unfortunate part of modern-day politics is the fact that money is far too involved in our elections
qofkastoo soomaali ah waxaa ka dhex guuxaya inuu helo madaxweyne daacad ah waddani ah dadka soomaaliyeedna u simin yihiin,dibna usoo cesha dadnimadayadii la duugey iyo jiritaankayagii,
inyar ayaase arintaas u istaagtey kuna dhiiratey wax ka qabadkeeda aniguna waan ka qayb qaadan kartaa,
hadaba sida aan la socono madaxbeenaadka dalkeena waxaa watta meeshana kuhaya waa dad dhaale jeebabka ugu guraya iyo boob xoolo qaran waxaase ka weyn arintaas rabitaanka shacabka 
shacabka soomaaliyeed shillin ma gado soomaaliyana asaga ayaa runtii samaysankara diidina kara madaxweyne lamoodkasta oo dusha looga soo tuuro.
halkan waxaad kaga tabaruci kartaa wixii awoodadaada ah oo aad kaga qayb qaadaneyso madaxweynaha aad adigu rabto inuu ku matalo hagana dalkeena iyo dadkeena,
wixii tabarucaad ah waxaad ku soo hagaajin kartaa 

AMIN MUSSE-musharaxa madaweynaha
amal 
dahabshiil
golobal
iftiin
oslo norway
iyo  midii aad doorato.
ku tabarucaada lacag doorasho waa wax ka caadi ah adduunkan tanise waa ka duwan tahay waayo waa mid ku saleysan jiritaanka dadkeena iyo dadkeena
waa  u tartanka bad baaddadii dalkeena 
waa sameyntii madaxweunhii runta ahaa 
waa ka saaridii mugdiga dadkeena iyo ku hagidii iftiinka iyo horumarka
waa sameyntii madaxweynihii kaa dhex guuxayey laguuse sameyn waayey
waa rumeyntii riyadaadii
waa bil kuu dhalatey iyo sameyntii madaxweynahaagii.



SOMALIA BEFORE EVERYTHING.


SOMALIA
I saw how they tore you apart but i wanna unify you for good
I saw your difficulties and i stood up for you for good
i saw everyone dared you but wasnt doing you good
i am telling ya it is my time to brighten your star for good
i m yelling now it is you before everything for good
for my people for my country AMIN MUSSE.

SOMALIA BEFORE EVERYTHING.

SOMALIA
I saw how they tore you apart but i wanna unify you for good
I saw your difficulties and i stood up for you for good
i saw everyone dared you but wasnt doing you good
i am telling ya it is my time to brighten your star for good
i m yelling now it is you before everything for good
for my people for my country AMIN MUSSE.

Friday, April 15, 2016

SOOMAALIDU WAXAY U BAAHAN TAHAY U DANEEYE EE UMA BAAHNA DANEYSTE 2016.



AMIN MUSSE - musharaxa madaxweynaha.

BALANQAADKA DOORASHADA 2016 
- waxaan balan qaadayaa dib u soo celintii karaamadii ummadda soomaaliyeed ay adduunka iyo dhexdoodaba ku lahaayeen.
- waxaan balan qaadayaa dowlad shacabka soomaaliyeed iska leeyihiin.loogana talin dibadaha.tuugsina uusan mushaar u aheyn.
- waxaan balan qaadayaa mideynta ciidanka xooga dalkeena.
ciidan leh gaaraad sareeya wadaninimo ku dhisan tahay,lehna aqoon sareeysa,xuquuqdooduna sugan tahay.
- waxaan balan qaadayaa sugiga amaanka dalkeena waxana soo af jarayaa ALSHABAAB.iyo muwaadinkastaa masaajidkuu doono si xor ah ALLAHIIS ugu caabudo baqdin la aan,in xeebaheena si xor ah ugu raaxeysano,in suuqyadeenu amaan noqdaan,in muwaadinka soomaaliyeed nabadgalyadiisa cidna khatar ku ahaan,
- waxaan balan qaadayaa sameynta maamulada dhimen ee dalkeena .
- waxaan balan qaadayaa dib miis u keenida maamulka soomaaliland..iyo ka qaybgalkooda dowlada federalka ah ee soomaaliya.iyo ka daaweynta waxa ay tabanayaan.
- waxaan balan qaadayaa ka saarida ciidamada shisheeye ee dalkeena.
- waxaan balan qaadayaa in dadkeenu qabiilka ka weynaado,dhinacna iska dhigo.
- waxaan balan qaadayaa in dowlada federalka soomaaliya isticmaalka qabiilku ka noqdo argagixiso,laguna dhex isticmaalin.
- waxaan balan qadayaa hiigsiga horumarka nolosha,iyo gaarista adduunka.ileen waa na dhaafaye adduunkuye.
- waxaan balan qaadayaa dib u dhiska dalkeena,iyo in xukunka dowladu gaaro tuulo iyo magaalo kasta.kobcinta dhaqaalaha.
- waxaan balan qaadayaa in hooyada soomaaliyeed aysan abadanba geed hoostiis markale ilmo ku dhalin,waxaana meelkasta geyn daryeelka caafimaadka bulshada.isbitaaladii,dhakhaatiirtii,daawadii,iyo waliba agabkii isbitaalada,iyo waliba in muwaadinkii soomaaliyeed ee tuulo wax looga qaban waayo loogu daaweyn karo isbitaalada magaalooyinka waa weyn si lacag la aan ah.
- waxaan balan qaadayaa in dadkeena iftiin uusan u noqon kan qoraxda oo kaliya ee dadkeenu helo tamartii ay ka dhashan lahaayeen ileyska habeenkii.mugdigana ay ka baxaan.
- waxaan balan qaadayaa in dadkeena aysan u talin dad aaminsan qabiil uurkana uu jiiso qabiil.
- waxaan balan qaadayaa in aanu ka faa*iideysano wax soo saarkeena dibadana aan cunto nalookaga keenin.
- waxaan balan qaadayaa maalin galinta bulshada sida kaluumeysiga iyo inaan khayraadkeena inta dheeraadka ah aan dibada u iibgeyno.lacagna dadkeena ay guryahooda ugu timaado.
- waxaan balan qaadayaa inaan wax ka badalo dadkeena soomaaliyeed ee ilaa hada baadiyaha ku nool noloshooda siiyana nololsha ay ku nool yihiin mid ka fudud.una sahlo wadadii ay uga faa^iideysan lahaayeen xoolaha iyagoo aan naftoodu ku dhibtoon xoolo daba socod.
- waxaan balan qaadayaa inaan jaad sumeysan nalookaga keenin kenya iyo itoobiya,wadankeenana uusan wax qiimo ah ka lahaan.
- waxaan balan qaadayaa in dalkeena keeno waxshado dadkeenu ka shaqeysan karo,dhibna aan u keenin deegaankeena qurxoon ee dabiiciga ah.
- waxaan balan qaadayaa in dodlada federalka ah ee soomaaliya muwaadinkastaa u arko dowladiisii.ee aysan qabiil kaliya isku dhajin.
- waxaan balan qaadayaa in muwaadinkasta oo soomaaliyeed dagi karo meeshuu doono dalkeena naftiisuna ay doorato.dalkeenanan si xor ah nabad gelyo ah u dhex mushaaxi karo geedkuu doonanana harsan karo seexana karo amaan buuuxa,socona karo wakhtiguu doono.meeshuu doono.
- waxaan balan qaadaya kor u qaadista waxbarshada si aanu u helno bulsho aqoon sare leh dalkoodana u faaîideysa.naftoodana wax u qabta.
- waxaan balan qaadayaa sameynta lacag cusub iyo soo celintii bangiyada dowlada.
- waxaan balan qaadayaa dalkeena dadkeenu waa ka yaacaaye in adduunku nooguyimaado dalxiis.dadkeenuna ku xasilaan kuna kalsoonaadaan dalkeena.
- waxaan balan qaadayaa raadinta shantii soomaaliyeed iyo soomaaliya oo weyn walaalo ah,si diblumaasiyadeed ,iyo dhankastaba.
- waxaan balan qaadayaa inaan dib usoo cesho sharaftii dadka soomaaliyeed ay ku lahaayeen adduunka.
- waxaan balan qaadayaa inaan dadkeenu dibahada nafta kula cararin ee ay dalkeena nafta kula soo cararaan ileen lama huraan waa ciida hooyee.
- waxaan balan qaadayaa in xiririka aan la leenahay adduunka intiisa kale uu noqdo mid meel mara heer sarena noqda.
- waxaan balan qaadayaa in dadkeenu diin dhexdooda ah ku dagaalamin.
- waxaan balan qaadayaa saxaafad xor ah,lehna xad,iyo manhaj ay raacdo.
- waxaan balan qadayaa inuu muwaadinkastaa rayigiisa asagu xor u yahay.
- waxaan balan qaadayaa safaaradaheena dibadaha iney noqdaan kuwo dadkeenoo dhan kusoo hirto,laakiin aysan noqon kuwo hal famil hiigsado.matalana dadkeena oo dhan.iskuna xira dadkeena soomaaliyeed inta dibada joogta iyo inta gudaha joogta noqdaana kuwo ka shaqeeya danaha ummadda soomaaliyeed.
- waxaan balan qaadayaa tirtirista laaluushka.
- waxaan balan qaadayaa in soomaalinimadu qabiilka ka weynaato.
- waxaan balan qaadayaa muwaqaadinka soomaaliyeed inaan diin lagu cayrsan uusana wax ku cayrsan.
- waxaan balan qaadayaa in muwaadinka soomaaliyeed dhulkiisa cidna marti uga noqon in loogu noqdo maahane.
- waxaan balan qaadayaa in dadkeena soomaaliyeed cadow isu noqon cadowgoodana arkaan.
- waxaan balan qaadayaa jiilalka naga danbeeya ee soomaaliyeed iney naga dhaxlaan dhul dhisan horumarsan.aan sumeysneyn,looguna talin iyo waliba hab ay usii noolaadaan.
- Waxaan balan qaadayaa hadii lay doorto inaan balan qaadkeyga oofiyo,afkana uusan ku ekaan ee uu ficilkeedu cadaado.soomaali kastana gasho rajadii ka dhex guuxaysey naftiisa ee uu la aa hogaamiye u hir galiya.iyo waliba balan qaadyo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin muqadisna u ah jiritaankeena ,nolosheena ,soomaalinimadeena.
hadal badan haan ma buuxiye soomaaliya soomaali ayaa leh waxaanse ilaa hada la nahay oo kaliya madax u qalmata hogaanka shacabkeena,waxaan hor kacayaa isbadal aan afka aheyn ee ficil wata.natdeydu waa nafta dadkeyga dalkooduna waa dalkeyga.dantayaduna waa mid..
AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha.

Wednesday, April 13, 2016

MAR UUN BAY RUMOOBI RIYADAYADII SOOMAALIYEED - xoreyntii godey.





waxaan ka mid ahey anigu inta aan la baqin waxaan uurka ka rumeysnahay waana dadka soomaaliyeed oo mid ah dhulka soomaaliyeed oo mideysan xorna ah,anagoo soomaali ah isna xukuna.
hada wakhtigan lagu jiro waa nala jajabiyey si aan ugaba quusano mideynta dadka iyo dhulka soomaaliyeed,waxaanse jeclaan lahaa inaan ogeysiiyo dadkeena soomaaliyeed waxa hada socda amaba wakhtiga hada lagu jiraa waa mid isbadalkiisu sugan yahay xaqiiqa ah waayo waa gilgilasho qowmkastaana waa maraa ama la kulmaa in jiritaankiisu qiil qiil galo,

waxaan anigu la yaabeynahay sida dadkeena loo ogoleysiiyey iney dhexdooda is laayaan loona kala cel celiyo si ay niyada uga jaraan hiigsigeenii aan dhaxalney kasoo ahaa rumeynta hawshii dadkeenii hore ee soomaaliyeed qaybteed qabteen markeey isu keeneen labo qaybood oo dalkeena ah,
anagana na laka doonayey in aan dhameystirno,laakiinse aanuba gabney intii aan dhaxalney  anagoo ku raali ahna nala ogeleysiiyey inaan aqbalno inuu na  caawiyo kii dartiis naloo dumiyey dadkeeniina laysugu direy,waa yaab,

waxaase ka sii yaab badan horjoogayaasha shacabka soomaaliyeed ee xataa arki waayey ama xusuusan waayey iney mideyaan dadkeena iyo dalkeena si aanu uga soo kabano dhibtii nala dhex dhigey.

anigu marna aqbali maayo intaan noolahay kamana gabanayo  raadinta mideynta ummadda soomaaliyeed waayo waxaa ku xiran jiritaanka ummadeyda iyo kaygaba ninkii rabaa aashuun haku adimo,nafna wakhtigeeda ma dhaafto.

waxaase sharaftu ku jirtaa inaan duli la hagoogan lagana gudbo dabinta xirfadeysan iyo shirqoolka cadowga harka ah ee .ummadda soomaaliyeed.

waa inaan si xirfadeysanan uga gudubnaa sida aan hada ku jirno hadii aan soomaali nahay kadibna iska saarnaa ciidamada shisheeye,dhulkeenana anagu maamulnaa isuna talinaa soona dhisnaa ciidamada dowlada federalka  ee dalkeena, maskaxda shacabkeena,dibna u raadinaa soomaaliya oo mideysan si siyaasadeyn iyo si dadbanba.

hadiii soomaaliland ay car qalad dadkeena ku tahay midnimda dalkeena iyo dadkeena waa laga gudbi karaa,loona heli karaa daawo tasoo ah in si daacad ah miiska loola fariisto lana siiyo waxay xaqa u leeyihiin soomaali ahaan iyadoo laga way naanayo qabiilka.

dani runtii ugama jirto soomaalida gobolada waqooyi goitaan waayo waxay taasi la macno tahay iney saxiixeen iney gacan bini aadam ku hoos noolaadaan abidkood, cadowna la hoos geeyo xukunka dhulka iyo dadka soomaaliyeed kamana  yeeli karno in dhowr qofood ummad qaybteed intey afduubaan qaribaanna, qalin wareeriyaan maskaxdana kaga qoraan soomaali diidnimo, iyagoo eeganaya dano khaasa oo shaqsiyeed,

hadaba wax ka qabashadeeduna ama kusoo celinta gobolada waqooyi ee  miiska soomaaliweyn waa waajib saaran qofkii madaxweyne ummadda soomaaliyeed u doorato,hadaba waxaan hayaa xeeshii iyo daawadii shacabka gobolda waqooyi iney dib wax uga hantaan hogaaminta soomaaliya taasoo ay waligoodba caan ku ahaayeen.iyo waliba raadinta soomaaliya oo mideysan.

AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha


Monday, April 11, 2016

SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARAN. 2016. Amin Musse.


waa mahad Allah usoo hoyiyey kuna muteystey ummadda soomaaliyeed in madax soomaali matashaa madasha wadatashiga qaran isu soo hor fariistaan ka talinta aayaha ummadda soomaaliyeed,
shirka madasha wadatashiga ummadda soomaaliyeed waa wakhti qaali ku ah ummadda soomaaliyeed waayo waa jiritaankii dadkeena iyo dalkeena waana mid muqadis ah.
shallay waxaa 4.5 ogolaadey puntland saxiixayna maantana waxaa muhiimadu tahay in dankasta oo khaas ah jeebka aysan soo dhaafin 
- dhowr mar oo lays hor fariistey waxaa war cad uusan ka imaan madal keenista maamulka soomaaliland tasoo ay tahay in wado cad  oo aan gabasho laheyn loo raaco.waayo waxaad raagsataa waa kugu raagaan.
- mida kale oo ay maanta haboon tahay in la fuliyo laguna dhaqaaqo waa meel isugu keenistii ciidanka difaaca dowlada federalka soomaaliya ee laga kala  keeni lahaa maamulkasta kasoo isku dhaf ah kuna shaabadeysan astaanta qaranka soomaaliya.waana mida kaliya ee aan kaga bixi karno kuna soo af jari karno alsbabaab,dalkeenana aanu ku hanan karno,ugana kaaftoomi karno ciidamada shisheeye.
- doorashadii wakhti yar ayaa ka harey sidaas darteed  waddaani waa isu dhiibid xarigeedu waxayna ku haboon tahay in aragtiyo kala duwan lagu meel mariyo hiigsiga ummadda soomaaliyeed.
doorashada soo socotana aan la car qaladeyn aysana ku saleysnan nin xigsi iyo aan is xigsano.
- maanta waxaa idin haya indhaha ummadda soomaaliyeed sidaas darteed waxaan rajeynayaa in dhawaaq fiican mooyee uusan dhiilo xun soo gaarin dhagaha ummadda soomaaliyeed.
- maanta taariikh ayaa qormeysa wase inaan la khaldin.

Amin Musse.
musharaxa madaxweynaha




AMIN MUSSE-musharaxa madaxweynaha

TERRORISM - ARGAGIXISO.



HA IS DILIN DADKANA HA DILIN DAN KUUGUMA JIRTEE.

waxaan rajeynayaa in sharci ku aadan aragagixisada in meel laysala dhigo kasoo wax looga qabto dhibta argagixisadu leedahay,kuna hayso dadkeena.
sharci ay sameyntiisa u dhan yihiin maamul goboleedyada sharcigaasoo wax ka qabta joojinta dhiiga dadkeena.
dalkastaa wuxuu u macnaystey ereygan sidii asaga dadkiisa dani ugu jirto,waxaase jirta in maanta anagu soomaali ahaan aan u baahanahay in meel laysla dhigi dajinta qodobka sharciga kaga aadan aragagixisada,
waxaan aad u dhaliilayaa ugana soo hor jeeda in dalalka na agdagan ee kenya iyo itoobiya ay la dagaalanka argagixisada u adeegsadeen waxyeelada dadka soomaaliyeed tasoo ay ula jeedaan xalaaleysiga dhulka soomaaliya ee hada iyaga hoos yimaada,ayna magaca la dagaalanka argagixisada u isticmaalaan dulmiga in badan oo dadkeena ah.
waxaan wax laga gabado aheyn in laga hadlo dalal badan ayaaba ilaa hada buugooda madow ku qorta qofkii muslim ahiba inuu yahay aragagixiso,waxaana oran karaa waa khalad weyn waayo aragagixisadu waxay waxyeeladeeda ka bilowdaa dalalka muslimka ah waxay laynta ugu horeysa ku fulisaa dadka muslimka marka ma aha in laysku khaldo haragna lawada saaro dhibe iyo dhibane.
bal halkan hoose ka yara akhri qeexida macnaha ereyga aragagixisda ee sharciga mareykanka, 

18 U.S.C. § 2331 defines "international terrorism" and "domestic terrorism" for purposes of Chapter 113B of the Code, entitled "Terrorism”:
"International terrorism" means activities with the following three characteristics:
  • Involve violent acts or acts dangerous to human life that violate federal or state law;
  • Appear to be intended (i) to intimidate or coerce a civilian population; (ii) to influence the policy of a government by intimidation or coercion; or (iii) to affect the conduct of a government by mass destruction, assassination, or kidnapping; and
  • Occur primarily outside the territorial jurisdiction of the U.S., or transcend national boundaries in terms of the means by which they are accomplished, the persons they appear intended to intimidate or coerce, or the locale in which their perpetrators operate or seek asylum.*
"Domestic terrorism" means activities with the following three characteristics:
  • Involve acts dangerous to human life that violate federal or state law;
  • Appear intended (i) to intimidate or coerce a civilian population; (ii) to influence the policy of a government by intimidation or coercion; or (iii) to affect the conduct of a government by mass destruction, assassination. or kidnapping; and
  • Occur primarily within the territorial jurisdiction of the U.S.
18 U.S.C. § 2332b defines the term "federal crime of terrorism" as an offense that:
  • Is calculated to influence or affect the conduct of government by intimidation or coercion, or to retaliate against government conduct; and
  • Is a violation of one of several listed statutes, including § 930(c) (relating to killing or attempted killing during an attack on a federal facility with a dangerous weapon); and § 1114 (relating to killing or attempted killing of officers and employees of the U.S.).
* FISA defines "international terrorism" in a nearly identical way, replacing "primarily" outside the U.S. with "totally" outside the U.S. 50 U.S.C. § 1801(c).

Saturday, April 9, 2016

RAGII SOOMAALIYEED WELI RAG AYAA KA NOOL.


— celebrating this special day.

Friday, April 8, 2016

SOOMAALI HADII AAN NAHAY WAA LA GAAREY WAKHTIGAYAGII

waaxaan rajeynayaa in dadkeenu dhameystey wakhtigii aanu hurudney, wakhtigii aanu ooyi jirney,wakhtigii aanu isdili jirney,wakhtigii aanu dhulkeena kasoo carari jirney.wakhtigii aanu dhihi jirney markuu dalkeenu dhismo ayaanu ku laaban ,wakhtigii ciidamamo shisheeye nala kala celin jirey,
waxa murugo noogi filan soomaali ayaa is qarciyey soomaali ayuu diley,dad soomaaliyeed ayaa badda laga helay ,dad soomaaliyeed ayaa dooni la dagtey,dad soomaaliyeed ayaa gaajo udhintey dhurwaana cuney dad soomaliyeed ayaa halkaas u qaxey,dad soomaaliyeed ayaa halkaas kasoo qaxey,ilmo soomaaliyeed ayaa inta gacmaha laga jarey suudaan ku tuugsatey,ilmo soomaaliyeed ayaa waalidkood laga qaatey,dumarkii soomaaliyeed waxaa lagu kufsadaa xeryaha kenya,qaar ayaa sidii xoolihii xeryo lago xareystey oo magafe manaafacadsadaa.
ilmo soomaaliyeed ayaa waaridkood ka dhintoo yaa u soomaali ah,
KUMA JIRI KARNO AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.
soomaali hadii aan nahay waxaa na laka doonayaa in shacabku doorto muwaadin u qalma hogaankooda,ayna ku aamini karaan noloshooda,
waa in xaafadkastaa ka leexataa afmiishaarka qabqablaha ah ee hogaan boobka ah doorataana wadani daacad ah,waa in xaafadkasta dadka daacada ah ee laga soo doortey mid kamid ah loo doortaa hogaanka magaalada waa in dadka daacada wadaniyaasha ah ee laga soo doortey magaalooyinka laga dhex doortaa qofkii soomaaliyeed ee hogaamin lahaa maamul goboleedkaas
waa in dadka wadaniyaasha daacada ah loona soo doortey hogaanka maamul goboleed yada laga sii dhex doortaa hogaankii sare ee dalkeena.
iyo muaawdinkii matali lahaa soomaali yar iyo weyn uuna ahaadaa mid shacabkeenu ku kalsoon yahay.waa gaari karnaa taas hadii soomaali kastaa ku kasloonaado naftiisa dalkiisa dadkiisa waa in aan afka laga xiran lana adeecin
madax dul kasoo tuur looga dhigay shacabka soomaaliyeed,
isbadalku waa shay adag in lagu dhaqaaqo ilaa ay dhibtu noolaha taabato mooyaane,soomaali hadii aan nahay dhibkii waa na taabtey laakiin waxaan la nahay oo kaliya inaan u dhaqaaqno una kacno jiritaankayaga.maanta waanu aragnaa ineysan wax isbadal keenin madax jeebka wax loo soo gashey waanu aragnaa ineysan waxba kusoo siyaadin dadkeena iyo dalkeenaba,waxaa kaliya oo xaqiiq ah islana qireynaa iney noqdeen horjoogayaal magac u yaala ayna ka maqan tahay awoodii madaxnimo iyo kalsoonidii shacabka soomaaliyeed.waa inaan keensanaa isbadalka nolosheena sameysanana hogaanka dalkeena,
isbadalkii noogu horeeyay isbadalka wuxuu noqdey mid naloo keeney oo aan waxba ku gaari weyney inaan kusii dhibaatoono mooyeee ma aha mid dadka soomaaliyeed barwaaqo iyo nabad u keenaya una sii golol xaaraya soomaalida aan weli dhalan.
adduunku waa na caawiyey laakiin waxaa hogaanka dalka markasta la boodayey madax shisheeye saarayey hogaanka dalkeena waana kuwo madax dantooda eeganaya ee aan eegeynin danta dadka iyo dalkaba,waana mida aan rabo inaan ka gudubno waayo waa mida uu ku bad baadi laaha qofkastoo soomaaliyeed iyo dalkeenuba.ma imaaneyso soomaaliyada aanu rabno hadii aanu ku kala danbeyn sharciga aanu sameysaney,doorana madax aanu ku qanacsanahay.
AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...