Saturday, December 2, 2017

RIIYADII DAANYEERKA EE ITOOBIYA WAXAA QAADEY DABEYSHA.



soomaaliya soomaali ayaa leh sidaas darteed macquul ma aha in itoobiya gumeysato dhulka soomaaliyeed ee soomaali galbeed khayraadkiisana iska fagato halka ummadii soomaaliyueed ee laheydna ay ka gaajaysan yihiin lagana dhacayo,lagu dilayo,lagu kufsanayo,lagu jajuubayo,waxaa runtu tahay khayraadka ku jira dhulka soomaaliyeed waxaa wadda leh ummadda soomaaliyeed dacalkasta iyo cirifkasta waxaana ogaalanshaha soo saaritiisu loo gadaal fariisanayaa ummadda soomaaliyeed waxaana ay mudan tahay muqadisna tahay iney ummadda soomaaliyeed soo saarato ama u igmato cidii usoo saari laheyd,
ummadda soomaaliyeed waxay si aan laqdabo laheyn ama eexi ku jirin u qaybsan doonaan uguna nafaqoobi doonaan khayraadka ku jira dhulkooda .waxaan leeyahay joojinta itoobiya ay joojisey boobkan sameynta baybabka shidaalka waa guul usoo hoyatey dhamaan ummadda soomaaliyeed waayo ummadda soomaaliyeed uma dul qaadaneyso riyada fuusha xun ee madaxa ka wareerineysa gumeystaha waalida kula dhex jira ummadda soomaaliyeed ee itoobiya ayna mudan tahay in meel looga soo wadda jeesto.
waxaan ugu qaabayaa cidkasta oo daneyneysa soo saarista kheyraadka ku jira dhulka iyo badda soomaaliya iney u maraan dadka leh ee soomaaliyeed,dhulka soomaaliyeed ee ku jira gacanta guemystaha itoobiya iyo kenyana sugaan inta ay ka mid noqonayaan dowlada federaalka soomaaliya ee ummadda soomaaliyeed sameysatey kana midka wadda tahay.
cidkasta oo damac ka galano kheyraadka soomaaliya waa ku hungoobayaa hadii la dhinac maro doonitaanka iyo amarka ummadda soomaaliyeed,dhago adeygna wuxuu keenee oo kaliya far far ku taag iyo dhiig daata waxaana markasta guuleysanayana waa dadkii dhulka awoowayaashood ka dhexley ee soomaaliyeed iskana leh.
ummadda soomaaliyeed waxay u hayantey halkuu jiritaankoodu ku jiro cidna uma gadaal fariisanayo iney sugto jiritaankeeda muqadiska ah iyo midnimadeedaba guud ahaan waxaan mar kale qoreynaa taariikhdayada oo qurxoon kana hufan dhoodhoob been ah iyo qoritaanka ummaddo kale ayna ku farxi karaan jiilalka naga danbeeya ee soomaaliyeed una noqon karta manhaj ay raacaan ayadoo qabkoodu sareeeyo soomaalina ay yihiin.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.

------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

BUSINESS
Gov. cancels planned Ethio-Djibouti oil pipeline project
2 December 2017
By Kaleyesus Bekele

The Ethiopian government canceled the planned Ethio-Djibouti fuel pipeline project, which was proposed to be undertaken by Black Rhino Group.

In 2014 the South Africa-based infrastructure investment group, Black Rhino, proposed to the Ethiopian government to build a 550km long pipeline to transport diesel, gasoline and jet fuel from the Port of Djibouti to central Ethiopia. The project is estimated to cost 1.5 billion dollars. The Ethiopian government had reviewed and accepted the proposal in principle.

Backed by the US investment group Black Stone, Black Rhino has undertaken a feasibility study on the project, which was going to be the first fuel pipeline in Ethiopia.

A senior official at the Ministry of Transport told The Reporter that the government has canceled the project due to financial reasons. The official said though the pipeline project is viable, the government wants to protect the Ethiopian Railway Corporation which will soon start transporting petroleum products. “We have built a new railway line to Djibouti with an investment cost of four billion dollars. And 100 fuel tanker wagons are ready to transport fuel from Djibouti. We have to maximize the use of the railway and pay back the loan to the Export Import (EXIM) Bank of China first,” the official said.

He said that while the country has a newly-built railway line, the construction of another expensive infrastructure cannot be justified. The International Finance Corporation (IFC) – the investment arm of the World Bank – had expressed interest in financing the planned Ethiopia-Djibouti fuel pipeline project.

“It is not that the project is unable to secure loan but while we are having the railway line in place building another fuel transport infrastructure is not economically a sound decision,” the Ministry of Transport official said. However, he said the construction of the pipeline can be considered after four or five years.

Ethiopia’s annual fuel import, which is growing at a rate of ten percent, has reached 3.8 million MT. The country so far uses tanker trucks to transport the fuel from the Port of Djibouti to central Ethiopia costing the country dearly. Fuel theft, adulteration and waste are also other challenges with the road transport.

The governments of Ethiopia and Djibouti signed a framework agreement on the planned pipeline construction in 2015.

Black Rhino finalized the feasibility study and it had confirmed that the project was feasible. The company was working on the implementation study. It had also presented the final feasibility study to the Ethiopian government, which reviewed the study and was supposed to give a green light to proceed with the project.

The fuel pipeline project, known as the Horn of Africa Pipeline, includes an import facility and 950,000 barrels of storage capacity in Damerjog, Djibouti, linked to a storage terminal in Awash, Ethiopia, 226km east of Addis Ababa. According to Black Rhino, the 20-inch (51-centimeter) line is capable of transporting 240,000 barrels of fuel daily. The total cost of the project is estimated at 1.55 billion dollars.

The project is a 50-50 joint venture by Black Rhino and Mining, Oil and Gas Services (MOGS), a unit of the Johannesburg-based Royal Bafogeng Holdings. Financial close was expected in 2017, with construction scheduled for completion in 2019. The developers were expected to raise at least one billion dollars debt financing.

According to the project proposal the project would be awarded to Black Rhino on a build, operate and transfer (BOT) terms. It was proposed that the developers would build the facility, operate it for 30 years and transfer it to the Ethiopian government. It was believed that the developers need to raise at least one billion dollars debt financing.

A non-oil producing country, Ethiopia annually imports 3.8 million metric tons of refined petroleum products, most of it via the port of Djibouti, at a cost of 2.8 billion dollars.

An expert at the Ethiopian Petroleum Supply Enterprise told The Reporter that although the investment cost is high, pipeline is the safest and cheapest mode of fuel transport per one ton of oil. According to the expert, it is also technologically advanced as it uses IT-based monitoring systems.





Sunday, October 8, 2017

maamul goboleedyada iyo dowlada federaalka soomaaliyeed waxaa u banaan iney raacaan hal jid oo kaliya.




Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka haysa iyo maamul goboleedyada. mugdi wayn ayaa galey habka federaalka siyaasadeed oo ay qaadadatey ummadda soomaaliyeed iyo wadadii loo raaci lahaa soomaaliya oo wacan nabbad ah degan kana mid ah dalalka adduunka.

maamulkasta oo ka mid ah dowlada federaalka soomaaliyeed waxaa ku haboon inuu asagu isu arko federaalka laftigiisa waxaana ku waajib ah inuu ilaaliyo kuna dhaqmo sharciga federaalka dowlada soomaaliyeed uu uu ka midka yahay.waxaana waajib ku ah inuju ku dhaqmo ilaaliyana sharci hooseedka uu gaar hanaan u leeyahay maamulkaasi.dowlada hada xukunka haysa ee soomaaliyeed waxaan ku dhaliilayaa iney lagu eedeeyo waxay dumeisey hiirshabeele maanatana waxay faraha kula jirtaa duminta maamulka soomaaliyeed ee galmudug.

runtu waxay tahay siyaasada ku saleysan habkii aanu waddo cad ugu raaci laheyn jidka aanu ku wadda waji laheyn aragtida ku aadan taageerida garab ka mid ah dalalka is qab qabsadey ama kala caroodey ee carabta waxay mudneyd in marka ugu horeysaa ay dowlada federaalka xukuumada hada xukunka haysaa ay gogol shireed u fidiso maamulada dalka ka jira una soo bandhigto aragtideeda ku saleysan taageerida qayb ama dhex dhexaad ka ahaanshaha labada qaybood ee dalalka carabta u kala baxeen,

xukuumada hada xukunka haysa ee dowlada federaalka soomaaliyeed ayadoo eegeysa danta dalka iyo dadka iyo saameynta ay ku yeelaneyso mustqabalka ummadda soomaaliyeed iyo waliba xiriirka adduunk a aanu la leenahay iyo saameytiisaba raacida garab ka mid ah dalalka carabta ee kala fogaadey,

waxaan aad u dhaliilayaa in maanta la yiraahdo xukuumada xukunka haysa ayaa xilka ku fara galisye maamulka mid ah dowlada federaalka soomaaliya waayo maamul kasta oo ka mid ah dowlada federaalka soomaaliya sababta loo sameeyay waa in uu baaho hab dowladeedka soomaaliyeed ee ku saleysan federaalka,ayadoo ummadda soomaaliyeed laga daaweynayo eedeymahii dowladii dhexe ee dalka ka talineysay tasoo aheyd hab xukun ku saleysan gole dhexe iyo hal xisbi.

dagaalka rafaadiyey ragaadiyeyna ummadda soomaaliyeed waxaa eedeyn loogaga dhigey hab xukunkii milatariga ahaa ee dalka soo marey inkastoo xaqiiqdu tahay waxaa soomaaliya loo burburiyey in laga gaaro danta laga leeyahay soomaaliya tasoo ku soo gunaanadmeysa kheyraadka soomaaliya ee dalba kiish u soo qaatey markii soomaaliya loowyaha dhulka loogu dhuftey.

maanta waxaa na horyaal sidee xeero ku xaganaa ilkana ku bad baadaan.maamulada dalka ka jiraa waa iney ayagu isu arkaan far ka kid ah farahii gacanta dowlada federaalka soomaaliyeed, dowlada federaalka soomaaliyeed waa iney isu aragtaa gacantii ummadda soomaaliyeed aysana ka maarmi karin hal maamul oo ka mid ah dowlada federaalka soomaaliyeed,

waxkasta oo ay ku dhaqaaqeyso dowlada federaalka xukuumada hada xukunka haysaa waa muhiim ineysan seef labood noqon laakiin ay la tashato maamulada dalka ka jira ka dibna ay ku hadasho waxna ku saxiixdo magaca ummadda soomaaliyeed maadaama loo xil saartey matalaada ummadda ummadda soomaaliyeed guud ahaan.

waxaan mar kale leeyahay waa in laga fiirsadaa faragalinta maamulada ka jira dalka waayo waxay reebeysaa fowdo iyo qalalaase hor leh soona wajaha ummadda soomaaliyeed iyo waliba in uu xumaado moraalka shacabka soomaaliyeed ee muddada badan dolwad la aanta ahaa hadana ku faraxsan IFTIINKA dowladeed ee u baxaya,

waan wadda ognahay in si dhib ah laysugu keeney ummadda soomaaliyeed maadama uu ku kala dhex jirey caddow qarsooni waan wadda ognahay in si dhib loo soo celiyay kala danbeytii in si dhib ah loo wadda qaatey hab dowladeed ku cusub ummadda soomaaliyeed kasoo ah federaal waxaanse leeyahay yaysan noqon dowlada federaalka soomaaliyeed mid ay gaar ahaan isteerinkeeda u hayaan qayb yar oo isku aragti ah halka ay tahay dowlad ay wadda leeyihiin soomaali oo dhan.


maamulada dalka ka jira waxaan leeyahay waxaad tihiin dowladii federaalka soomaaliyeed waayo waxaad ka tihiin qayb buuxda oo ka mid ah ayada waxaadna mudan tihiin ineydaan u arag dowlad dal kale laga leeyahay waxaana muhiim ah inaad fulisaan sharciga u dagan dowlada federaalka soomaaliyeed, gaar ahaana ku shaqeysaan sharciga maamulkiina hoos ahaan.wixii laysku afgartana ay ku hadasho dowlada federaalka soomaaliyeed sababtoo ah waxaan yeelaneynaa hal af iyo hal waji oo loogu soo hagaago ummadda soomaaliyeed ee ka midka ah ummaddaha adduunkan maanta.

ummmadda soomaaliyeed maanta meel ugama banaana is ka hor imaad siyaasadeed waxaase meel noogaga banaan inaan midowno wadda shaqeyno maamul goboleed ilaa dowlada federaal ahaan gacmahana is qabsano soomaaliyana ka dhigano meel aanu ku noolaan karno nabbad na ah soo saaranna kheyraadka aanu ku dul taaganahay kana gaajeysan nahay noqonana ummadd dadyowgu hiigsadaan nafna bidaan.

ummadda soomaaliyeed waxay hayaan u tahay hiigsi dheer iyo halkuu ka IFAYO kaaha jiritaankooda waxaan ku baaqayaa in xiisad kasta oo soo kala dhex gasha maamula dalka ka jira iyo dowlada federaalka soomaaliyeed lagu dhameeyeo doonitaanka shacabka maamulkaas sameystey laakiin aan la muquunin.wayo waxaan wadda raadineynaa maha dal dumin ee waa dal dhisid iyo midnimo guud.

AMIN MUSSE-Afhayeenka ummadda soomaaliyeed-Musharaxa madaxweynaha.

Dumarka soomaaliyeed waxay qayb weyn ka yihiin qaranka soomaaliyeed, qaarkoodna waxay horgaleen u ahaayeen ummadda soomaaliyeed..







DUMARKA SOOMAALIYEED WAXAY QAYB WEYN KA AHAAYEEN QARANKA SOOMAALIYEED CIRKANA WAXAY LA XIIMAYEEN LANA XAWAAREYNAYEEN  DIYAARADO.

 waxay markaahti madoonto ah in waddankeenu ka horeeyay waddamada geesaha naga xiga,waxay kaloo markhaati ma doonto u tahay in dumarka soomaaliyeed xuquuqdoodu sugneyd ayna qabanayeen ama baranayeen waxkasta oo raga soomaaliyeed qabtaan ama bartaan,

sida aad ogtihiin waxaa jira waddomo aysan dumarkoodu xataa baabuurta kaxayntooda aan loo ogalayn sida sacuudiga,qaarkoodna waxaaba lagu khasbaa isqariya waxaad ba tihiin cawree.

hadaba waxaa jira in mudadii danbe ay isa soo taraysay hoos u dhig ama in xuquuqdooda dumarka soomaaliyeed la duudsiiyey tasoo ay keentey dagaalkii sokeeye oo sababey in qorigu taliyo iyo ninkii xoog weynba.

dumarka soomaaliyeed waxay wax ka hayeen xukunka waddankeena.hooyooyinka soomaaliyeed waa jaamacada uu kasoo qalan jabiyo hogaamiye kasta oo soomaali ah.dadkiisana ku hageyey  soomaalinimo.iyo hogaan ay hooyo soomaaliyeed soo bartey.

wakhtiyadan danbe hogaamiyaasha soomaaaliyeed waxaa manhajkii hooyooyinka soomaaliyeed soo bareen ee hogaamiyenimo iyo horgalka ummaddaooda dhalan rogey cadow u soo dhuuntey kana adkaadey ragii soomaaliyueed caddowgaas oo gebi ahaanba dadkeenii  isku direy kasoo ahaa caddow gaadmo qarsoon wata waana cadow dano fog watta mudana lasoo gaatamayey halgaad ilaahadana nabada u diidan dalkeena dadkeeniina ka dhigey baylahda adduunka kala qaban.

caddowgaasi wuxuu kuwii soo kaca halgaadiisa usoo yaaciyey banaanka iyo dalalkka dibadaha si ay uguba soo noqon dalkoodii iyo dadkoodiiba hase yeeshee kaalintii dumarka soomaaliyeed ee ku saleysneyd badbaadinta ma hungoobin wayna miro dhashey oo waxaa soo baxay jaamacadii hooyoyinka  soomaaliyeed ardo cusub ama jiil cusub oo wadaniyaal ah.

dumarka soomaaliyeed waxaa xuquuqdoodii yara gilgiley dagaalkii sokeeye maadama aysan ayagu xabada rideyn.dhib weyna way kasoo gaartey sida dil kufsi dhac moraal jabin gaajo laakiin dumarka soomaaliyeed waanu ku waa baxsaney oo soomaali inta maanta nool waa in dumar ku hagoogtey.hadii ay noqoto daaweyn,nafaqeyn,la qixid,korin,hub kadhis,

dumarka soomaaliyeed waxay ilaa hadana ku jiraan qaybna ka yihiin go'aamada dalkeena ee nabad ku soo celinta dalkeena,waxayna dalkeena ku dabiibaan raadinta nabbada,

dumarku ama hooyooyinku waxay dhalaan ilmo kala qabiilo ama kala duwan raguse hal qabiil,taasina waxay markhaati ka tahay in dumarka soomaliyeed meel isugu keenaan qabiilo kala didsan dagaalna u dhaxeeyey dabadeedna halkaas nabadi ka dilaacdo.marka dumarka soomaaliyeed waa in loo qiraa baalka dahabka ah ee ay nolosheena kaga jiraan lana ogaadaa iney humiim yihiin qadarin mudan yihiin.

waxaanse aad u dhaliilayaa in dumarka soomaaliyeed wali qaarkood aan la siin qiimihii ay ku lahaayeen ummadda soomaaliyeed dhexdeeda iyo dibadahaba waxaana markhaati ka ah in nolosha ka jirta dalka ay jeeni qaartey dahqqaale ahaan dibadahana ay muteen qoomaam aan aqoon dheeraad ah u laheyn qiimahooda dumar soomaaliyeed ahaan kana aqoon la yihiin halka ay ummaddaooda ka kaga jiraan iyo iney yihiin lafdhabartii jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

dumarka soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Araweelo tasoo aheyd hogaamiye soomaaliyeed,waxaa kaloo ka mid ahaa  Xaawo Taako iyo in badan oo taariikhda ummadda soomaaliyeed ku xardan baal dahabana kaga qoran.

AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.

































Thursday, September 28, 2017

Dowlada federaalka soomaaliyeed & Maamul goboleedyada waxaa u banaan oo kaliya iney hal jid raacaan.







Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka haysa iyo maamul goboleedyada. mugdi wayn ayaa galey habka federaalka siyaasadeed oo ay qaadadatey ummadda soomaaliyeed iyo wadadii loo raaci lahaa soomaaliya oo wacan nabbad ah degan kana mid ah dalalka adduunka.

maamulkasta oo ka mid ah dowlada federaalka soomaaliyeed waxaa ku haboon inuu asagu isu arko federaalka laftigiisa waxaana ku waajib ah inuu ilaaliyo kuna dhaqmo sharciga federaalka dowlada soomaaliyeed uu uu ka midka yahay.waxaana waajib ku ah inuju ku dhaqmo ilaaliyana sharci hooseedka uu gaar hanaan u leeyahay maamulkaasi.dowlada hada xukunka haysa ee soomaaliyeed waxaan ku dhaliilayaa iney lagu eedeeyo waxay dumeisey hiirshabeele maanatana waxay faraha kula jirtaa duminta maamulka soomaaliyeed ee galmudug.

runtu waxay tahay siyaasada ku saleysan habkii aanu waddo cad ugu raaci laheyn jidka aanu ku wadda waji laheyn aragtida ku aadan taageerida garab ka mid ah dalalka is qab qabsadey ama kala caroodey ee carabta waxay mudneyd in marka ugu horeysaa ay dowlada federaalka xukuumada hada xukunka haysaa ay gogol shireed u fidiso maamulada dalka ka jira una soo bandhigto aragtideeda ku saleysan taageerida qayb ama dhex dhexaad ka ahaanshaha labada qaybood ee dalalka carabta u kala baxeen,

xukuumada hada xukunka haysa ee dowlada federaalka soomaaliyeed ayadoo eegeysa danta dalka iyo dadka iyo saameynta ay ku yeelaneyso mustqabalka ummadda soomaaliyeed iyo waliba xiriirka adduunk a aanu la leenahay iyo saameytiisaba raacida garab ka mid ah dalalka carabta ee kala fogaadey,

waxaan aad u dhaliilayaa in maanta la yiraahdo xukuumada xukunka haysa ayaa xilka ku fara galisye maamulka mid ah dowlada federaalka soomaaliya waayo maamul kasta oo ka mid ah dowlada federaalka soomaaliya sababta loo sameeyay waa in uu baaho hab dowladeedka soomaaliyeed ee ku saleysan federaalka,ayadoo ummadda soomaaliyeed laga daaweynayo eedeymahii dowladii dhexe ee dalka ka talineysay tasoo aheyd hab xukun ku saleysan gole dhexe iyo hal xisbi.

dagaalka rafaadiyey ragaadiyeyna ummadda soomaaliyeed waxaa eedeyn loogaga dhigey hab xukunkii milatariga ahaa ee dalka soo marey inkastoo xaqiiqdu tahay waxaa soomaaliya loo burburiyey in laga gaaro danta laga leeyahay soomaaliya tasoo ku soo gunaanadmeysa kheyraadka soomaaliya ee dalba kiish u soo qaatey markii soomaaliya loowyahay dhulka loogu dhuftey.

maanta waxaa na horyaal sidee xeero ku xaganaa ilkana ku bad baadaan.maamulada dalka ka jiraa waa iney ayagu isu arkaan far ka kid ah farahii gacanta dowlada federaalka soomaaliyeed, dowlada federaalka soomaaliyeed waa iney isu aragtaa gacantii ummadda soomaaliyeed aysana ka maarmi karin hal maamul oo ka mid ah dowlada federaalka soomaaliya,

waxkasta oo ay ku dhaqaaqeyso dowlada federaalka xukuumada hada xukunka haysaa waa muhiim ineysan seef labood noqon laakiin ay la tashato maamulada dalka ka jira ka dibna ay ku hadasho waxna ku saxiixdo magaca ummadda soomaaliyeed maadaama loo xil saartey matalaada ummadda ummadda soomaaliyeed guud ahaan.

waxaan mar kale leeyahay waa in laga fiirsadaa faragalinta maamulada ka jira dalka waayo waxay reebeysaa fowdo iyo qalalaase hor leh soona wajaha ummadda soomaaliyeed iyo waliba in uu xumaado moraalka shacabka soomaaliyeed ee mudduo badan dolwad la aanta ahaa hadana ku faraxsan IFTIINKA dowladeed ee u baxaya,

waan wadda ognahay in si dhib ah laysugu keeney ummadda soomaaliyeed maadama uu ku kmala dhex jirey caddow qarsooni waan wadda ognahay in si dhib loo soo celiyay kala danbeytii in si dhib ah loo wadda qaatey hab dowladeed ku cusub ummadda soomaaliyeed kasoo ah federaal waxaanse leeyahay yuusan yaysan noqon dowlada federaalka soomaaliyeed mid ay gaar ahaan isteerinkeeda u hayaan qayb yar oo isku aragti ah halka ay tahay dowlad ay wadda leeyihiin soomaali oo dhan.

maamulada dalka ka jira waxaan leeyahay dowlada federaalka soomaaliyeed waa idinka waayo waxaad ka tihiin qayb buuxda waxaadna mudan tihiin ineydaan u arag dowlad dal kale laga leeyahay waxaana mudhiim ah inaad fulisaan sharciga u dagan dowlada federaalka soomaaliyeed gaar ahaana ku shaqeysaan sharciga maamulkiina hoos ahaan.wixii laysku afgartana ay ku hadasho dowlada federaalka soomaaliyeed sababtoo ah waxaan yeelaneynaa hal af iyo hal waji oo loogu soo hagaago ummadda soomaaliyeed ee ka midka ah ummaddaha adduunkan maanta.

ummmadda soomaaliyeed maanta meel ugama banaana is ka hor imaad siyaasadeed waxaase meel noogaga banaan inaan midowno wadda shaqeyno maamul goboleed ilaa dowlada federaal ahaan gacmahana is qabsano soomaaliyana ka dhigano meel aanu ku noolaan karno nabbad ah soo saaranna kheyraadka aanu ku dul taaganahay kana gaajeysan nahay noqonana ummadd dadyowgu hiigsadaan nafna bidaan.

ummadda soomaaliyeed waxay hayaan u tahay hiigsi dheer iyo halkuu ka IFAYO kaaha jiritaankooda waxaan ku baaqayaa in xiisad kasta oo soo kala dhex gasha maamula dalka ka jira iyo dowlada federaalka soomaaliyeed lagu dhameeyeo doonitaanka shacabka maamulkaas sameystey laakiin aan la muquunin.wayo waxaan wadda raadineynaa maha dal dumin ee waa dal dhisid iyo midnimo guud.

AMIN MUSSE-Afhayeenka ummadda soomaaliyeed-Musharaxa madaxweynaha.



Thursday, September 14, 2017

Somaali nool iyo mid soo dhalan doonaba hal gees kama jari karo xidigta ummadda soomaaliyeed ee ku xardhan calanka ummadda soomaaliyeed.





Ummadda soomaaliyeed aqabali mayso wax ummaddii soomaaliyeed ee naga horeysey ee aan dhulka ka dhaxalney diideen taasoo ah in in itoobiya leedahay soomaaligaleed,waxaan wadda qireynaa in itoobiya gumeysato soomaaligalbeed ayna dusha ka saartey horjoogayaal ay ummadda soomaaliyeed maqaarsaar ugaga dhigtey si ay u fuliyaan danteeda gumeysi,waxaan wadda qireynaa in xuduud beenaadka u dhaxaysa itoobiya iyo soomaaliya aysan waxba ka jirin,


maanta calanka soomaaliyeed nin nool xidigta cad hal gees kama jari karo,ummadda soomaaliyeed waa cad yahay warkeedu dowlada federaalka soomaaliya waxay matashaa ummadda soomaaliyeed oo dhan,


manjoo dhooqo mid ba mar ayaa la saaraa sidaas darteed waa in itoobiya kala baxdaa dhulka soomaaliyeed gabi ahaanba ciidamadeeda ay ku maldahayso amisom kuna fushaneyso danteeda gumeysi waayo dan ugama jirto ummadda soomaaliyeed,


caddowtinimada alshabaab waan iska sifeyn karnaa waxaase la mid ah kan ay itoobiya u hayso ummadda soomaaliyeed ee ah gumeysi iyo dhulboob.xasuuq,xarig,kufsi,gaajaysiin,dhac iyo boob,u magacaabid horjoogayaal daba dhilif u ah ayada.


ummadda soomaaliyeed kama baqeyso jidka uu ku jiro iyo halka uu ku jiro jiritaankeedu,maanta ma raali galin karno caddow soo jireena.hadalka hadaaqa ah ee dadka qaarkiis itoobiya afka u galisey ee ah horoumar waxaan leeyahay khayraadka ku jira dhulka soomaaliyeed ee soomaali galbeed ummadda soomaaliyeed na ka jaageysan yihiin laguna dul gumrysanayo ku naaxi mayso itoobiya.kuna biili mayso ciidamadeeda.waxaa iska leh ummadda soomaaliyeed guud ahaan.
ummadda soomaaliyeed ayadoo wadajirta mideysana waa iney wadda ilaalisaa jiritaankeeda dhinacna iska marisaa danta caddowtinimo ee ku saleysan gumeysiga itoobiya wadato.
ummadda soomaaliyeed waa jirtey waxaanse jiri karin waa itoobiya hadii aysan soomaaliya ula imaan dhulboob iyo guemysi.


hadii itoobiya ka baqi waydey gumeysiga ummadda ummadda soomaaliyeed kana xishoon weydey ummadda soomaaliyeedna ka baqi mayso kan gaban meyso iney sugto jititaankeeda.
maanta waa maalin ka mid ah maalmaha ay qoranto taariikhda soo jireenka ah ee ummadda soomaaliyeed qofkastana baal lagaga qoro.


AMIN MUSSE.Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.


Sunday, September 10, 2017

Dowlada itoobiya ee caddowga u ah ummadda soomaaliyeed waxay mar kale kusoo dhex tuurtey dabin ummadda soomaaliyeed iyo dowlada ay sameysatey.



hadii ummadda soomaaliyeed ku kacdo xukuumadda hada xukunka haysa ridana waxaa fuleya danta itoobiya ee aheyd iney rido dowlad kasta iyo rajo kasta oo ummadda soomaaliyeed u wadda istaagtaytasoo ay ku xaqiijineyso jiritaankeeda.

hadii ay ummadda soomaaliyeed dayso xukumaada hada xukunka haysa ee dowlada ummadda soomaaliyeed ee dowlada federaalka soomaaliya waxaa baa'baya jritaankii karaamadii iyo soomaalinimadii ummadda soomaaliyeed waxaana fuliya danta itoobiyada caddwoga u ah ummadda soomaaliyeed waligeed ilaa qarniyana u guntatey qabri galinta ummadda ummadda soomaaliyeed iyo dhaca dhulka soomaaliyeed.
hadaba waxaa dantu ku jirtaa xukuumada hada xukunka haysa ee dowlada federaalka soomaaliya oo isa saxda kuna kalsoonaata ummaddeeda ayada sameysatey iskana leh burisana danaha khatarta ah ee ay wadato dowlada itoobiya ee ah caddowga soo jireenka ah ee ummadda soomaaliyeed xataa jiilaalkii naga horeeeyay iyo kuwa naga danbeeyayaba.
xukumada hada xukunka haysaa waa ku waajib iney dhagaha ka laabato sharciyada daneysiga khaaska ahi ku maqaarsaaran yihiin ee ay itoobiyo wadato uguna magac dareyso la dagaalanka argagixisada.

hadaba argagixiso waa jirtaa waana in meel loogaga soo jeesto laakiin ummadda soomaaliyeed ma yeelayso mana aqabaleyso in itoobiya dankasta oo ay wadato ku magacoowdo la dagaalanka argagixisada heshiis beenaadkastana oo ay dooneyso in ay wax ku yeesho midnimada ummadda soomaaliyeed iyo mideynta dhulka soomaaliyeed asagana ku magacoowdo heshiis iyo sharci ah la dagaalan aragagixiso.

runtu waxay tahay argagisada lala dagaalamayaa waa alshabaab ayaguna waxay ka dhasheen soomaali sidaas darteed ummadda soomaaliyeed ayaa kala taqaan kii aragaixiso ah iyo kii aan aheynba hadaba itoobiyana qofkasta oo soomaaliyeed ee afka iyo adinka u qaada dhulka iyo dadka maqan ee soomaaliyeed afka kagama qalaadi karto waa aragagixiso ayadoo ay danteeda qarsoo tahay ilaawa jiritaankiina igu gadaal faylana.

ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa iney ka fiirsato falkasta oo lid ku ah xukumada hada xukunka ahysa ee soomaaliyeed waayo anagaa sameysanay waana sixi karnaa waana ansixin karnaa sharci kasta oo wanaag u ah midnimada iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

waxaan qirayaa in dabinada taxana ah ee soo jireenka ah cadaawada waayo aragnimadana wata kana soo firdhaya itoobiya ineysan kaga guuleysaneyn ummadda soomaaliyeed waayo marar badan ayaan gaarney ummad ahaan laba daran mid dooro waxaana markasta dadka soomaaliyeed raacayeen tan ay ku sugan tahay jiritaankeeda.

AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.


Madaxdu waa shaqaalihii shacabkooda-dowlada federaalka soomaaliya waxaa iska leh ummadda soomaaliyeed oo dhan.



xaqiiqdu waxay tahay ummadda soomaaliyeed ma diidan dowladeeda ayaagana sameystey oo ay matashaa ee waxay diidan yihiin dowlada itoobiya ee caddowga soo jireenka u ah ummadda soomaaliyeed hadana ku khasbeysa dowlada curdinka ah ee ummadda soomaaliyeed waxay  ka waydey ummadda soomaaliyeed guud ahaan sidaas darteed waxay itoobiya dooneysaa iney buburiso dowlada ay sameysatey ummadda soomaaliyheed ayadoo ku rati kacsaneysa heshiis been abuur ah lidna ku ah jiritaanka ummadda soomaalikyeed guud ahaan.

runtu waxay tahay itoobiya waxay argagixso u taqaan qofka soomaaliyeed ee rabba midnimada ummadda soomaaliyeed,qofka soomaaliyeed ee doonaya midnimada ummadda soomaaliyeed,itoobiya waxay kudur ku tahay jiritaabka ummadda soomaaliyeed.

ummadda soomaaliyeed waxaan leeyahay daysta saxa kuan kahasba dowlada aad sameysateen idinku ee dowlada federaalka soomaaliya midna ogaada dowlada federaalka soomaaliya iayadau isma laha ee idinkaa leh.ee jajuuba ilaa ay nqoqoto sidaad dooneeysaan iney ahaato.

dowlada federaalka soomaaliya waxaan leeyahay waxaad idin doortey ummadda soomaaliyeed umana shaeysaan itoobiya sidaas darteed waa waxba kama jiraan heshiis beenaadka ay warqadaha ku qoratey dowalada cudurka soomaaliyeed ah ee itoobiya,waxaa xaqiiqdu tahay dal dad iyo dhul soomaaliyeed waraaqo ku qortey sheegtayna wax ka badana waraaqo waa ku qoranayaa,

ummadda soomaaliyeed waxay leedahay sameysateyna dowlada federaalka soomaaliya waana cad yahay jidka ay raacdey ku socotana ummadda soomaaliyeed ee u hayaantey jiritaankeeda ummadda soomaaliyeed ayadoo burburineysa jiritaankeeda soomaalinimo ma fulineyso danta caddowga madaxna ugumu salaaxi karno itoobiya mana oran karno waxaad ka qayb tihiin ciidamada amisom ee soomaaliya kula dagaalamaya alshabaab waayo itoobiya ayadaa danteedu ku jirtaa iney la dagaalanto alshabaab kamana aha markanan waxba qarin itoobiya la dagaalanka alshabaab argagixiso ahaan iyo ilaalinta jiritaankeeda ee waxay ka tahay maska madaxaa laga dilaa hab siyaad ah oo ay wadato kuna dheehan tahay ku qabso ku qadi mayside itoobiya waxay rabtaa iney soomaaliya cagta madaxa kaga hayso sidaas darteedna ay ku xalaaleysato gayiga iyo dhulka soomaaliyeed ee ay haysato ilaa ummadda soomaaliyeed kuwada hadaaqdo soomaali galbeed waa itoobiya afkuna juuqda gababa.

hadaba dwoalad federaalka soomaaliyeed ma aha iney ku riirato wax soomaali horjooge kasta oo soo marey ka gaabsadey kana baqey mida kale balantu waxay aheyd raadinta isu keeid dal iyo ummad iyo waliba in dowlada federaalka soomaaliyeed ilaaliso jiritaanka ummadda soomaaliyeed ee loo dhaariyey waxaan mar kale leeyahay dowlada hadda xukunka haysaay ku waayi meeysan jagooyinka ay idin dhiibteen dadkiinu laakiin ha u lagdina ummaddiina caddwo soo jireena,

shallay idinma dooran itoobiya ee waxaad aheydeen kuwo aan xil hayn maantana waxaa idin doortey idina aaminey uummaddiina siddas darteed ku kalsoonaada idinkuna kana dheeraada waxa ummadda soomaaliyeed diidey.

taas ayaana sugi karta jagooyinka aad u haysaan ummadda soomaaliyeed ee aad waliba ugu dhaarateen ilaalinteeda waxan runtu tahay heshiis kasta oo wax u dhimaya jiritaanka ummadda soomaaliyeed waa mid la tirtirey si kasta oo uu waraaq ugu qoran yahay.waayo waxksta waxaa ka wayn soomaalinimada.


AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.

Friday, September 1, 2017

DAGAAL DIIMEEDKA WATA DHUL BALAARSIGA ITOOBIYA WAA MID KHATAR KU AH JIRITAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED GUUD AHAAN.

marna ma aqbaleyso inaan aqbalno danta itoobiya ee soo jireenka ah,hadii maanta dad soomaaliyeed u arkaan itoobiya dal daris ah kuna magacaabaan dalka aan walaalaha nahay,waxaan leeyahay waxaad kasoo horjeedaab jiritaanka ummadda soomaaliyeed waxaadna raali katihiin in calanka soomaaliya lagu dado kan itoobiya.waxaadna tihiin khaa'imiin caddow kalkaal ah.

itoobiya uummadda soomaaliyeed oo war la ah ayay tagtey miiskii lagu qaybsanayey afrika qarniyo ka hor waxayna wakhtigaas raadineysey tirtirista magaca soomaaliya,diinta ummadda soomaaliyeed,iyo iney u taliso ummadda soomaaliyeed waxayna jawaabeysey dagaalkii naga dhexeeyay ee soo jirey qarniyada.


itoobiya waxay waligeed god mugdi ah la raadineysey iney galiso jiritaanka ummadda soomaaliyeed,hada warkii hore war soo dhaaf waayo waxay itoobiya fursad u hesheyiney iney ku lifaadqo dagaalka adduunka loogaga soo hor jeedo aragagixisada dagaalkeeda qarsoon ee ku saleysan dhulboobka,


waxaan macquul aheyn in dal ummadda soomaaliyeed ka humeysanaya dad kana haysta dhul kuna andacoonaya anagaa iska leh iney maanta afka ka yiraahdaan waxaan wax ka raadineynaa nabbadda soomaaliya,
ummadda soomaaliyeed raali kama aha ciidamada itoobiya ee jooga ciida soomaaliyeed waayo waa caddow,ciidamada itoobiya waxay ummadda soomaaliyeed ku xasuuqayaan dhulka soomaaliyeed ee soomaali galbeed,waxay itoobiya soomaali galbeed ka wadaa dil, xarig, kufsi,jirdil,cunno qabateyn jiritaan,


tirirista dhaqanka ummadda soomaaliyeed,ayadoo ku khasbeysa in ummadda soomaaliyeed ee dagan soomaali galbeed ineysan afkaba ka oran waxaan nahay soomaali.
waxaan dowlada federaalka soomaaliya ee hadda xukunka haysa ugu baaqayaa ineysan dhinac marin hiigsiga ummadda soomaaliyeed u wadda istaagtey ee ay ku sugeyso jiritaankeeda,kana saarto ciidamada itoobiya soomaaliya,kuna badasho ciidamo soomaaliyeed dardarna galiso dhisida ciidanka xoogga soomaaliyeed,


ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa midnimo,walaalnimo,iyo ineysan u kala tagin jiritaankooda waayo caddowga qof soomaaliyeed waa caddowga ummadda soomaaliyeed caddowga ummadda soomaaliyeed na waa caddowga qofka soomaaliyeed.sidaas darteed waa ineysan ummadda soomaaliyeed indhaha iyo gacmaha ka laaban godka lala doonayo in la galiyo jiilalka soo socda jiritaankooda ayadoo anaga hadda nool naloo soo marayo.anagana nala kala bakhti afuufayo nala kala soko marsanayo lana kala gadanayo lana kala laaluushayo nala kala bajinayo laysku kaaya dirayo.danta nala ka leeyahay waa inaan ogalaano waxa itoobiya rabto waana anagoo nala hoos geeyo itoobiya si tartartiib ah waayo dagaalka hadda itoobiya ku waddo ummadda soomaaliyeed waa mid maskaxiyin ah,iyo mid ay adduunka u tuseyso ka qayb qaadashada dagaalka argagixisada geeska afrika halka ay ayadu lafteeda tahay ragagixiso.


itoobiya waxay adduunka la wareegtaa koonbo kaalmeysi ah si ay u gaarto danteeda ah xalaaleysiga dhulka dadka iyo badda ummadda soomaaliyeedba.
waa in loo wadda istagaa soo celinta dhulka iyo dadka naga maqan ee ku jira gacanta gumeystaha,waa innaan ogaanaa soomaalikasta inuu xaq iyo xaquuq u leeyahay inuu amaan ku helo dhulkiisa hooyo,waa inaan ogaanaa in soomaali soomaali kale ka xigin ciidiisa hooyo,


dowlada federaalka soomaaliyeed ee hada xukunka haysa waxaan leeyahay waan baahanahay bakhtiga loo cuno alshabaab ayaan la dagaalameynaa ee itoobiyaay naga caawinya ma soconeyso waayo waxaa alshabaab soo afjari karaa waa ciidanka xooga soomaaliyeed,waayo ninna loogama fiicna ilaalinta nabbad galyada ilmihiisa ilaalinteeda.ciidanka xooga soomaaliyeed waa ilaaliyaha jiritaanka ummadda soomaalikyeed.waana kuwa laga doonayo iney kor usidaan toosha ummadda soomaaliyeed ku mareyso mugdiga.
tariikhdii dheereyd ee ay soo martey ummadda soomaaliyeed laguma dadi karo wadaad waashey galeyna kaymaha iyo dhalinyaro ay maskaxda ka badaleen kana dhiganayaan qoryo dagaal lagu shido iyo qalaalso macno darro ah.


ummadda soomaaliyeed waxaa hadba lagu soo dhextuuraa qalaalse kala geyn ah in ay u socoto danta itoobiya kasoo marba noqda jawiga uu ku fuli karo mid beel iska hor keen mid isku diris maamulada dalka ka jira ah mid u baneyn alshabaab goobo cusub ah,iyo mid waliba ah kan ugu khatarsan ee ku saleysan indho ku haynta dowlada federaalka soomaaliyeed horgalayaashooda,maadama dagaalka aragagixisada geeska afrika ay qayb ka tahay magac ahaan waxaa gacanta u gala itoobiya sirta ummadda soomaaliyeed oo dhan waana mida itoobiya oo ahaan jirtey jiir maanta isugu maleyso libaax.


marar badan ayaa lala soo kufey haynta hogaanka jiritaanka ummadda soomaaliyeed sidaas darteed waxaan dowlada federaalka soomaaliyeed ee hada xukunka haysa ugu baaqayaa iney mideyso ummadda soomaaliyeed,raadisana ummadda soomaaliyeed mideynteeda nabbadeynteeda,una noqoto horgale qalbigoodu ku diirsan karo kuna kalsoonaan karo.waayo maanta ummadda soomaaliyeed waxay rajadeedii galisey kuna aamintey dowlada federaalka soomaaliyeed xukuumada hada xukunka haysa waxkasta oo khaladana wax dulqaad ummma laha ummadda soomaaliyeed waayo khaldaa ma khaldamo ayay mareysaa sidaas darteed waa ku waajib dowlada federaalka soomaalikyeed ee hada xukunka haysaa iney markasta fuliso doonitaanka ummadda sameysatey ee soomaaliyeed.


waxaan qirayaa inaan wadda gaari karno ummad soomaaliyeed ahaan anagoo mideysan halkaan dooneyno inaan degno ee uu jiritaanka ummadda soomaaliyeed ee hada nool iyo jiilaalka ummadda soomaaliyeed ee soo socdaba ku sugan yahay.


AMIN MUSSE.

Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.

musharaxa madaxweynaha.

Saturday, August 26, 2017

BARIIRE-SOOMAALIYA.



BARIIRE-SOOMAALIYA.

marka ugu horeysa ILLAHEY samir iyo iimaan haka siiyo ummadda soomaaliyeed shacabka ku dhintey layntii kaska aan aheyn ee bariire.

maanta dalku wuxuu ku jiraa dagaal waana mid laga yaabo inuu socdo wakhtiyada soo socda loona baahan yahay in loo wadda istaago si aanu ugu danbeyn u helno nabbad nolol iyo horumarba.waxaa hubaala in dagaalka ka socdaa yeelan dooono wajiyo kala dwuan sida hubaasha ah sifeynta urur diimeedka dulsaarka ku ah ummadda soomaaliyeed maalinkastana daadinaya dhiiga ummadda soomaaliyeed waa mid muqadis ah soo afjaristiisu waxaase nooagaga baxaya waa naf iyo maal si kastaba haku baxaane.

soomaaliya cirka kama soo dhicin waa dhaxalki awoowayaashayo sidaas darteed ummadda soomaaliyeed waxay soo martey dhibaatooyin badan dagaalo badan intaasna waxaa ummadda soomaaliyeed dhabarka saaraneysey waxkastana ka hormarineysey jiritaankeeda waxaana intaas ku daadanayey dhiig waxaa noogaga dhimanayey dad badan tan maanta ka dhacdeyna waa dhacdo ka mid ah ama khalad dhacey kana mid ah raadinta soomaaliyada aanu wadda rabno inaan wadda sameysano.


waxaa hubaala meel dagaal ka dhacey waxaa ka imaan kara dhimasho iyo khalad waxaase waxkasta ka weyn soomaalinamada iyo danta guud ee aanu wadda raadineyno iyo soo afjarista soomaalidiidnka doonaya dal iyo dad baaba'a,
arintan ka dhacdey bariire soomaaliya waxay la mid tahay dhacdooyinka lagala kulmey dagaalada ka socda ciraaq afganistaan iyi siiriayaba.


markasta waxay alshabaab u taagan tahay laynta shacabka soomaaliyeed, soomaaliyana kumada noolaan karaan soomaalidiid iyo soomaalidoon waxaana ummadda soomaaliyeed wadda raacdey jidkii soomaalidoonka iyo dal nabbad ah barwaaqana ah sidaas darteed jidka aanu wadda goosaney inaan raacno waa mid ku saleysan kuna jiro jiritaankayaga waana mid aanu dhib iyo dhimashaba kala kulmeyno use baahan dhabar adeyg. waayo waxaa dhow guusheenii gaaristeedii.


ummadda soomaaliyeed waxaa soo rafaadiyey dagaal gaajo dowlad la'aan maantase waa isku duuban tahay ummadda soomaaliyeed waxa na horyaalana waa gun ka gaaristeedii iyo iney ku ekaato taariikh laga sheekeeyo oo kaliya.
waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa midnimo walaalnimo is cafin run ah wadda raadinta danta guud ee ummadda soomaaliyeed iyo jiritaan mid ah.waxaan kaloo dowlada hada xukunka haysa ugu baaqayaa in markasta la ilaaliyo jiritaanka iyo nolosha shacabka soomaaliyeed meelkasta dal iyo dibadba.ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa iney isku tashadaan iskuna kalsoonaadaan,mideysnaadaana.


- shacabkii ku dhintey bariire waa in raali galin laga bixiyaa dowlad soomaaliyeed ahaan iyo dalkii dalkii dagaalka wax kala caawineyeyba ciidanka xooga soomaaliyeed.- waa in la bixiyaa magtii shacabkii soomaaliyeed ee ku dhintey bariire ee kamaga ahaa.wakhtigan laga bilaabo waa in dowlada hada xukunka haysaa leedahay awooda ugu danbeeysa ee duqeynta iyo fasaxa ogolaanshaha goobaha dagaalka lagu qaadayo maadama ay ayadu hada xukunka u hayso.waana in awooda dagaal fasax la hoos keenaa dowlada hada xukunka hysa ee ma aha in dalkastaa ciidamo keeno soomaaliya halkaasna ka bilaabo cabad ridid.waxaa lagu dhex dagaalamayaa waa shacab soomaaliyeed waana kan iska leh dowlada hada xukunka haysa ee soomaaliyeed.mana aha in la daadiyo dhiigooda waxa dagaalkubua u sicdaa waa in la badbaadiyo dhiiga ummadda soomaaliyeed lagana dhiciyo caddow diimeedka meelaha kale lagu rati kacsanayo dadyow kalena danno ku wataan.


shacabka soomaaliyeed waxaan leeyahay la shaqeeya dowlada aad sameysateen,waana in aanu uwada dulqaadanaa dhibta iyo dhimashada aanu u mareyno inaan helno nabbad waarta.

AMIN MUSSE-Afhayeenka ummadda soomaaliyeed-musharaxa madaxweynaha.





Monday, August 21, 2017

dabeylaha dhacaya - wakhtiga silsilada ah, isbadala adduunkan rogrogaya ummadda soomaaliyeed waxay hayaan u tahay hiigsaneysaana halkuu ka IFAYO jiritaankoodu.ee ha ka harin hayaanka.


dabeylaha dhacaya - wakhtiga silsilada ah, isbadala adduunkan rogrogaya ummadda soomaaliyeed waxay hayaan u tahay hiigsaneysaana halkuu ka IFAYO jiritaankoodu.ee ha ka harin hayaanka.

Afhayeenka ummadda soomaaliyeed-Midnimadu waa jidka kaliya ee ummadda soomaaliyeed.


BAAQ NABBADDEED-BUUHOODLE -SOOMAALIYA- shacabka soomaalikyeed ee buuhoodle waxay xaq iyo xaquuq u leeyihiin iney isdifaacaan.



dagaal wiil ayaa ku dhinta wiilse kuma dhasho.waxaan halkan baaq nabbeed uga soo jeedineynaa dagaalka ka socda magaalada buuhoodle ee soomaaliyeed.
waxaa runtu tahay qof soomaaliyeed doonayana inuu haysto calankiisii buluuga ahaa waa xaaraan maqdac ah in dagaal loogulua yimaado tuur oo qaado mid kale,waxa maanta iyo mudooyinkii danbe ka socdey sool sanaag iyo cayn waa wax ummadda soomaaliyeed indhaha kuwada haysey iyo waliba dadyowga adduunka kuwa dantu kaga jirto soomaaliya iyo inetysan kaga jirin ba waana dulmi cad in qayb beel ummadda soomaaliyeed ka mid ah inta lacag la soo siiyo lagu yiraahdo kuwaasna keena ama maquuniya aanu wadda noqonee soomaalidiid.
nin hunguri qaadey waa nin seef qaadey wax kasta waxaa ka weyn soomaalinimada qofkii ula yimaadana ummadda soomaaliyeed soomaalidiidnimo qof ka mid ah-beel ka mid ah - iyo ummadda soomaaliyeed waa xaq in loo huro nafta iska celintiisa iska qabashadiisa waana in layska dhiciyo.waayo waa wax ku lid ah jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo qofka soomaaliyeedba.
waa muqadis in sool sanaad iyo cayn loo gadaal fariisto hogaanka shacabka xalaasha ah ee soolmaalidoonka ah madaxda cusub ee xalaasha ah ee ay ku kalsoon yihiin waana kuwii badaley xukuumadii fadhiidka aheyd ee cali galeyr isna iibisey ugu danbeyntii.
waxaa ummadda soomaaliyeed taqaanaa tageersan tahayna isku mabdana yihiin waa hogaanka cusub ee khaatumo waana maamulka cusub ee khaatumo soomaaliya kana midka ah dowlada federaalka soomaaliya.
waxaan mar labaad ku baaqayaa in nabbad lawada ilaashado laakiin aan marnaba la ogalaan soomaalidiidnimo iyo dabadhilif uu soo direy soomaalidiid uu adeeganayo caddowga ummadda soomaaliyeed kuna rati kacsanayo caddowgaas soo jirieenka ah ee ummadda soomaaliyeed waligiisna ku qarwayey aargoosigii dagaaladii ummaddii soomaaliyeed ugaga adkaatey WAAYIHII HORE maantana ay wali waddaan AARGOOSI faracii haraadigii caddowgaas soo jireenka ah ee ummadda soomaaliyeed.
Amin Musse.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...